Mareykanka oo ballanqaaday inuu xoojinayo taageerada Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa ballan qaad cusub oo ka dhan ah Al-Shabaab u sameysay dowladda Soomaaliya, kadib qaraxii Arbacadii ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar.

Safiirka Mareykanka u fadhiya Muqdisho Donald Yamamoto oo ka hadlay weerarkaasi ayaa marka hore Tacsi u diray ehellada ay dadkoodu ku dhinteen, isagoona ku dhaawaca ah u rajeeyey caaafimaad deg deg ah.

Donald Yamamoto ayaa sheegay in dowladdiisu cambaareyneyso weerarkaasi oo uu ku tilmaamay mid baahalnimo ah.

Dhanka kale wuxuu carabka ku dhuftay in Mareykanka uu xoojinayo taageerada Soomaaliya, islamarkaana uu ka gacan siinayo baabi’inta Argagixisada.

“Waxaan xaqiijineynaa ballanqaadkeena xooggan ee aan ku garab taagannahay dadka iyo xukuumadda Soomaaliyeed anagoo gacan ka geysaneyna dadaallada wadajirka ah ee lagu doonayo baabi’inta kooxaha argagixisada iyo dhisida dal adag oo dadkiisa u horseeda barwaaqo iyo mustaqbal wanaagsan.” ayuu yiri Yamamoto.

Ugu dambeyn waxa uu amaan iyo boggaadin u jeediyey ciidamada ammaanka iyo kooxaha gurmadka deg dega ah, siday u caawiyeen dadkii ku waxyeeloobay weerarkii gobolka Banaadir.

Weerarkan oo ismiidaamin ahaa ayaa waxaa sheegatay Al-Shabaab, waxaana ku dhintay ku dhawaad 10 Qof oo ay ku jiraan guddoomiyeyaal degmo iyo agaasimeyaal heer gobol.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here