Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa weli ka socda shirka golaha wada-tashiga qaran, kaas oo galay maalintiisii labaad, waxaana looga hadlayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimo la xiriira doorashooyinka dalka.
Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa gudoominayo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxaana sidoo kale goobjoog ah madax goboleedyada dalka iyo duqa magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in shirka ay soo wajaheen caqabado xoogan oo ku aadan sidii xal looga gaari lahaa khilaafaadka weli ka taagan qodobada qaar ee doorashooyinka 2021-ka.
Gabagabada shirweynahan ayaa la filayaa in go’aanno cusub oo la xiriira doorashooyinka billowday laga soo saaro, si loo sii amba-qaado doorashooyinka socda ee baarlamaaniga.
Shirkan oo ka socda Teendhada Afisyoone ayaa ku soo aaday, xilli xasaasi ah oo la guda-galay doorashooyinka dalka, gaar ahaan tan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.
Si kastaba doorashooyinka ka dhacaya dalka ayaa soo maray marxalado kala duwan, waxaana is jiid jiid dheer, kadib heshiis rasmi ah looga gaaray magaalada Muqdisho.