Madaxweyne ku meel gaadh ah oo loo dhaariyey Tunisia

maxamed al naasir tunisia

Gudida sare ee doorashooyinka Tunisia ayaa ku dhawaaqday in dalka laga qaban doono doorasho madaxtooyooyo 15 Sebtember ee sannadkan.

Waxa sidoo kale xilka madaxtinimada dalka si ku meel gaadh ah loogu dhaariyey gudoomiyaha baarlamanka, Maxamed Al-Naasir, geeridii Madaxweyne Baaji Qaa’id Al-Sibsi ka dib.

Sida uu dastuurka dalku digayo gudoomiyaha baarlamanka ayaa si ku meel gaadh ah xilka u haynaya muddo 45 ilaa 90 maalmood ah inta lagu qaban qaabinayo doorsho madaxweyne.

Maxamed Al-Nasir ayaa qudhiisa da’diisu tahay 85 jir oo aan wax badan ka yarayn madaxweynaha geeriyooday.

Xukuumaddu waxay shaacisay baroor diiq todoba maalmood ah iyo in calanka dalka hoos loo dhigi doono.

Waxaanay intaa ku dartay in maalinta Sabtida ah aas qaran lagu sagootiyi doono madaxweynaha geeriyooday.

Al-Sibsi oo ahaa madaxweynaha ugu da’da weyn dunida ee xil haya ayaa Arabacadii la dhigay isbitaal, maalmihii ka dambeeyeyna xukuumaddu wax war ah kamay soo saarin xaaladiis iyo xanuunka hayey toona.

Tunisia ayaa noqday dalka keliya ee ka soo doogay kacdoontii gu’gii Carabta oo aan dagaal iyo fawdo ka dhicin.

Al-Sibsi ayaa door wayn ka ciyaaray heshiis awood qaybsi ah oo dhex maray xisbigiisa Nidaa Tuunis iyo xisbiga Islaamiga ah ee Annahda. Waxaanay arintaasi sahashay in dalku xasilo oo aan dawladdu dumin.

Wuxu ahaa nin loo arkayey inuu ilaalinayo mabaadiida cilmaaniga ah ee bulshada Tunisa.

Dadka ka soo horjeedaa se waxay u arkayeen inuu ka mid ahaa rajiimkii hore ee dadka miidhay ee Bin Cali oo uu xilal ka soo qabtay.

Waxaanay u haysteen in uu doonayey in ay soo laba kaclayso “dawladdii xididaysatay” isla markaana wiiqayey himiladii kacaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here