Home Blog Page 14

MADAXWEYNAHA KHAATUMO OO DAAHFURAY MANJAHKA WAXBARASHADA DFS

hogaamiye firdhiye

Laascaanood 11 December :-Hoggaamiyaha Cabdiqaadir Aw-cali ayaa maanta Caasimadda Maamulka SSC-Khaatumo ee Laascaanood ka daahfuray Manhajka Waxbarashada DFS.

“Waa markii ugu horreysa oo muddo aad dheer kaddib Manhaj waxbarashada Dawladda Soomaliya laga hirgelinayo Deegaannada SSC-Khaatumo, tani waa tallaabo aad u weyn oo muuninaysa sida DFS ahmiyad u siinayso Maamulkeennan.

“Waxaan si weyn ugu mahadceliyaa Madaxda Sare ee DFS oo ugu horreeyo Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, Raii’sal Wasaare Mud. Xamse Cabdi Barre iyo Wasiirka Waxbarashada Mud. Faarax Cabdiqaadir.

Hoggaamiyaha ayaa ballanqaaday in Manhajka uu wada gaadhi doono dhammaan deegannada Maamulka SSC-Khaatumo, isagoona sheegay in Maamulka ahmiyad weyn siin dooo horumarinta Waxbarashada.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha

Maamulka SSC-Khaatumo

Email: Info@ssckhaatumo.so

MAXKAMADDA DASTUURIGA PUNTLAND OO LAASHAY MUDDO KORORSIGII BAARLAMAANKA

puntland logo

Maxkamadda dastuuriga ah ee dowladda Puntland ayaa gebi ahaanba laashay go’aankii Baarlamanka Puntland ku ansixiyay mudda kororsiga halka sano ah.

Go’aan rasmi ah oo ka soo baxay maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland ayay ku laashay mudda kororsiga Baarlamaanku samaystay.

Sida ku qoran warqadda aan helnay, maxkamaddu ma kala dirin Baarlamaanka, balse waxay go’aamisay in si toos ah loo aado doorashada Baarlamaanka iyo Madaxtooyada.

Xukuumadda Puntland ayaa Sabtidii shalay maxkamadda u gudbisay qoraal ay ku codsanayso in maxkamaddu go’aan sharci ah ka soo saarto arrinta Baarlamaanka.

WAARE OO XIL SARE URURKA IGAD LOOGA MAGACAABAY

madaxweyne waare

Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta xil sare looga magacaabay urur goboleedk IGAD.

Waare ayaa noqday ku xigeenka xoghayaha guud ee ururka IGAD oo ay Soomaaliya qayb ka tahay, sida uu xaqiijiyay wasiirka warfaafinta xukuumadda federaalka  Soomaaliya

Daa’uud Aweys oo qoraal kooban soo saaray ayaa sheegay in magacaabistan ay tahay guul weyn oo diblomaasiyadeed, una soo hoyatay Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in magacaabistan ay sare usii qaadeyo sumcadda iyo maqaamka guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

“Waa guul kale oo diblomaasiyadeed oo u soo hoyatey Dowladda Federaalka Soomaaliya. magacaabistiisa Mudane Waare waxay sare u qaadeysa sumcadda iyo maqaamka Soomaaliya ay ku leedahay gobolka iyo guud ahaan caalamka” ayuu yiri wasiirku.

Waare ayaa markii ugu dambeysay ahaa ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka, ayada oo xilkaas dhawaan uun laga qaaday, waxaana loo magacaabay Xildhibaan Cumar Ibraahim Xaashi, sababtuna waxa ay ahayd xilka loo waday oo ugu dambeyn maanta looga magacaabay, isaga oo noqday ku xigeenka xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD.

Magacaabistiisii ayaa sidoo kale timid, kadib markii ay Soomaaliya codsi u gudbisay dalalka xubnaha ka ah IGAD, sidaasna lagu magacaabay Mudane Maxamed Cabdi Waare.

Madaxweynihii hore ee HirShabelle ayaa noqday mas’uulkii saddexaad ee Soomaali ah oo xilligan xil sare ka haya ururka goboleedka IGAD.

Waxaa hadda IGAD xil ka haya wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo ah ergayga gaarka ah ee IGAD u qaabilsan la qabsiga cimilada iyo ilaalinta deegaanka.

Sidoo kale, waxaa dhowaan Wakiilka IGAD ee Soomaaliya ahna Madaxa Xafiiska Soomaaliya, loo magacaabay Maxamed Kaarshe oo horey usoo noqday wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug.

WIILKA MADAXWEYNE XASAN OO SHIL GAARI KA GEYSTAY TURKIGA

turkey iyo somalia

Dowladda Turkiga ayaa war cusub kasoo saartay shil gaari oo uu dalkaasi ka gaystay wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo hadda lasoo wariyay inuu ka baxsaday gudaha dalkaasi.

Shilka oo dhacay dhammaadkii November ayaa sababay dhimashada hal qof, kaas oo la sheegay inuu gaystay wiilka oo lagu magacaabo Maxamed Xasan Sheeh Maxamuud.

