Home Blog Page 647

Fannaanad caan ah oo marka ay seexaneyso afka iska sharooteysa

0

“Waa arrin cajiib ah oo lagu qoslo. Waxaan wax ka barannaa waxyaabo badan oo aynaan sameynin, balse waxba kama baranno waxyaabaha aan sameyno xilli kasta: sida neefsashada”.

Waxaa sidaas tiri Andien, oo ah fannaanad caan ka ah dalka Indonesia iyo meelo badan oo ka tirsan caalamka.

Waxay Andien ka yaabsatay taageerayaasheeda markii ay barteeda Instagram-ka kusoo daabacday sheeko ku saabsan habka ay u neefsato.

Qoraalkeeda ayey soo raacisay sawirro muujinaya iyada, seygeeda iyo cunugooda oo 2 jir ah, iyagoo dhammaantood ay sharooto uga dhaggan tahay afka.

Waxay shaaca ka qaaday in qoyskeedu ay saddexdii bilood ee lasoo dhaafay sameynayeen wax la yiraahdo Buteyko.

Arintan ayaa ku saabsan sidii loo hormarin lahaa caafimaadka dhinaca neefsashada, waxaana uu qofka ku khasbanaanayaa inuu habeenkii afka sharooto ku dhajisto marka uu seexanayo.

Andien waxay sheegtay in farsamada Buteyko ay ka caawisay inay hesho hurdo fiican, ayna ka joojisay dhibaatooyinka ay ka mid tahay inay dhuunta qallasho iyo waliba in uu u hagaagay caafimaadkeeda dhinaca neefsashada.

Hase yeeshee, in afka sharooto lagu dhajisto maxay tareysaa, mase u wanaagsan tahay caafimaadka?

Waa maxay Buteyko?

Farsamada loo yaqaanno Buteyko waxaa markii ugu horreysay lasoo hindisay sanadihii 1950-meeyadii.

Qofkii ugu horreeyay ee soo bandhigay waxa uu ahaa dhaqtar u dhashay Ruushka oo lagu magacaabi jiray Konstantin Pavlovich Buteyko, kaasoo sida muuqata farsamadan loogu magac daray.

Wuxuu aaminsanaa in dhibaatooyinka la xiriira dhinaca neefsashada, gaar ahaan xanuunka ay soomaalidu u taqaano ‘neefta’ ay yihiin kuwo ka yimaada sida uu qofku u neefsado.

Sidoo kale waxa uu dhakhtarkaas aaminsanaa in dadka xanuunnadaas qaba, haddii loo sheego hab ay sanka kaliya uga neefsan karaan, ay dhibaatooyinka dhinaca sanbabbada ka bixi lahaayeen.

Ku dhawaad 70 sano kaddib, farsamadaas ayaa wali caan ka ah meelo badan oo ka mid ah caalamka.

Dadka isticmaala farsamada Buteyko ayaa ilaa hadda si weyn u rumeysan in habka kaliya ee habeenkii sanka looga neefsan karo ay tahay in afka sharooto la isaga dhajiyo.

Ujeedada kulan uu RW Kheyre la yeeshay wefti ka socda Wasaarada Difaaca Qatar + Sawirro

0

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ku qaabilay wafdi ka socda wasaaradda Gaashaandhigga dalka Qatar.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Saraakiisha Wasaaradda gaashaandhigga Qatar oo looga hadlay xoojinta taageerada Qatar ee dhismaha iyo qalabeynta ciidamada qalabka sida, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka amniga gudaha, wasuurudowlaha Wasaaradda Gaashaadhigga, Taliyayaasha ciidanka Xoogga, Booliska iyo Asluubta.

Dowladda Qatar ayaa ka qeyb qaadaneysa dhismaha ciidamada Xoogga Dalka, gaar ahaan qeybta 21aad, arrintaas oo qeyb ka ah barnaamijka taakuleynta ciidamada dowladda Soomaaliya.

