Weligaa ma isweydiisay sababta aysan cuntada ugu dhegin digsiga, sababta dufanka uusan uga soo bixin mikrowave-ka, ama sababta aysan biyaha u qoynin noocyo ka mid ah jaakadaha?
Waa kiimikooyin macmal ah oo laga yaabo in ay ku jiraan qalabkan guryaha aan ku isticmaalno sida maacuunta.
Kimikooyinkan waxay ku jiraan waxyaabo kala duwan sida maacuunta aan guryaha ku isticmaalno iyo xitaa dharka.
Laakiin kiimikooyinkan hadda waa laga garanayaa meelo ka mid ah adduunka, waxaana laga ciribtiray isticmaalkooda.
Kooxda kiimikooyinka loo yaqaan “PFAS” (walxaha Poly -iyo polyfluoroalkyl) waa weyn yihiin.
Waxaa jiro illaa in ka badan 4,700 oo nooc oo kiimiko ah oo laga sameeyay aalada lagu magacaabo fluorine.
Inta badan waxaa loo yaqaan “kiimikooyinka joogtada ah”, sababtana waa in ay ku dhegan yihiin qeybta kore ee alaabada. Kiimikooyinkan waxaa laga helay biyaha la cabbo, busta iyo xitaa nidaamka wareegga dhiigga aadanaha.
Xaqiiqada waxay tahay in aad guriga ku haysato alaab intooda badan lagu daray noocyada kiimikooyinka PFAS.
Way adag tahay in dadka iibsanaya alaabahan ay ogaadaan kuwa ay ku jirto maadada kimikada ee PFAS.
Dhibaaada caafimaad
Kiimikooyinkan oo laga helay badeecooyin iyo alaabo kala duwan; laga bilaabo warshadah soo saara cuntada, kuwa la isku qurxiyo ilaa alaabta guriga, ayaa lala xiriiriyay dhibaatooyin caafimaad.
Dhibaatooyiinkan caafimaad ee ay leeyihiin qalabkan iyo cunooyiinkan aan siticmaalno waxaa ka mdi ah saameynta ay ku yeeshaan beerka oo shaqadiisa gaba; kansarka kiliyaha, iyo dhalashada carruurta leh cillado dhanka jirka ah.
Si kastaba ha noqotee, cadaadiska ka imaanayay macaamiisha ayaa sababay guusha ah in hoos loo dhigo heerarka kiimikadan PFAS ee ku jirta waxyaabaha aan adeegsano.
“Haddii aad tahay qof si joogta ah wax u iibsada, waa arrin aad u adag waana wax marar dhif ah laga doodo. Waxay la mid tahay wax qofka caadiga ah uusan fahmi karin,” ayuu yiri Jonathan Kleimark, oo ah la taliye sare ee kiimikooyinka iyo ganacsiga ChemSec, oo ah shirkad dhiirrigelisa isticmaalka kiimikooyinka nabdoon ee dalka Sweden.
Markaa qofna ma haysto wakhti iyo dhiiranaan uu warqad ugu qoro shirkadaha, iyadoo la weydiisanayo in alaabtooda ay ku jiraan kiimikooyinka PFAS, taasi oo ay hay’adaha dawladdaha qaarkood soo jeediyeen.
Qaar ka mid ah shirkadaha wax soo saara ayaa laga yaabaa in aysan xitaa ogeyn inay alaabtooda u isticmaalayaan kimikada PFAS.
“Haddii aan rabno isbeddel, waxaan u baahannahay sharci, sababtoo ah taas waxay diiradda saareysaa shirkadaha,” ayuu yiri Kleimark.
Maxay yihiin sharciyada lagu xakameynayo ee hada jira?
Illaa iyo hadda, shuruucda lagu xakameynayo ee jira waa kuwa aad u yar.
Bishii July, Mareykanka ayaa noqday waddankii ugu horreeyay adduunka ee mamnuucay iibinta alaabooyinka ay ku jirto kimikada PFAS – laga bilaabo 2030, marka laga reebo adeegsiga u muuqdo mid lama huraan ah.
Midowga Yurub (EU) ayaa shuruudo gaar ah ku soo rogay isticmaalka maadada PFAS.
Shirkadaha wax soo saara ayaa sidoo kale laga codsaday in ay keenaan macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan badeecadaha kale ee ay isticmaalaan.
Xubno ka tirsan warshadaha kiimikada ayaa raadinaya macluumaad iyo hagid, si loo hubiyo in inta lagu guda jiro xilliga kala-guurka la gaaro guulo la taaban karo.
Golaha ay ku midoobeen Warshadaha Kiimikada ee Yurub (CEFIC) ayaa sidoo kale codsaday daahfurnaan dheeraad ah oo ku saabsan waxa lagu dari karo codsi muhiim u ah PFAS.
Maxa lagu badali karaa kimikadan?
Helitaanka badeecado beddel ah kiimikadan ayaa u fududaatay warshadaha qaarkood.
“Warshadaha soo saara dharka waxay safka hore kaga jiraan arrintan badalkeeda ay heleen,” ayuu yiri.
Si kastaba, shirkadaha maadada PFAS u beddelay badeecado kale oo u wanaagsan caafimaadka aadanaha, waxay isticmaaleen maadooyiin aad waxyeello ugu geysanaya caalamka, sida dharka ka samaysan Bacda.