Home Blog Page 17

DEGAAMADII KHAATUMO IYO SOMALILAND KU DAGAALAMEEN OO MAANTA DEGAN

buqdharkayn

Waxaa maanta degan degaamadii ay shalay ku dagaalameen Ciidamadda SSC-Khaatumo iyo Somaliland, halkaas oo ay ka dhaceen dagaallo culus oo ay ka dhasheen khasaare culus oo naf iyo maalba leh.

Sida laga xaqiijiyey illo xogogaal ah dagaalkii shalay waxaa ku gacan sareeyey Ciidamadda maamulka Khaatumo, iyagoo soo bandhigay maxaabiis iyo gaadiid dagaal oo la sheegay in ay gaarayaan 16 gaadhi.

Sikastaba waxaa la filayaa in dagaalo hor lihi dib uga qarxaan.

DAGAALLO CULUS OO KA SOCDA DEGAANKA BUQ-DHARKAYN

war deg deg

Dagaal xoog leh oo u dhaxeeya ciidamada SSC-Khaatumo iyo Somaliland ayaa ka socda deegaanka Buq-Dharkayn oo ay maalmihii u dambeeyey labada dhinacba isku horfadhiyeen, Somaliland ayaa aroortii hore weerar gaadmo qaaday. Laakiin Ciidamada KHAATUMO ayaa iska difaacay.

Ciidamadda SSC ayaa sheegtay guullo hordhac oo isugu jira gaadiid dagaal, maxaabiis iyo degaamo hor leh oo ay la wareegeen.

AGAASIMEYAASHA GUUD EE MAAMULKA KHAATUMO OO LA MAGACAABAY

agaasimeyaasha guud khaatumo1

Madaxwaynaha SSC-Khaatumo oo magaacabay Agaasimayasha Guud ee Maamulka SSC-Khaatumo.

WIIL SOOMAALI AH OO ISAGOO TAHRIIBAYA ILKAHA LAGA SIIBAY IYO SIDAY U DHACDAY

tahriibe badbaaday

Kumanaan qof oo muhaajiriin ah ayaa sanad kast gala dalka Ingiriiska kuwaas oo baadigoob ugu jira nolal ka wanaagsan tii ay ku haysteen dalalkooda, waxana muhaajiriintaasi ka mid ah Soomaali.

BBC-da ayaa la kulantay wiil Soomaali ah oo ka mid ah dadka tahariibka ku galay dalka Ingiriiska isaga oo maray ilaa shan waddan, wajahayna halis badan oo dhanka noolasha ah.

Inkasta oo uu diiday isticmaalka Magaciisa saxda ah, waxaan ugu yeeri doona Rayaan inta aan warbixinta ku dhax jirno.

Rayaan waxa uu ku dhashay dalka Sucuudiga, balse waa Soomaali asal ahaan, isaga oo siddeed iyo toban jir ah ayuu go’aansaday in uu ka baxsado nidaamka kafaala-qaadka ee Sucuudiga, oo uu guuro dalkiisa hooyo.

Waxa uu sheegay in markii uu Soomaaliya imaanayay uu rajaynayay in dalkiisa uu joogo, balse markii uu bilo joogay ayuu garoowsaday in uusan waqti badan Soomaaliya ku sii qaadan Karin.

“Waxaan ku soo koray wadan nabad ah, nolosheydana weligay qori ma arag” ayuu yiri Rayaan, balse markii uu kusoo laabtay Muqdisho waxaa xiligaas qeybo badan oo ka mid ah magaalada maamulayay Al-shabaab.

Biloowga Safarkii dhibaatada badnaa

Rayaan oo bilo kooban Muqdisho joogay kadib waxa uu go,aansaday ka tagista Soomaaliya, waxaana uu u safray dalka Ruushka halkaas oo aysan jirin cid uu ka garanayay.

Markii uu Ruushka tagay waxa uu sheegay in boolisku ay ka qaateen Baasboorkii, kadibna uu bilaabay tahriib uu ku galo dalka Ukraine halkaas ayaana ahyed biloowga dhibaatada.

Lacag dhan 1,400 oo giniga Istarliinka ah, ayuu sheegay in ay tahay kharashka looga baahnaa hawlaha tahriibka, ayada oo mararka qaarn ay dhacdo in dadka wax tahriibiya ay khiyaaneeyaan dadka safarka ah.

Waxa uu shegay in markii Dalka Ukraine uu yimid ay qabteen Ciidanka Wadankaasi, dhawr maalin oo ay hayeen ayuu sheegay in ay u gaysteen jirdil joogta iyo tacdiyo kale.

“Waxaan ka codsaday inay igu celiyaan Soomaaliya, waxayna i waydiiyeen inta qof ee ku dhinta Soomaaliya maalin walba?”