Wafdiga oo ay wehliyaan taliyayaasha ciidamada dalka ayaa wadajir qiimeyn ugu sameeyay xarumaha ciidamada ee ku yaalla magaalada Dhuusamareeb oo dib-u-dhis laga billaabayo.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay Qaramaynta ciidamadii Ahlusunna Waljamaaca si ay qayb uga noqdaan ciidamada qaranka, looguna diyaariyo ka qayb qaadashada xoreynta deegaannada Galmudug ay uga sugantahay kooxda Argagaxisada.

Tayeynta ciidanka xoogga dalka, dhismaha xarumaha ciidanka, iskudhafka iyo qalababeynta ciidanka, ayaa qeyb ka ah halbeegyada ugu waawayn ee Tubta Amniga iyo Caddaaladda.

DHAMMAAD

Dowladda Tunisiya oo haweenka u fasaxday inay guursadaan ragga aan muslimiinta ahayn

0

Dowladda Tunisiya ayaa baddashay xeerka islaamiga ah ee haweenka muslimiinta ah ka mamnuucaya inay guursadaan ragga aan muslimiinta ahayn.

Haweeney afhayeenad ah oo u hadashay madaxweynaha dalkaas Beji Caid Essebsi ayaa ku dhawaaqday arrintan waxayna dumarka ugu hambalyeysay helitaanka “xorriyadda ku saabsan in qof walba uu guursado qofkii dookhiisa ah”.

Ilaa hadda, nin walba oo aan muslim ahayn haddii uu damco inuu guursado haweeney reer Tunisia ah oo muslimad ah, wuxuu ku khasbanaan jiray inuu soo islaamo, islamarkaana uu soo bandhigo shahaado caddeyn u ah inuu diinta islaamka qaatay.

Dalka Tunisia oo 99% muslim ah ayaa lagu tilmaamaa inuu ka mid yahay dalalka carabta ee horumarka ugu weyn ka gaaray ilaalinta xuquuqda haweenka.

Isbaddalka cusub ee lagu sameeyay sharciga ayaa yimid kaddib markii uu madaxweyne Essebsi ku dadaalay in meesha laga saaro xeerka xaddidaya guurka haweenka muslimiinta ah ee waddankaas, kaasoo la meel mariyay sanadkii 1973-kii.

Khudbad uu bishii lasoo dhaafay ka jeediyay munaasabadda dabaaldagga maalinta haweenka ayuu ku sheegay in xeerka xaddidaya guurka “uu caqabad ku noqday xuquuqda uu qofku u leeyahay inuu dookhiisa guursado”.

Xaddidaaddaas ayaa sidoo kale loo arkayay mid aan waafqsaneyn dastuurka Tunisiya ee la dhaqan galiyay sanadkii 2014-kii, kaasoo uu sabab u ahaa kacdoonkii loo yaqaannay gugii carabta.

Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ee ka howlgala Tunisiya ayaa iyana in muddo ah u ol’oleynayay in meesha laga saaro xeerka isku diidaya haweenka muslimiinta ah iyo ragga aan muslimiinta ahayn.

Amarka ay madaxtoooyadu hadda soo saartay ayaa u dhaqan galaya si deg deg ah, lammaanuhuna waxay xor u yihiin inay warqadahooda meherka ka diiwaan galiyaan xafiisyada dowladda.

Muhiim ma tahay tallaabadan?

Sida ay sheegtay Rana Jawad, oo BBC News uga soo warranta magaalada Tunis, dad badan oo reer Tunisiya ah ayaa tallaabadan u arka guul kale oo laga gaaray hirgalinta xuquuqda haweenka ee waddankaas.

Waxay arrintan Tunisia ka dhigeysaa waddankii ugu horreeyay ee ka tirsan bariga dhexe iyo waqooyiga Afrika oo laala sharciga guurka ee waafaqsan diinta ugu weyn ee waddanka laga heysto.

Horay waxaa ragga muslimiinta ah ee dalkaas loogu oggolaa inay guursadaan haweenka aan muslimiinta ahayn.

Dalka Tunisiya waxaa ku nool dad Yuhuud ah iyo masiixiyiin tiro yar ah, mana cadda sida sharciyada guurka xaddidaya loo waafajin jiray.

