Nin xog badan ka haya madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi

kim kum song

Dabeecadihii hore ee ku saabsanaa qarinta sirta wali kama aysan dhammaanin Kim Kuk-song.

Dhowr isbuuc ayay qaadatay inaan helno si aan wareysi ula yeelanno, walina waxa uu ka walwalayaa cidda dhageysan doonta. Waxa uu xiran yahay okiyaale madoow oo uu kaga gabbaday kaamirada, labo qof oo ka mid ah shaqaalaheenna oo kaliya ayaana yaqaanna waxa aan u maleyneyno inuu yahay magaciisa dhabta ah.

Mr Kim waxa uu 30 sano kasoo shaqeynayay hay’adda awoodda badan ee sirdoonka Kuuriyada Waqooyi, taasoo uu darajooyin sare ka gaaray muddadaas. Laamaha sirdoonka waxay ahaayeen “indhaha, dhagaha iyo maskaxda hoggaamiyaha ugu sarreeya,”, ayuu yiri.

Waxa uu sheegay inuu soo ilaaliyay sirtooda, dad wax dilana uu u adeegsaday inay soo khaarijiyaan shakhsiyaadka dhaliila iyaga, sidoo kalena uu dhisay shirkad daroogada sameysa oo ka caawisa dhawaalaha “kacaanka”.

Hadda, korneylkan hore ee darajada sare ahaa waxa uu go’aansaday inuu sheekadiisa la wadaago BBC-da. Waa markii ugu horreysay ee sarkaal xil sare kasoo qabtay militariga xukuumadda Pyongyang uu wareysi siiyo warbaahin wayn.

Mr Kim waxa uu ahaa “ninka ugu cad kuwa cad cad”, sida uu ku sheegay wareysiga khaaska ah. Waxa uu ahaa nin daacad u ah shaqada uu u hayay dowladda hantiwadaagga ah.

Balse darajo ciidan iyo daacadnimo kuuma damaanad qaadi karaan amnigaaga marka aad joogto Kuuriyada Waqooyi.

Waxa uu naftiisa la cararay sanadkii 2014-kii, tan iyo xilligaasna waxa uu ku noolaa magaalada Seol, isagoo u shaqeynayay sirdoonka Kuuriyada Koonfureed.

Waxa uu fashilay sida ay hoggaanka Kuuriyada Waqooyi u raadiyaan lacagta, iyagoo waddo kasta u maraya, laga billaabo ganacsiga daroogada ilaa iibinta hubka la geeyo Bariga Dhexe iyo Afrika.

Wareysigan ayuu noogu sheegay xogta ku saabsan istiraatiijiyadda go’aannada lagu sameeyo Pyongyang, weerarrada ay dowladdu ku qaaddo Kuuriyada Koonfureed, iyo sheegashooyin kale oo ku aaddan in hay’adaha sirdoonka waddankaas iyo shabakadaha dhinaca internet-ka ay gaari karaan guud ahaan caalamka.

BBC-du si madax bannaan uma xaqiijin karto sheegashooyinka, balse waxaa noo suurtagashay inaan xaqiijinno isaga aqoonsigiisa iyo inay suuragal tahay helitaanka caddeymo ku sabasan waxyaabaha uu sheegay.

Waxaan la xiriirnay safaaradda Kuuriyada Waqooyi ee magaalada London iyo howlgalkooda New York si ay jawaab u bixiyaan, laakiin ilaa hadda wax jawaab ah nama aysan siinin.

‘Laan qaabilsan falalka argagixsada’

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay inta uu Mr Kim ku ka tirsanaa sirdoonka Kuuriyada Waqooyi waxa uu ka war hayay qaar ka mid ah xogaha hoose ee ku saabsan soo billaabashadii maamulka hoggaamiyaha dalkaas, Kim Jong-un. Waxa uu sawiray nin dhallinyaro ah oo u heellan sidii uu u caddeyn lahaa inuu yahay “dagaalyahan”.

