Daawo Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka hadlay goaankii Isimadda ee 17 Xildhibaan ee Puntland kaga jiri jiray degaamada SSC.
DAAWO ISIMADA KHAATUMO OO GOAAMO KA SOO SAARAY 17 XILDHIBAAN EE PUNTLAND KAGA JIRAY
ISIMADA SSC KHAATUMO OO GOAAMO KA SOO SAARAY 17 XILDHIBAAN EE PUNTLAND KAGA JIRI JIRAY.
NIN 14 QOF TOOGASHO KU DILAY OO ISNA IS DILAY
Nin dabley ah oo tan iyo shalay jaamacad ku taalla magaalaad Prague dad ku tooganayey ayey boolisku sheegeen inuu isagana is dilay, ka dib marki uu iska hor imaad dhex maray isaga iyo booliiska.
Weerarkaas waxaa ku dhaawacmay 25 qof, markii ninkaas oo jaamacadda arday ka ahaa uu rasaas ku furay. Rasaasta ayaa bilaabatay Khamiistii saacadda Afrikada bari markay ahayd 5tii galabnimo.
Ninka weerarka gaystay ayaa lagu tilmaamay inuu yahay 24 jir la yiraahdo David Kozak, waxaana la aaminsan yahay inuu aabihii meel kale ku soo dilay. Madaxweynaha jamhuuriyadda Czeck Petr Pavel ayaa dadka ka dalbaday inay midoobaan, waxaana lagu dhawaaqay in Sabtida ay noqon doonto maalin qaran oo la baroor-diiqayo.
MASAR: ISTICMAALAYAASHA BADDA CAS IYAGU HA ILAALIYAAN BADDA
Masar waxa ay sheegtay in dalalka marinka u leh badda cas ay mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta iyo bixinta shuruudo ku habboon xorriyadda socdaalka.
Talaadadii, Maraykanku wuxuu ku dhawaaqay 10-xubnood oo isbahaysi ah oo lagu magacaabo Operation Prosperity si ay uga ilaaliyaan maraakiibta ganacsiga ee badda cas inay sii xoojiyaan ka hortagga weerarrada fallaagada Xuutiyiinta ee fadhigoodu yahay Yemen.
Balse Masar iyo Sacuudiga ayaan ku biirin isbaheysiga uu hoggaamiyo Mareykanka.
Maalintii Khamiista, Giriiggu wuxuu sheegay inuu halkaas u diri doono markab ciidan si uu u ilaaliyo maraakiibta.
Milkiilayaasha maraakiibta Giriiga ayaa maamula 20% maraakiibta ganacsi ee aduunka marka la eego awoodooda
TACSI: INAALILAAHI WAA INAA ILEYHI RAAJICUUN KHADIIJA M DIIRIYE
Alle how naxariisto Marxuumad Wasiir/Khadiijo Maxamed Diiriye oo maanta ku geeriyotay Dalka Djibouti.
Khadiijo ayaa mudo dheer ka tirsanayd Goleyaasha Qaranka Soomaliyeed, Illaahay qoyskii iyo Qaranka Soomaaliyeed Samir iyo iimaan haka siiyo, iyadana naxariista jano haka waraabiyo.
INAALILAAHI WAA INAA ILEYHI RAAJICUUN SULDAN C CASIIS M YUUSUF AFGUDUUD
Allah haw naxariistee Suldaan Cabdicasiis Maxamuud Yusuuf Afgaduud oo ka mid ahaa musharraxiinta u tartamaysa xilka madaxweynaha maamuulka Puntland ayaa ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay Gobolka Bari xilli uu ku sii jeeday magaalada Qardho.
Marxuumka iyo Wiilka oo shilka ku wada geeriyooday Illaahay how naxariisto ehelkiisiina samir iyo iimaan haka siiyo.
WASIIRKII ARRIMAHA DIBEDDA EE SOOMAALIYA OO ISCASILAY
Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Abshir Haruuse ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii wasiirnimo ee uu kahayay xukuumadda Soomaaliya.
Wasiirka oo qoraal uu soo dhigay bartiisa Faceboogga waxa uu ku caddeeyay in uusan kasii mid ahayn xukuumadda dalka.
Qoraalka ayaa lagu yiri, ”Waxaan maanta oo taariikhdu tahay 18-ka December/2023 go’aansaday inaan iska casilo xilkii Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, anigoo aminsan in aan si hufnaan iyo daacadnimo ku jirto ugu adeegay qarankayga, ilaaliyeyna mas’uuliyadii balaarnayd ee madaxda qaranku igu aamineen”.
Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in wasiir Abshir Huruuse uu kamid yahay musharraxiinta loollanka ugu jira kursiga hoggaanka ee dowlad goboleedka Puntland.
WEFTIGII HOGAAMIYAASHA KHAATUMO OO SOO GEBAGEBEEYEY SAFARKOODII
Wefdigii uu hogaaminayey Hogaamiyaha SSC-Khaatumo oo safar shaqo ku marayey qaar ka mid ah Goboladda SSC-Khaatumo ayaa dib ugu guryo noqdey Magaalada Laascaanood ee Caasimadda Maamulkaasi.
weftiga ayaa soo kormeeray Gobolka Cayn iyo Hawdka Gobolka Sool, iyagoo u kuurgalay xaaladaha degaamadaas ka jira.
MUCAARIDKA PUNTLAND OO KA HORYIMID HANNAANKA LOO MAAMULAYO DOORASHADA 2024
Dallada ay ku midaysan yihiin Mucaaridka Puntland ayaa si adag uga horyimid hannaanka Madaxweyne Deni u wado doorashada 2024.
Bayaan maanta oo Sabti ah ka soo baxay Mucaaridka Puntland ayay ugu horrayn ku caddeeyeen in aysan wax kalsooni ah ku qabin guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada.
Waxay sheegeen in Madaxweyne Deni uu guddiga u magacaabay xubno ka tirsan Qaraabadiisa iyo sidoo kale xubno ka socda xisbiga Xukuumadda ee KAAH sidaas darteedna aan lagu kalsoonaan karin.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Madaxweynuhu fara-gelin ku hayo beelaha Puntland ee xulanaya xildhibaannada cusub islamarkaana khilaaf iyo jaah-wareer ka abuuray beelaha dhexdooda.
Halkaan ka daawo Muuqaalka