Rayaan ayaa sheegay in lagula kacay cunsurinimo isla markaan ciidanka Ukraine ay ka bixiyeen qaar mid ah ilkihiisa inta ay gacanta ku hayeen, waxaa uu xusay in dhacdadani ay tahay mid wali ku jirta xasuustiisa ilaa maanta.

Kadib afar bilood oo xabsiga ku jiray ayaa la sii dayay, waxaana uu xariir la sameeyay haweeney Ukraine u dhalatay, taas oo uu la noola qoyskeeda muddo sanad iyo bar ah walow markii danbe uu xariirkooda dhamaaday.

Billoowgii duullaankii Ruushka ay ku qaaday Ukraine, Rayaan ayay booliisku ka codsadeen in uu ku biiro ciidamada Ukraine, waxaana loo ballan qaaday dhalashada dalkaasi , balse waa uu diiday in dagaal galo.

Waxaa uu sheegay in markii uu biloowday dagaalka Ukraine iyo Ruushka uu ka qaxay, isaga oo maray dalal badan oo ka mid ah kuwa Yurub kuwaas oo dhamaan lagu xiray ama jirdil loogu gaystay.

Markii Yurub galay ayuu tilmaamay in mar kale uu ku dhax tahriibay si uu isugu dayo in uu galo dalka Ingiriiska.

Waxaa uu sheegay in Safarkii uu u galay dalka Ingiriiska ahaa mid khataro badan oo dooni yar ay ku raaceen dad gaaraya boqalal qof .

Rayaan oo hada ku nool Boqortooyda Uk kama uusan halin nolashii uu ku hamminayay, waxa uuna sheegay in uusan ka tagi laheen dalkiisa haddii uu ogaan lahaa xaalada halkan ka jirta .

Noloshiisi Sacuudi Carabiya ayuu tilmaamay in ay ka wanaagsanayd tan hada uu Ingiriiska ku haysto.

IN TUUG TUUG DHALAY UU GARAAD GARAAD DHALAY WAX KA SHEEGO WAA CALAAMADAHA QIYAAMAHA

garaad jaamac garaad cali iyo boqor buurmadow

In Dunidu waqtigeedii soo dhow yahay waxaa kuu cadeynaya Calaamadaha cusub ee maalin soo baxayaa, todobaadkan waxaa dad badani la yaaban yahay BOQOR CISMAAN BUUR-MADOW oo Garaadka Guud ee SSC GARAAD JAAMAC GARAAD CALI oo ka mid ah dhaqanka Soomaali ugu faca weyn taariikhdiisa wax ka sheegaya, HADABA WAA KUMA BOQOR BUUR-MADOW?

BUUR-MADOW wuxuu ku raad-dhaqaajiyey degaanka Yeyle ee G, Sool oo uu maqaaxiyaha weelka u nadiifin jiray, burburkii Soomaaliya wuxuu bililiqaystay mid ka mid ah gaadiidkii Dawladdii Somaliya, wuxuu noqday jid gal isagoo afduubtay ganacsade lagu magacaabi jiray Juujuulle, aakhirkii Ina Cigaal baa lacag siiyey si uu Boqor u sheegto oo Beeshiisa u kala qaybiyo, illaa maanta dawlad kasta oo Somaliland ka dhalata dariiqa ayuu isku taagaa oo waa la xidhaa ama la masaafuriyaa isagoo ilaa maanta musaafuris ugu maqan, marka taariikhdiisii hore dib loo raaco meelna wanaag iyo tallo kama soo galo, halka Garaad Jaamac Garaad Cali uu tobonaan Awow ka soo jeedo Saldanad ku suntan tallo-qabeenimo, halgan xornimadda Soomaaliyeed, iyadoo Garaad Jaamac Aabihiina ka qaybqaatay xornimaddii 1960.

Waxaa nasiibdarro ah oo hoogay Isimadda iyo Maamulka SSC ee Buur-Madow habeen iyo maalin hogaanka u hayo, oo weliba ku faraxsan aflagaadada Garaadka Guud ee Umadda Soomaaliyeed Garaad Jaamac Garaad Cali, nabadda aad Buur Madow ka baryeysaan waxay imanaysaa marka Somaliland ama Isaaq la ogolaysiiyo inay Maamulka Khaatumo u arkaan labo maamul oo deris ah oo xuduudkooduna cad yahay, taasina walaalow iyo baryo ku imaanmayso dhiig baa loo shubay loona shubi doonaa ee leefleefka Buur-Madow iyo isku dir uu dhexdiina ka wado iska joojiya.

