Xog kulankii RW Israa’iil iyo M Farmaajo, ujeedkiisii iyo Trump oo ku diiday nacaybka Ilhan Cumar darteed

Farmajo and Benjamin Netanyahu

Inkastoo shacabka Soomaaliyeed ay aaminsan yihiin in talaabo kasta oo uu qaaday Madaxweynihii hore Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ay ahayd mid loogu daneynaynayey dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isla markaana ay kalsooni buuxda ku qabaan, ayaa waxaa maalmihii ugu dambeeyey soo baxay kulamo qarsoodi ah oo dhex maray Ra’iisul Wasaarihii hore ee Israa’iil, Benjamin Netanyahu iyo Farmaajo.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in qorshihii uu Farmaajo doonayey oo ahaa in Soomaaliya lagu daro wadamadda taladda Gobolka wax laga weydiiyo uu ka hor yimid Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump, nacaybka uu Ilhan Cumar u qabay darteed.

Xaqiiqada jirintaanka xiriirka Farmaajo iyo Netenyahu ayaa waxaa kuu sii iftiiminaya in Sirdoonka iyo Dawladda Israaiil oo gacanta ku haya xogta wadanka Eritrea, ay Reer Galbeedka iyo Qaramadda Midoobayba ogaan uga qariyeen xogta Ciidamada faraha badan ee Soomaaliya mudada dhowrka sano ah Eritrea tababarka sare ku qaadanayey, kuwaas oo caalamku oo aan raali ka ahayni warkooda iyo tiradooda waayey, aakhirkiina ay fashilintooda u adeegsadeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida, HOOS KA AKHRISO WARBIXINTA OO AF SOOMAALI LAGU TURJUMAY.

Wargayska “Times of Israel” ayaa daabacay warbixin uu ka qoray xogta ku saabsan kulan qarsoodi ah oo uu sheegay in uu dhex maray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Israa’iil, Benjamin Netanyahu.

Kulanka labada hoggaamiye oo markaas xilalka waddamooda hayay ayaa dhacay horaantii sanadkii 2020-kii, sida uu wargayskan Israa’iil laga leeyahay kasoo xigtay diblomaasi hore oo arrintaas ka warhayay.

Sida lagu xusay warbixintan, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bishii February ee sanadkii 2020-kii u duulay magaalada Qudus, isagoo uu wehlinayay Balal Cismaan, oo ahaa wakiilkiisa arrimaha Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Farmaajo iyo Netanyahu ayay suuragal tahay in ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan abuuriska xiriir u dhaxeeya labada waddan, sida uu Wargaysku xusay.

Hase ahaatee, dowladda Soomaaliya iyo dhiggeeda Israa’iil waligood ma shaacin kulan madaxdooda dhex maray iyo in ay xiriirkooda dhisayaan.

“Balse dadaalladaas ma aysan taageereynin dowladdii Mareykanka ee xilligaas uu madaxweynaha ka ahaa Donald Trump, oo aan rabin in uu Soomaaliya kusoo daro arrimaha gobolka,” ayuu yiri diblomaasiga uu soo xigtay wargayska.

Waxa uu sheegay in Trump uu Soomaaliya ku diiddanaa sababo la xiriira Xildhibaannadda Xisbiga Dimiqraaddiga ee sida wayn u dhaliili jirtay, Ilhaan Cumar, oo qaxootinnimo uga timid Soomaaliya.

Diblomaasiga xogtan faafiyay, oo la wareystay maalintii Isniinta, ayaa sidoo kale sheegay in kulan kaas ka horreeyay uu Farmaajo iyo Netanyahu dhexmaray 28-kii bishii November ee sanadkii 2017-kii.

Xilligaas ayay isku arkeen shir ay Nairobi ku yeesheen Netanyahu iyo madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, sida uu sharraxay diblomaasiga oo magaciisa la qariyay.

Kulanka 2017-kii ayaa ku yimid codsiga Benjamin Netanyahu.

Balse ma jiro war kasoo baxay dowladda Kenya oo lagu xaqiijinayo in Netanyahu uu la kulmay Farmaajo.

Afhayeenka xukuumadda Israa’iil ayaan kasoo jawaabin codsi uu wargaysku u diray oo ku saabsanaa in uu ka hadlo mowduucan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here