Bishan Luulyo gudaheeda, baarlamaanka Tunisia ayaa meel mariyay sharci cusub oo soo afjaraya xeer horay u dhigayay in ragga kufsiga geysta ay ciqaab walba ka badbaadaan haddii ay guursadaan gabdhaha ay kufsadeen.

Sucuudiga oo Dekadda Magaalada Berbera ku soo celisay Markab waday 20 kun oo neef oo Ari ah

Dowladda Sucuudiga ayaa Dekadda Magaalada Berbera ku soo celisay Markab waday 20 kun oo Neef oo Ari ah, kaas oo u rarnaa Ganacsatada wax ka dhoofsada Dekadda Magaalada Berbera.

Saraakiil kala duwan ayaa xaqiijiyay in Markabka markii uu ku xirtay Dekadda Magaalada Jiddah la weydiiyay warqadda Caafimaadka xoolaha ee dowladda Federaalka ah ay bixiso lagana waayay.

Markabka oo noociisu yahay MV-FAHAD iyo Arigii oo saaran ayaa ku soo wajahan Dekadda Magaalada Berbera halkaas oo uu ku soo laabanayo.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Xuseen Gaafaandhe ayaa xaqiijiyay in Sucuudiga soo celiyay Markabka u rarnaa Ganacsatada Somaliland.

Wasiirka ayaa  in shuruud looga dhigay warqadda Caafimaadka Xoolaha oo ay bixineyso Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dowladda Federaalka ah.

“Waxaad ogtihiin in afar habeen ka hor uu uu dekadda Berbera ka dhoofay Markab siday xoolo oo usii jeeday dekada Jidda ee Sucuudiga Carabiya, wadankaasi uwuxuu ku tagay dalab ka yimid Baanka islaamiga ah ee xoolaha xajka qaadan jirey, waxaanu baanka iyo nimankii Carabta ahaa ee qaadan jirey xooluhu damaanad qaadeen inay xoolahaasi ka dajinayaan dekada Jidda”ayuu yiri wasiir Gaafaadhi.

Waxaanu intaas ku daray “Dawlada Muqdisho markii ay ka war heshay inuu markabkaasi Berbera ka dhoofo duulaan balaaran baa la qaaday, wasiirkii wasaarada xanaanada xoolaha Soomaaliya wuxuu u dhoofay Sucuudi Carabiya wuxuu culays iyo dagaal weyn saaray in aan markabkaasi la rogin.”

Dowladda Sucuudiga ayaa dhawaan ku wargelisay Somaliland in Maraakiibta Xoolaha ka qaada Dekadda Berbera looga baahanyahay Warqad caafimaad oo ay bixisay Dowladda Federaalka ah.

Somaliland ayaa arrintaas ka dhega fureysatay waxaana Ganacsatadu Sucuudiga u dhoofiyeen Markab 20 kun oo Neef oo Ari ah wada, kaas oo hadda dib ugu soo wajahan Berbera.

Maamulka Somaliland ayaa horey u sheegay inay ka madaxbanaan yihiin Dowladda Soomaaliya isla markaasna aysan aqbali karin shuruuda dowladda Sacuudiga ee ah in waraaq ay Somailand ka keensado dowladda Soomaaliya.

Dowladda Sacuudiga ayaa xiriir fiican la leh dowladda Soomaaliya, waxayna kamid tahay dowladaha sida weyn uga soo horjeedo go’aanka ay Somaliland ku dooneyso inay kaga go’do Soomaaliya inteeda kale.

Maamulka Somaliland ayaa ku dhawaad 30 sano raadinayo ictiraaf mana jiro ilaa hadda hal wadan oo u aqoonsaday inay yihiin Dowladda ka madaxbanaan Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay qaraxii Kismaayo

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada dadkii ku geeriyooday weerarkii ka dhacay magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa dadka dhaawacyadu soo gaaray u rajeeyey in uu Alle u caafiyo, isagoona Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku jiheeyay in si degdeg ah ay gurmad caafimaad ugu fidiso dadka ay culus tahay xaaladdooda caafimaad.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Weerarkan argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Kismaayo waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray hay’adaha ammaanka heer Federaal ee ku sugan Jubbaland iyo kuwa heer dowlad Goboleed in ay sare u qaadan feejignaantooda oo ay sugaan amniga, kana hor tagaan falalka argagixisanimada.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay bulshada Jubbaland in ay xoojiyaan midnimadooda iyo wadajirkooda, siina joogteeyaan la shaqeynta laamaha ammaanka, si loo xaqiijiyo amniga guud ee deegaannada oo ay ku soo food leedahay doorashada Madaxtinimo ee Jubbaland.

