Maxkamadda Sare ee DFS oo xukun ka gaartay shaqaale Hantidhowrka ka tirsan oo dulmi loo geystay

Hanti dhawrka logo

Mudo dheer kadib Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa xukun ka gaartay dacwadda 3 xubnood oo ka tirsan shaqaalaha Hayadda Hantidhawrka, kuwaas oo si dulmi ah lagu waasiiyey shaqadii, xilalkii iyo xuquuqdoodii, sharaftoodiina lagu wax yeeleeyey, iyadoo dusha laga saray eedaymo aan aasaas lahayn.

Xubnahan oo kala ah, Maxamed Xuseen Cali, Xuseen Xasan Colow iyo Cabdinaasir Maxamed Xasan ayaa diiday inay ku qancaan go’aamadii dulmiga ahaa ee Madaxda Hayadda Hantidhawrka Soomaaliya u adeegsadeen, waxayna cabashadoodii u gudbiyeen Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, taasoo ugu dambeyntii 18.08.2021 gaartay xukun waxba kama jiraan ka dhigaya dhamaan qodobadii loo adeegsaday iyo habkii loo maray shaqo ka saaristooda, waxayna dib ugu soo celisay dhamaan xuquuqihii laga duudsiyey iyo qarashkii dawcadda, arintan oo u muuqata guul u soo hoyatay cadaalada shaqaalaha.

Inkasta oo xubnahan dulmanayeesha ah ay Maxkamadda Sare dib ugu xukuntay xuquuqdii laga duudsiyey, haddana waxay weli ka welwelsan yihiin fulinta xukunka Maxkamadda, iyagoo ka rajo xun in Madaxda Hantidhawrka iyo hayadaha kale ee ay arintani khusaysaa aanay u hogaansami doonin sharciga iyo kala dambeynta.

Akhriso doodii iyo xukunkii Maxkamadda Sare

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here