Kuuriyada Waqooyi waxa ay sanadkii 2009-kii sameysay hay’ad cusub oo sirdoon ah xilligaas oo ahayd markii uu Kim Jong-un baddalayay aabihiis oo geeriyooday. Madaxa xaruntaas dhexe ee sirdoonka waxa uu ahaa Kim Yong-chol, oo wali ka mid ah shakhsiyaadka ugu dhow hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, uuna aad ugu kalsoon yahay.

Korneylka waxa uu sheegay in bishii May ee sanadkaas 2009-ka uu soo baxay amar iyaga soo saaray oo lagu sameynayo “laan qaabilsan falalka argagixisada” si loo dilo sarkaal horay uga tirsanaa dowladda Kuuriyada Waqooyi oo u goostay dhinaca Koonfurta.

“Tallaabadan Kim Jong-un waxay u ahayd mid uu ku qancinayo hoggaamiyaha ugu sarreeya (oo ahaa aabihiis),” ayuu yiri Mr Kim.

“Waxaa ‘Laan argagixiso ah’ loo sameeyay si qaab qarsoodi ah loogu khaarijiyo Hwang Jang-yop. Aniga ayaa shakhsi ahaan u bixinayay amarrada una fulinayay shaqada.”

North Korean leader Kim Jong-il (L) walks in front of his youngest son Kim Jong-un as they watch a parade to commemorate the 65th anniversary of the founding of the Workers" Party of Korea in Pyongyang in this October 10, 2010
Qoraalka sawirka,Hoggaamiyihii hore ee Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-il oo dhiniciisa uu ka muuqdo wiilkiisa, Kim Jong-un

Hwang Jang-yop waxa uu mar ka mid ahaan jiray saraakiisha ugu awoodda badan waddankaas. Waxa uu kaalin muhiim ah ka ciyaarayay siyaasadda lagu waday Kuuriyada Waqooyi.

Go’aankii uu ugu goostay dhinaca Kuuriyada Koonfureed sanadkii 1997-kii ma ahayn mid waligiis loo cafiyay.

Markii uu gaaray Seol waxa uu dhaleeceyn badan u jeedin jiray xukuumadda, sidaas awgeedna qoyska Kim waxay rabeen aargoosi.

Balse isku daygii dilka wuu khaldamay. Labo ka mid ah saraakiisha Kuuriyada Waqooyi ayaa wali ku jira xabsi 10 sano ah oo ay ku qaadanayaan Seol kaddib markii lagu helay inay qorshahaas maleegayeen.

Pyongyang mar walba way beenisaa inay arrintaas ku lug leedahay, waxayna sheegtay in Kuuriyada Koonfureed ay maleegtay falkaas.

Laakiin marqaatifurka Mr Kim sidaas wuu ka duwan yahay.

“Gudaha Kuuriyada Waqooyi, argagixisanimmadu waa xeelad siyaasadeed oo lagu ilaaliyo sharafta ugu sarreysa ee Kim Jong-il iyo Kim Jong-un”, ayuu yiri. “Tallaabadaas waxa ay ahayd hadiyad uu hoggamaiyaha xilka la wareegaya ku muujinayay sida uu daacadda ugu yahay hoggaamiyihiisa sare.”

Kuwo kale oo dheeraad ah ayaa soo socday. Hal sano kaddib, 2010-kii, markab ay leeyihiin ciidanka badda ee Kuuriyada Koonfureed, oo la yiraahdo Cheonan, ayaa badda ku quusay kaddib markii lagu dhuftay gantaal. Lix qaybood oo ka mid ah markabka ayaa burburay. Pyongyang mar walba way inkireysay inay ku lug leedahay.

Kaddib, bishii November ee isla sanadkaas, tobannaan ka mid ah madaafiicda artillery-ga ee Kuuriyada Waqooyi ayaa lagu garaacay jasiiradda ay leedahay Kuuriyada Koonfureed ee lagu magacaabo Yeongpyeong. Labo askari iyo labo qof oo rayid ah ayaa ku dhintay halkaas.