Kadib baxsashada wiilka madaxweynaha Soomaaliya, waxaa waaran lagu xirayo soo saartay maxkamadda Istanbul, iyadoo loo marayo booliiska adduunka ee Interpol.

“Dowladda Turkiga iyadoo la isticmaalaysa jid kasta oo caalami ah oo fududeynaya in lasoo qabto tuhmanaha,ayay qaadaysaa” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale maxkamadda oo soo saartay xayiraad lagu soo rogay Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud Dec. 7, ayaa hadda ogaatay inuu ka baxsaday Turkiga Dec. 2, kahor intaan lagusoo rogin xayiraada safarka.

Maxamed ayaa ku lug lahaa shil 30-kii November ka dhacay degmada Fatih ee magaalada Istanbul, oo uu ku dhintay Yunus Emre Göçer oo ahaa 38 jir Turkish ah.

Yunus Emre Göçer, oo waday mooto ayaa xillii uu istaagayey waddada Kennedy Avenue, waxaa gadaal kaga dhacay baabuur uu waday Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud, baabuurkaas oo u diiwaan gashan safaaradad Soomaaliya.

Shilka ayaa dhaliyey in Yunus ay gaaraan dhaawacyo culus, kuwaas oo uu ugu dambeyn lix maalmood kadib ugu geeriyooday Isbitaalka İstanbul Teaching and Research Hospital.

Duqa magaalada Istanbul Ekrem İmamoğlu ayaa shalay wacad ku maray tallaabo ka dhan ah wiilka madaxweynaha Soomaaliya iyo in caddaaladda la horkeeno. Hase yeeshee, qoraal uu goordhow soo dhigay bartiisa X (Twitter) ayuu ku sheegay in Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud uu dalka ka baxsaday.

“Yunus Emre Göçer wuxuu ahaa muwaadin u dhashay Jamhuuriyadda Turkiga. Waxaa noloshiisa dhaafsiiyey shil uu geystay wiil uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya. Waxaanu sheegnay inaan raaceyno nidaamka sharciga ah, balse tuhmanuhu wuu ka baxsaday Turkiga,” ayuu yiri Ekrem İmamoğlu. 

Horey, wasiirka cadaaladda Turkey Yılmaz Tunç ayaa sheegay in muuqaallo ay duubeen kaamirooyinka waddooyinka ay moojinayaan in Yunus gadaal looga dhacay isaga oo wata mootadiisa.

Wasiirka ayaa sheegay in qof walba uu sharciga u siman yahay, haddii fal dambiyeed dhacayna ay ka dhalan doonto cawaaqib xumo. Safaaradda Soomaaliya ee Turkey ayaan weli ka hadlin arrintan.

MAAMULKA DENI OO SHAACIYEY IN LA KALA DIRAYO BAARLAMAANKA PUNTLAND

baarlamaanka puntland iyo deni

Xukuumadda Madaxweyne Deni ayaa shaacisay in ay tallaabooyin sharciga waafaqsan ka qaadayso Baarlamaanka Puntland kadib markii uu samaystay mudda kororsi hal sano ah.

Wasiirka Warfaafinta dowladda Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo wareysi bixiyay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay mudda kordhinta sannadka ah ee uu samaystay Baarlamanka

Wasiirka Caydiid ayaa sheegay in gebi ahaanba dikreeto Madaxweyne ama go’aan Maxkamadeed lagu kala dirayo Baarlamanka hadda jira islamarkaana la bilaabi doono xulista xildhibaanno cusub.

“Laba qodob ayaa mid soo baxaya; Madaxeeynuhu in uu dikreeto soo saaro oo Baarlamanka kala diro iyo in Maxkamadda Dastuuriga ah xukun ka soo saarto oo buriso go’aankooda kadibna kala dirto” ayuu yiri wasiir Maxamuud Caydiid Dirir.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in haddii xildhibaannada Baarlamanku diidaan go’aanka kala dirista markaas kadib sharciga lagu qaadayo oo la qa-qabanayo maadaama aysan xasaanad lahayn.

“Haddii ay diidaan oo sharciga u hoggaansami waayaan waa bilaa xasaanad waxay la mid yihiim dadka kale sharciga ayaana lagu qabanaya” ayuu sii raaciyay wasiirka Warfaafinta Puntland.

MADAXWEYNE XIGEENKA PUNTLAND OO TAAGEERAY GO’AAMADII ISIMADA SSC

axmed karaash

Garoowe: 07 Diseember 2023: Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo u mahadceliyey Isimada dhaqan iyo guddiyadii weheliyey ee soo saaray xalka nabadeed, sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Golaha Wakiilada ansixintii xalkaas.

“Waxaan u mahadcelinayaa Isimadii dhaqanka iyo guddiyadii weheliyey ee xalka kasoo saaray Arrimihii doorashada ee muranku ka taagnaa, sidoo kale waxaan bogaadinayaa Mudanayaasha Golaha Wakiilada ee ansixiyey xalkaas, aniga oo rajeynaya inay qabsoonto doorasho hufan oo lagu wada qanacsan yahay.