Dadkii ku dhintay weerarkii Kismaayo oo la shaaciyey ajaanib ka mid ah iyo shaqsiyaadkii ugu caansanaa

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka hadlay weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay magaalada Kismaayo.

War lagu daabacay Bogga Facebook ee Madaxweynaha Jubaland ayaa lagu sheegay in weerarkii Kismaayo ay ku dhinteen 26 qof, 56 kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadka dhintay waxaa kamid ah  Hodan Naleeyeh oo ah gabar saxafiyad ah haysatayna dhalashada Canada oo ay dhowaan kasoo laabatay ayaa ku geeriyootey dhacdadaasi oo ay Al-Shabaab sheegatay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya inseygeeda, Fariid Jaamac, kaasi oo wasiir kasoo noqdey Puntland ahaana ganacsade uu kamid noqday dadkii ku baxay mashaqadaasi.

Marxuumadda ayaa ah aas-aasaha muuqaal-baahiyaha Integration TV kaasi oo ka warama arrimaha maxaliga ah ee dalka iyo qurba joogta Soomaaliyeed.

Hodan ayaa ku dhalatay Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool 1976-dii, waxaa la dhashay 4-wiil iyo 7-gabdhood.

Hodan Naaleeye iyo Qoyskeeda waxa ay Canada galeen 1984-tii, iyaga oo saldhigtay Magaalada Edmonton ee Gobolka Alberta.

Waxbarashadeeda hoose waxa ay ka baxday West Humber Collegiate Institute, halka University of Windsor ay ka qaadatay Shahaada Bachelor-ka, iyada oo ka baratay Farshaxankta iyo Xiriirka.

Waxa ay ahayd qof ku firfircoon baraha Bulshada, waxaana ay ku lahayd dad badan oo ku xirnaa baraheeda.

Hodan iyo Seygeeda waxa ay muddooyinkii dambe ku noolaayeen Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Maxamed Sahal Gacmadheere, wariye ka tirsanaa talafishinka SBC isla markaana fadhigiisu yahay magaaladda dekadda leh ayaa isna la sheegay in uu kamid noqdey murxuumiinta.

Deeq Ciise Cabdulle, oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha bini’aadanimadda ayaa dhankiisa ku jira dadka ku naf-waayey Is-miidaamintaasi. Si lamid ah nabadoon ayuu galaaftey weerarka.

Dadka kale ee ku dhintay weerarkaas waxaa ka mid ahaa Ganacsade lagu magacaabi jiray Arbacow Rukun,waxaa kale oo dadka dhintay ka mid ahaa  Deeq Ciise Wabi oo u shaqeynayay Hay’ad aan dowli ahayn.

Sidoo kale waxaa weerarka Hotelka Cas casey ku dhintay Maxamed Ismaaciil Shuuriye oo ka mid ahaa musharrixiinta xilka madaxweynaha doorashada Jubaland.

Waxaa kale oo weerarkaas ku dhintay Mahad Cabdullahi Nuur (Garguurte) oo ka dhashay qoys Ganacsiga caan ku ah islamarkaana deggan Tanzania,waxaa isaga iyo ganacsato u kala dhashay China iyo Tanzania u tageen Kismaayo in ay qiimeyn ku sameeyaan Ganacsi ay maalgashan karaan, mid ka mid ah dadka u dhashay China ayaa ka mid ah dadka dhintay.

Dadka weerarka Hotelka ku nafwaayay waxaa ka mid ah Nin magaciisa lagu sheegay Ina Cigaal Shidaad oo Kismaayo u joogay arrimaha doorashooyinka Odayaasha dhaqankana ka mid ahaa.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah Ajaanib u kala dhashay dalalka kala ah;

Kenyan 3 qof.