Waxaa jirtay hadal heyn aad u ballaaran oo looga doodayay cidda bixisay amarka lagu fuliyay weerarradaas. Mr Kim waxa uu sheegay in uusan “si toos ah ugu lug lahayn labada howlgal ee lagu bartilmaameedsaday markabka Cheonan iyo Yeonpyeong toona”, balse “aysan ahayn kuwo sir ka ah saraakiisho sirdoonka dhexdooda, waxaana loo arkayay wax lagu faano”.

Weerarradaasna ma aysan dhici lahayn haddii aan amar laga soo saarin dhinaca sare, sida uu sheegay.

“Haddii xitaa waddo laga dhiso Kuuriyada Waqooyi waa amar si toos ah uga yimid hoggaamiyaha ugu sarreeya. Weerarradii lagu qaaday markabka Cheonan iyo jasiiradda Yeongpyeong ma ahayn wax lagu fulin karay amarro hoose.

“Habka ay u socotay shaqada militariga wuxuu ahaa mid ku naqshadeysan laguna fuliyo amar khaas ah oo kasoo baxay Kim Jong-un. Waxa ay ahayd tallaabo laga gaaray ujeeddo.”

‘Jaajuuska ku jira Aqalka buluugga ah’

Mr Kim waxa uu sheegay in waajibaadkii shaqada uu ka fulinayay Waqooyiga ay ahaayeen inuu diyaariyo istiraatiijiyadda lagula xaajoonayo Kuuriyada Koonfureed. Ujeeddadu waxa ay ahayd “Qaabeyn siyaasadeed oo hoose”.

Shaqada waxaa qayb ka ahayd in la helo dad wax u basaasa hoggaamiyaha sare.

“Marar badan ayay dhacday inaan jaajuusiin u diro Kuuriyada Koonfureed, howlgallo ayaana sidaas ku hirgeliyay, marar badan ayay dhacday,” ayuu yiri.

Sharraxaad badan inuu bixiyo ma uusan dooneynin, laakiin wuxuu na siiyay hal tusaale.

“Waxaa jiray kiis la xiriira in xubin ka tirsan sirdoonka Kuuriyada Waqooyi lasoo diray uuna ka shaqeeyay xafiiska madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed kaddibna uu si nabad ah ugu laabtay Kuuriyada Waqooyi. Arrintaas waxay dhacday 1990-meeyadii. Kaddib markii uu muddo lix sano ah ka shaqeeyay Aqalka Buluugga ah (xafiiska madaxtooyada Kuuriyada Koonfureed), wuu soo laabtay wuxuuna ka shaqeeyay xafiiska 314 Liaison ee xisbiga shaqaalaha.

“Waxaan kuu sheegi karaa in howlwadeennada Kuuriyada Waqooyi ay kaalin ka ciyaarayaan xafiisyada rayidka iyo kuwa muhiimka ah ee Kuuriyada Koonfureed.”

BBC-da suurtagal uma aha inay xaqiijiso sheegashadan.

Wariyaha BBC-da ayaa gudaha Kuuriyada Koonfureed kula kulmay jaajuusiin badan oo kasoo jeeda Kuuriyada Waqooyi oo la xukumay, xabsiyada Koonfurtana mar waxay la ciirciirayeen tobannaan ka mid ah basaasiinta Kuuriyada Waqooyi ee la xiray tobannaankii sano ee lasoo dhaafay.

Sida uu sheegay Mr Kim, hoggaamiyihii hore ee Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-il, ayaa amar ku bixiyay in tababar la siiyo koox cusub sanadihii 1980-meeyadii “si ay u diyaariyaan weerarro lagu fuliyo dhinaca internet-ka”.

“Jaamacadda Moranbong ayaa xulan jirtay ardayda ugu firfircoon ee guud ahaan waddanka, waxayna siin jirtay lix sano oo waxbarasho khaas ah,” ayuu yiri.