Madaxweynuhu inuu aqbalo in doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo meeshana laga saaro qorshihii muranka dhaliyey waa ku mahadsan yahay”.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXWEYNE KU-XIGEENKA DOWLADDA PUNTLAND.

BAARLAMANKA PUNTLAND OO ANSIXIYAY GO’AANKII ISIMADA SSC-KHAATUMO

baarlamaanka puntland2

Xildhibaannada Baarlamanka Puntland ayaa saaka ansixiyay go’aankii Isimada SSC-khaatumo ku xalliyeen khilaafkii doorashada Puntland.

Fadhigii saaka ee golaha ayaa lagu meel-mariyay qaraarkii Isimada SSC ku go’aamiyeen in Baarlamanka hadda joogaa doorta madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka cusub.

Isimada SSC-khaatumo ayaa sidoo kale go’aamiyay in Baarlamanka Puntland ee hadda jooga loo sameeyo mudda kordhin 12 bilood ah, kadibna Baarlamanka xiga lagu doorto Hannaanka doorashooyinka qof iyo cod.

Dhinaca kale madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa xalay ku dhawaaway in doorashada lagu qabto sidii hore ee 66-ka lana soo xulo Baarlaman cusub waxaana uu Baarlamanka ka codsaday in ay soo saaraan lifaaqii.

MADAXWEYNE X SHEEKH OO SOO DHAWEEYEY MIRO-DHALKA DADAALLADA DHAQANKA SSC EE DOORASHADA PUNTLAND

Villa Somalia2

Muqdisho, Diseembar 07, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyey miro-dhalka dadaallada odeyaasha dhaqanka Puntland ee ku aaddanaa qabsoomidda doorasho ay heshiis ku yihiin dhinacyada siyaasadda iyo go’aanka Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, taas oo lagaga gudbayo hubinti la’aantii muddadan ka jirtay arrimaha doorashooyinka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in go’aanka Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo kaalinta waxgaradka iyo isimada Puntland ay yihiin tallaabooyin xoojinaya xasiloonida iyo horumarka siyaasadeed ee Puntland iyo Soomaaliya guud ahaan.

“Puntland waxa ay xuddun u tahay Nidaamka Federaalka dalka, waa tusaalaha nabadda iyo wadajirka, sidaas awgeed waxaan adkeynaynaa dadaallada odeyaasha dhaqanka iyo waxagaradka. Waxaan Alle ka baryeyaa in doorashadaasi ay ku idlaato is-fahan iyo jawi nabadeed oo ka tarjumaya sooyaalka deegaannada Puntland.”

Madaxweynaha oo garowsan doorka Puntland ay ku leedahay hannaanka Federaalka iyo dowladnimada dalka ayaa ku dhiirrigeliyay dhammaan dhinacyada qeybta ka ah hannaanka doorashada Puntland inay sii wadaan wadatashiyada, waxa uuna muujiyey sida uu u garab taagan yahay dhammeystirka doorashada iyo in lagaga gudbo marxaladdan wadatashi, isu-tanaasul iyo ilaalinta nabadda ay ku tilmaaman yihiin reer Puntland,

DHAMMAAD

ISIMADA SSC-KHAATUMO OO GOAAMO KA SOO SAARAY DOORASHADA PUNTLAND

puntland khaatumo

Go’aamada Isimada dhaqanka SSC-Khaatumo

1. Doorashada Madaxwaynaha iyo ku xigeenku waa in ay ku dhacdaa wakhtigeedii 08/01/2024.

2. Baarlamaanka Puntland ee hada jooga ayaa doorashadooda dib ayaa loo dhigay mudo 12 bilood ah, iyaga ayaana dooranaya Madaxwaynaha iyo ku Xigeenka.

3 Xukuumada imaan doonta 08/01/2024 waa in ay doorashada Baarlamaanka oo qof iyo cod ah ku diyaarisaa mudo 12 bilood ah.

INGIRIISKA OO SOOMAALIYA MALAAYIIN DOLLAR UGU DDEQAY

ukflag

Ingiriiska ayaa ku dhawaaqay taageero bini’aadantinimo oo dheeri ah iyagoo uga jawaabaya dhibaatooyinka ka dhashay roobabka El Nino ee Soomaaliya.

Safaaradda Britain ee Muqdisho ayaa ku dhawaaqday £5.5 milyan oo gini oo lagu maalgalinayo gargaarka wax ka qabashada El Niño ee Soomaaliya.

“Taageerada UK waxay ku bixin doontaa caafimaad, nafaqo, biyo iyo fayadhowr muhim ah qaar ka mid ah bulshooyinka ugu nugul Soomaaliya ee ay fatahaaduhu saameeyeen,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya

UK ayaa sidoo kale Soomaaliya ugu dhawaaqday £7.4 milyan oo ah ilaalinta caymiska abaaraha

Safaaradda Britain ee Muqdisho ayaa ku dhawaaqday ku dhawaad 7 milyan oo doolar oo ka mid ah maalgelin dheeraad ah oo lagu taageerayo wax ka qabashada bini’aadantinimo ee socda.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY