Fannaanad caan ah oo marka ay seexaneyso afka iska sharooteysa

Andien

“Waa arrin cajiib ah oo lagu qoslo. Waxaan wax ka barannaa waxyaabo badan oo aynaan sameynin, balse waxba kama baranno waxyaabaha aan sameyno xilli kasta: sida neefsashada”.

Waxaa sidaas tiri Andien, oo ah fannaanad caan ka ah dalka Indonesia iyo meelo badan oo ka tirsan caalamka.

Waxay Andien ka yaabsatay taageerayaasheeda markii ay barteeda Instagram-ka kusoo daabacday sheeko ku saabsan habka ay u neefsato.

Qoraalkeeda ayey soo raacisay sawirro muujinaya iyada, seygeeda iyo cunugooda oo 2 jir ah, iyagoo dhammaantood ay sharooto uga dhaggan tahay afka.

Waxay shaaca ka qaaday in qoyskeedu ay saddexdii bilood ee lasoo dhaafay sameynayeen wax la yiraahdo Buteyko.

Arintan ayaa ku saabsan sidii loo hormarin lahaa caafimaadka dhinaca neefsashada, waxaana uu qofka ku khasbanaanayaa inuu habeenkii afka sharooto ku dhajisto marka uu seexanayo.

Andien waxay sheegtay in farsamada Buteyko ay ka caawisay inay hesho hurdo fiican, ayna ka joojisay dhibaatooyinka ay ka mid tahay inay dhuunta qallasho iyo waliba in uu u hagaagay caafimaadkeeda dhinaca neefsashada.

Hase yeeshee, in afka sharooto lagu dhajisto maxay tareysaa, mase u wanaagsan tahay caafimaadka?

Waa maxay Buteyko?

Farsamada loo yaqaanno Buteyko waxaa markii ugu horreysay lasoo hindisay sanadihii 1950-meeyadii.

Qofkii ugu horreeyay ee soo bandhigay waxa uu ahaa dhaqtar u dhashay Ruushka oo lagu magacaabi jiray Konstantin Pavlovich Buteyko, kaasoo sida muuqata farsamadan loogu magac daray.

Wuxuu aaminsanaa in dhibaatooyinka la xiriira dhinaca neefsashada, gaar ahaan xanuunka ay soomaalidu u taqaano ‘neefta’ ay yihiin kuwo ka yimaada sida uu qofku u neefsado.

Sidoo kale waxa uu dhakhtarkaas aaminsanaa in dadka xanuunnadaas qaba, haddii loo sheego hab ay sanka kaliya uga neefsan karaan, ay dhibaatooyinka dhinaca sanbabbada ka bixi lahaayeen.

Ku dhawaad 70 sano kaddib, farsamadaas ayaa wali caan ka ah meelo badan oo ka mid ah caalamka.

Dadka isticmaala farsamada Buteyko ayaa ilaa hadda si weyn u rumeysan in habka kaliya ee habeenkii sanka looga neefsan karo ay tahay in afka sharooto la isaga dhajiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here