Canadian 1 qof.

British 1 qof.

American 2 qof.

Tanzanian 3 qof.

China 2 qof, dhaawac

SAWIRO HAYADDA SVO OO CUNTO IYO AGAB KALE U QAYBISAY DANYARTA TUKARAQ

0

Hayadda wadaniga ah ee #SVO ayaa maanta raashin iyo Agab kale u qaybisay dadka danyarta ah ee magaaladda Tukaraq.

Raashinka iyo Agabka la qaybiyey ayaa ahayd deeq ay dalka Maraykanka ka soo diray hayadda Helping Hand for Relief & Development Africa iyadoo goobta looga mahadnaqay.

Waxaa sidoo kale loo Mahadnaqay Wasiirka Horumarinta Biyaha Somaliland oo balanqaaday inuu bixinayo gaadiidkii ama Noolkii deeqdan lagu gaarsiiyey Magaalada Tukaraq.

Deeqaha noocan oo kale ah ayaa waxweyn u tara qoysas danyar ah oo degaamo badan ku filiqsan.

DAAWO SAWIRADDA:

Hodan Siciid Naaleeye iyo seygeeda oo ku dhintay weerarkii Kismaayo

0

Waxaa isa soo taraya dadka ku dhintay weerarkii ku bilawday Ismiidaaminta ee lagu qaaday Hotel Madiina oo horay loo oran jiray (Hotel Cascasey).

Dadka ku geeriyooday weerarka waxaa kamid ah Hodan Naaleeye oo ahayd Gabar Caawin jirtay Haweenka danta yar, iyo wariye madaxbanaan oo aas aastay Integration TV.

Sidoo kale waxaa la geeriyooday Seygeeda oo lagu magacaabi jiray Fariid Jaamac kasoo mid noqday Wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Hodan ayaa ku dhalatay Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool 1976-dii, waxaa la dhashay 4-wiil iyo 7-gabdhood.

Hodan Naaleeye iyo Qoyskeeda waxa ay Canada galeen 1984-tii, isaga oo saldhigtay Magaalada Edmonton ee Gobolka Alberta.

Waxbarashadeeda hoose waxa ay ka baxday West Humber Collegiate Institute, halka University of Windsor ay ka qaadatay Shahaada Bachelor-ka, iyada oo ka baratay Farshaxankta iyo Xiriirka.

Waxa ay ahayd qof ku firfircoon baraha Bulshada, waxaana ay ku lahayd dad badan oo ku xirnaa baraheeda.

Hodan iyo Seygeeda waxa ay muddooyinkii dambe ku noolaayeen Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Al-Shabaab oo sheegatay musuuliyadda qarax iyo weerar Kismaayo ka dhacay

0

Ururka Al-Shabaab ayaa durba sheegtay Mas’uuliyadda weerar iyo qaraxyo lagu qaaday Hotel ku yaal Magaalada Kismaayo ee Caasimadda kumeel gaarka ah ee Maamulka Jubbaland.

Jugta qarax xooggan ayaa gelinkii dambe ee maanta ka dhacay Hoteel ammaankiisa si aad ah loo ilaaliyo oo ay deganyihiin siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin katirsan maamulka Jubbaland.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab  ayaa lagu sheegay in xoogagoodu ay weerar xooggan ku qaadeen Hoteelka Cascaseey

“Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi iyo Inqimaasi ah ku qaaday mid kamida Hoteellada ay deganyihiin saraakiisha maamulka Jubbaland” ayaa lagu yiri war kooban oo Al Shabaab kasoo baxay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalyahannada weerarka qaaday ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta Hoteelka Cascaseey halkaas oo ay ka wadaan toogasho.

Kheyre ma waxa uu jiiray xudduudaha aan la qirsanayn ee gudaha Soomaaliya?

0

Maxkamadda ugu saraysa ee caddaalada adduunka waxaa horyaala dacwad ay geysey Soomaaliya, taas oo ku saabsan muran ka taagan xudduud badeedka Soomaaliya iyo Kenya.

