Faalladan oo uu u qoray Macharia Munene oo ah faale qore sare oo ka tirsan warbaahinta Kenya, ayaa cinwaan looga dhigay “Soomaaliya ayaa deriska ku hoggaamineyso in Kenya cadaadis la saaro,”
Faallada waxaa lagu sheegay in Kenya ay u muuqato in ay haatan wajahayso go’doon la mid ah kii ku dhacay 1970-meeyadii, xilligaas oo ay ku wareegsanaayeen dowlado hanti-wadaagga qaatay. Kenyana, waxay go’aansatay inay la jirsato Reer Galbeedka iyo Israa’iil, taas oo ka dhigtay dal gebi ahaanba go’doonsan.
Wargeyska ayaa sheegay in 1970-meeyadii ay Soomaaliya dooneysay inay qaadato qeybo ka mid ah Kenya, Itoobiyana ay u wareegtay dhanka hanti-wadaagga, Suudaan qaxooti umbay u soo diri jirtay Kenya. Waxaa intaa sii dheeraa ayuu leeyahay in madaxweynihii Uganda ee xilligaasi, Idi Amin, uu culays saaray deriskiisa. Tanzania iyadu waxay xirtay xadkii ay la lahayd Kenya.
Haatan oo la joogo sanadka 2019-ka, ayaa waxaa muuqata in dhacdooyinkii 1970-kii ay soo noqonayaan, in kastoy wax yar ku kala duwan yihiin.
Ugu horreyn, golaha wasiirrada ee xisbiga talada haya ee Jubilee ayaaa kala qeybsan, iyadoo mucaaradka madaxweyne Uhuru Kenyatta, ee gudaha xisbigiisa ay doonayaan inay sharciyadda ka qaadaan. Arrimaha siyaasadda gudaha, iyo caqabadaha dibedda ayaa tijaabo u ah hoggaanka Uhuru Kenyatta, iyo welibo inuu dalka ka saari karo caqabadaha soo wajahay.
Dhul-boob
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayay tahay ayuu Wargaysku leeyahay inuu wax ka qabto deriska ku soo jeestay Kenya. Itoobiya ayaa haatan gashay marxalad isbaddel, oo Kenya kala wareegtay doorkeedii ahaa inay xarun u ahayd nabadda iyo dhaqaalaha gobolka. Suudaan, weli sidii umbay qaxooti u soo dirtaa. Ugandhana maanta ganacsi ahaan way ka wareegtay Kenya. Tanzania waxayba muujisay in aysan jeclayn dadka reer Kenya. Waxaas oo dhanna waxaa ka daran Soomaaliya, taas oo mar kale hoggaanka u haysa weerrada ka dhanka ah Kenya, iyadoo sheegatay dhul badeed ay Kenya leedahay.
Faallada Wargeysa ayaa sheegaya in Soomaaliya, kaddib markii ay ku guuldareysatay inay dhul-badeedka qaadato, waxay haatan tijaabineysaa in Uhuru Kenyatta uu awood u leeyahay inuu ilaaliyo danaha Kenya iyo in kale. Waxay kaashatay shirakdo reer Yurub ah oo u ooman shidaal, kuwaas oo u diray maxkamadda cadaaladda dunida ee ICJ, taas oo uu madax ka yahay nin Soomaali ah.
Qoraaga ayaa qabo in maxkamadda ICJ ay dhul badeedkaas u xukumi doonta Soomaaliya, Kenya ayuu sheegay inay iska indha-tiri doonta go’aanka maxkamadda.
Faallada waxay leedahay qolyaha badda lagu muransan yahay daneynaya waxay tartan kula jiraan xoogag qaaradaha dunida ka soo tallaabay, oo ay dantoodu ku jirto inay Soomaaliya kala qeybsanaato.
Soomaaliya oo qasan waxay u suuragelineysaa ayuu leeyahay inay ka howlgalaan badda Soomaaliya iyadoo aan lala xisaabtamin. Maraykanka ayaa Soomaaliya ka dhigtay goob ay ku tijaabiyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo waxyaabo kale. Hindiya iyo Shiinaha waxay ku tartamayaan xaalufinta kalluunka badda Soomaaliya.
Wargayska ayaa sheegay in in kastoo saamenyta England ee dunida ay sii yaraanayso, kaddib codenytii ka bixintaanka Yurub, oo laga yaabo inay yaraato faraha ay kula jiraan arrimaha Soomaaliya, ayaa haddana waxaa laga yaabaa inay danahooda dhaqaale ku jirto hub inay ka iibiyaan waddamada sida weyn u iibsado, sida Cusmaaniyiinta cusub (Turkiga) iyo waddamada Carabta, ee hodanka ku ah saliidda. Usmaaniyiinta ayaa waqti badan iyo dhaqaale geliyo tababariidda ciidamada Soomaaliya. Waddamada Carabtana waxay ku andacoodeen in Soomaaliya ay Carab tahay, waxayna u digeen Kenya.