Saraakiil ka tirsan laamaha amniga ee Britain ayaa aaminsan in shabakad ka tirsan Kuuriyada Waqooyi oo loo yaqaanno Lazarus ay ka dambeysay weerar dhanka internet-ka ah oo sanadkii 2017-kii lagu bartilmaameedsaday qaybo ka mid ah laanta caafimaadka ee NHS iyo hay’ado kale oo ku kala yaalla caalamka. Isla shabakaddaas ayaa la aaminsan yahay in ay sanadkii 2014-kii jabsadeen xogta shirkadda Sony.

Mr Kim waxa uu sheegay in xafiiskaas loo yaqaannay Xafiiska 414 Liaison.

“Gudaha waxaan ugu yeeri jirnay “Xarunta macluumaadka ee Kim Jong-il.”

Waxa uu sheegay in xafiiskaas uu ahaa mid si toos ah xogta u siinayay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

“Dadku waxay sheegaan in xubnaha xafiiskaas ay joogaan Shiinaha, Ruushka iyo waddamada Koonfurta-bari ee Aasiya, balse waxay sidoo kale ka shaqeeyaan Kuuriyada Waqooyi gudaheeda. Xafiiskan waxa uu isku xiraa laamaha sirdoonka ee Kuuriyada Waqooyi.

Daroogo lagu baddalanayo doolar

Kim Jong-un waxa uu dhawaan ku dhawaaqay in waddankaas uu mar kale wajahayo “baahi weyn” bishii April-na waxa uu shacabkiisa ugu baaqay inay isu diyaariyaan “arduous march” oo ah eray loo adeegsado musiibo gaajo oo dalkaas ku habsatay 1990-meeyadii, xilligaas oo uu madaxweyne ka ahaa Kim Jong-il.

Waqtigaas, Mr Kim waxa uu ku sugnaa qaybta howlgallada, waxaana lagu amray inuu aruuriyo “dhaqaalaha kacaanka” oo la siinayo hoggaamiyaha sare. Taas micnaheedu waxa uu ahaa, sida uu sheegayo, in la iibiyo daroogo sharci darro ah.

“Soo saarista daroogada ee xilligii uu Kim Jong-il madaxweynaha ka ahaa Kuuriyada Waqooyi waxay heerkii ugu sarreeyay gaartay markii ay jirtay musiibadii Arduous March,” ayuu yiri. Waqtigaas, waxaa dhammaatay lacagtii kacaanka ee uu lahaa hoggaamiyaha sare.

“Markii shaqadaas la ii diray, waxaan Kuuriyada Waqooyi soo geliyay saddex qof oo ajnabi ah oo aan dibadda keenay, waxaana dhisay xarun wax soo saar oo aan ka dhex sameeyay saldhigga tababarka ee 715 liaison ee xisbiga Shaqaalaha, daroogo ayaana soo saari jiray.

“Kaddib daroogadaas waxaan u baddali jirnay doolar si aan ugu geyno Kim Jong-il.”

Tirada lagu qiyaasay dadkii ku dhintay gaajadii 1990-meeyadii ka jirtay Kuuriyada Waqooyi waxay u dhaxeysaa boqollaal kun oo qof ilaa hal miluan.

Il kale oo dhaqaale laga soo saari jiray, sida uu sheegay Mr Kim, waxay ahayd hub laga iibinayay Iiraan, oo ay maamulayeen waaxda howlgallada.

Ganacsiga hubka ee Kuuriyada Waqooyi iyo Iiraan wuxuu ahaa sir daaha ka rogan yahay tan iyo 1980-meeyadii, waxaana xitaa ku jira gantaallada balaastigga, sida uu sheegay barfasoor Andrei Lankov, oo ka mid ah mas’uuliyiinta ugu sarreeya caalamka ee qaabilsan arrimaha Kuuriyada Waqooyi.