Balse taas ma ahan welwelka kaliya ee ay tahay in ay ka fikiraan madaxda dowladda federaalka sida uu sheegayo Prof Xuseen Macalin Iimaan oo ah falanqeeye siyaasadeed, wuxuuna qabaa in ay jiraan xudduudo dalka gudihiisa ah oo ay tahay in dowladda ay si uun u maareeyso.

Dhowaan markii Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre tagay Waqooyiga Gaalkacayo, kadibna meel fagaaro ah kula hadlay dadweyne badan oo isu soo baxay, waxaa arrintaas dhaleeceeyey dowlad goboleedka Puntland.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa yiri “Ra’isulwasaaraha waxa uu si cad u hareer maray hanaankii aan u dajinay, wuxuuna yiri aniga hanaan raaci maayo, umana socdo in isimo , iyo odayaal la kulmo, waxaan u socdaa in aan dhalinyaro la kulmo”.

Wuxuu intaas ku daray in Ra’isulwasaaraha uu qas iyo foowdo ka sameeyay gudaha Puntland, islamarkaasna gacan dhaafay maamulka.

Prof Xuseen ayaa qaba in madaxda sare ee federaalka oo kaliya aysan ahayn kuwa caqabadaha ay ka qabsadaan marka ay tagaan deegaanada ay maamul goboleedyada ka taliyaan, wuxuuna yiri “Arrintaas waa arrin jirta , kana mid ah waxyaabihii nagu soo biirey 30-kii sanno ee lasoo dhaafay, in xuduudaha aan jirin ee beenta in la abuurto, dhibaatooyinka jira ee kale waxaa ka mid ah in dad shaqo u aaday oo dowladda dirtay, oo wasaaradoodii shaqo u dirtay, meel tagay, kadibna gobolkii ay tageen laga soo musaafuriyay sidii dal ajnabi in ay tageen oo kale”.

Madaxda federaalka ma tahay in ay u idin qaadato tagista dalka gudihiisa?

Dowladda federaalka iyo dowladdaha xubnaha ka ah qaarkood waxaa ka dhaxeeya khilaaf ragaadiyay xiriirkoodii, oo xitaa kaliya aan ku ekeyn arrimaha gudaha, ee sidoo kale waxa ay xitaa isku maandhaafeen arrimaha dibedda.

Prof Xuseen Macalin Iimaan waxa uu qabaa in marka laga qiyaas qaato jawiga siyaasadeed ee hadda dalka ka jira, in Ra’iusulwasaaraha uu sameeyay qamaar, wuxuuna yiri “Arrintaas waxay ka mid tahay xero-taraarka siyaasadeed dadka madaxda ay sameeyaan marka aysan aad ugu caddeyn moowqifka maamulka ay la macaamilayaan iyo xiriirka dadweynaha iyo maamulkaas ka dhaxeeya, waa nooc qamaar ah, natiijada kasoo baxdaana waxay ku xirantahay moowqifka ay ka qaataan odayaasha iyo shacabka intiisa kale”.

Waxa uu intaas ku daray “Ra’isulwasaaraha iyo waftigiisa waxa ay qaateen go’aan ah in iyaga iyo shacabkaa aan loo dhaxaynin, umana arkaan in ay fasax u qaataan in shacabka Soomaaliyeed ay la hadlaan”.

Ra’isulwasaare Kheyre oo dadweyne tiro badan kula hadlayay garoonka Cawaale Liibaan ayaa u muuqday in isla arrintaas uu ka shanqariyay “Shacabka iyo dowladda waa wadnihii iyo beerkii qofka bini’aadamka ah, lama kala qaadi karo shacabka iyo dowladda”.

Falanqeeye Prof Xuseen ayaase sharaxaya in shacabka ay jiho wareer badan ka qabaan qaabka federaala iyo halka uu qadka ka xariiqmo “Markii shacabkii dowlad dhexe aqiinay loo badelay arrimo federaal oo aysan aqoonin, warna u haynin, iyo dowlad goboleedyo la tartamaya dowladdii dhexe markii ay abuurmeen xaaladuha waa is badeleen”.