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in hubka lagu sameeyo Kuuriyada Waqooyi uu gaari karo meelo uu dhib ka jiro oo ku yaalla caalamka daafihiisa kala duwan

‘shaqaale daacad ahaa oo la khiyaanay’

Mr Kim wuxuu ku jiray nolol heer sare ah oo uu ku heystay Kuuriyada Waqooyi. Waxa uu sheegay in ay Kim Jong-un eeddadiis siisay kaari Mercedes-Benz ah, loona oggolaa inuu si xor ah ugu safro dibadda si uu lacag ugu soo aruuriyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi. Sida uu sheegay, wuxuu biro dhif ah iyo qalab kale ku iibiyay malaayiin lacag ah oo waddanka lagu geyn jiray boorsooyin.

Noloshaasoo kale laguma fikiro karo marka la joogo waddan ay xaaladdiisu adag tahay, dad malaayiin qof ahna ay la dhibaatoonayaan cunto la’aa.

Dad awood badan ku leh siyaasadda oo uu Mr Kim xiriir kula yeeshay guurkiisa awgiis ayaa u suurtagaliyay inuu heerar kala duwan ka gaaro hay’adaha sirdoonka, sida uu noo sheegay. Balse qaar ka mid ah aqoontaas waxay isaga iyo qoyskiisaba galineysay khatar.

Wax yar kaddib markii uu Kim Jong-un xukunka qabsaday 2011-kii waxa uu go’aansaday inuu iska sifeeyo dadka uu u arko halista, waxaana ka mid ahaa adeerkiis, Jang Song-thaek. Waxaa muddo dheer la hadal hayay in Mr Jang uu ahaa hoggaamiyaha daaha gadaashiisa taagan xilligii uu xanuunsanaa Kim Jong-il.

Sida uu sheegay Mr Kim, Jang Song-thaek magaciisa waxa uu ahaa mid ka caansan kan Kim Jong-un.

“Markaas ayaan dareemay in Jang Song-thaek uusan wax badan sii noolaan doonin. Waxaan dareemayay in loo eryi doono miyiga waddanka,” ayuu yiri.

Balse xoogaa kaddib warbaahinta Kuuriyada Waqooyi ayaa tabisay bishii December ee sanadkii 2013-kii in Mr Jang la daldalay.

“Lama filaan ayay igu noqotay, waxay noqotay arrin qalbi jab weyn igu noqotay,” ayuu yiri Mr Kim. “Waxaan islamarkiiba dareemay inay nafteyda khatar ku jirto. Waxaan ogaa inaanan kusii noolaan doonin Kuuriyada Waqooyi.”

Mr Kim dibadda ayuu ku maqnaa markii uu soo baxay warka ku saabsan daldalaadda Mr Jang. Waxa uu go’aansaday in uu sameeyo qorshe ay isaga iyo qoyskiisa ugu baxsanayaan dhinaca Kuuriyada Koonfureed.

“Inaan kasoo tago waddankeyga, oo ah meesha ay ku yaallaan qabuuraha awowyaasheyda iyo qoyskeyga, iyo inaan u baxsado Kuuriyada Koonfureed oo xilligaas ii ahaa waddan shisheeye, waxa uu ahaa go’aankii iigu adkaa,” ayuu yiri.

Xitaa okiyaalaha madow ee uu wato gadaashiisa waxaa laga fahmi karaa sida ay xasuustaas u dhibeyso.

Su’aasha kaliya ee wariyaha BBC-da uu mar walba weydiinayay waxay ahayd sababta uu hadda u go’aansaday inuu hadlo.

“Waa waajibka kaliya ee aan hadda gudan karo,” ayuu yiri.

Waxaa jira in ka badan 30,000 oo qof oo u goostay dhinaca Kuuriyada Koonfureed. Qaar faro ku tiris ah ayaa oggolaada inay la hadlaan warbaahinta. Qof walba sida ay darajadiisa u sarreyso ayay u badaneysaa khatarta ay galayaan isaga iyo qoyskiisa.

Waxaa jira dad badan oo reer Kuuriyada Koonfureed ah oo aan rumeysanin sheekooyinka dadka soo goostay. Laakiin si kastaba, ma jiro qaab uu qofka ku caddeyn karo qisadiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here