DAADAD IYO DHUL GO’ KA DHACAY GOBOLKA XEEBTA EE KENYA

daadad kenya

Roobbab mahiigaana oo lala xiriirinayo El nino kuwaas oo ay ka dhasheen daaddad soo rogmaday ayaa ku fatahay magaalooyin badan oo ku yaala geeska afrika, waxayna uga tagtay boqollaal kun oo qof hoy la’aan.

Kenya tirada ku dhimatay fatahaadda ayaa gaartay 46 qof, waxana laga baqayaa in ay korodho.

Daadad iyo dhul go’ ka dhacay wadada tareenka ee isku xirta magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa ayaa keenay in ay qasab noqoto in la hakiyo adeegyada xamuulka ee tareenada sida ay sheegtay waaxda tareennada Kenya.

Sidoo kale wadadan tareenka waxay shixnado u maraan wadamo ay kamid yihiin Ruwanda, Ugaandha, iyo Suudaanta Koonfureed.

32 QOF OO KU DHINTAY DUQEYMO AY ISRAA’IIL KA GEYSATAY KOONFURTA QASA

gaza

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, diyaaradaha Israa’iil ayaa duqaymo ay ka geysteen xaafado ku yaal koonfurta Qaza waxay ku dileen 32 qof oo Falastiiniyiin ah Sabtidii, sida ay dhakhaatiirtu sheegeen, ka dib markii Israa’iil ay mar kale ku amartay dadka rayidka ah inay u guuraan koonfurta siay u weeraraan Xamaas ka dib markii ay gooyeen waqooyiga.

Talaabadan noocan oo kale ah ayaa ku qasbi karta boqollaal kun oo Falastiiniyiin ah oo u qaxay koonfurta weerarka Israel ku hayso magaalada Qaza awgii, inay mar kale guuraan, iyaga iyo dadka deggan Khan Younis, oo ah magaalo ay ku nool yihiin in ka badan 400,000, taas oo uga sii dari karta dhibaatada bini’aadantinimo ee daran.

HABARJECLO MA SEEXAN SIDII FAYSALKII AY KU SEEXAN JIREEN LOO XIDHAY

faysal cabdi bootaan

Adoomaha nimcadda ilaahay siiyey ku mahadnaqi waayo wuu ka qaadaa, Beesha Habarjeclo nimcaddii iyo nabadgelyaddii ilaahay siiyey ee ay ku seexan jireen mahadnaqeedii waxay ku bedeleen inay adoon yar oo ilaahay ku yiraahdaan FAYSAL CABDI BOOTAANOW ADIGAAN KUGU SEEXANAA, iyagoo ku dhiirigeliyey inuu shacabka Laascaanood xoog u sii duqeeyo, islamarkaana dabaaldeg waaweyn ku taageeray xasuuqii Laascaanood laga waday.

Ilaahay Mahadiis muddo yar kadib Faysal Cabdi Bootaan waxaa qabtay oo jeelka ku tuuray Maamulka SSC-Khaatumo, waxaa ku qaraxday xumaantii ay dadka deriska la ah 32 sano ku hayeen, hadda ma seexdaan oo nabaddii waa laga qaaday, ma dagaalami karaan oo waxaa horfadhiya oo sugaya Ciidamadda SSC ee Ciidankii Somaliland ee 32 sano la dhisayey hub-ka-dhigista ku sameeyey, waxay kaga dhegtay dhaar, faan iyo yaa Isaaqaay.

Jamaahiirta SSC waxaa ku waajib ah inay fuliyaan hadalkii Garaadka Guud ee SSC-Khaatumo Garaad Jaamac Garaad Cali ee ahaa “Haddii aad Isaaqow dhulkayaga sheegataan waxaan weeraraynaa dhulkiina”, wax nabadgelyo ah ma dhacayso ilaa la sugo xuduudaha maamuladda Khaatumo iyo Somaliland, arinta laysku hayaa waa Masiirkii kumanaanka qof u waxyeeloobeen, maaha sida dadka qaarkii u fududeynayaan, waxaana ka hadli kara Maamulka SSC-Khaatumo.

SAMAROON OO MARKII 8AAD LOO DHAGAXDHIGAY AIRPORTKA BOORAME

dhagaxdhig airportiga borame

Maanta ayaa markii 8aad la dhigaxdhigay garoonka diyaaradaha ee Boorame, taas oo muujinaysa qiimeyn xumadda iyo waxtar la’aanta Beesha samaroon ku qabto Somaliland oo ay mudo 32 sano ah ka cabanayeen saamiga kaga maqan.

Madaxweyne kuxigeenka Maqashka sita ee ku caan baxay furista Carwooyinka ayaa maanta dhagxaan aan waxba ka soconayn markii 8aad dhigay, arinta ayaa u eg mid lagu dejinayo kacdoonka Jamaahiirta Awdal state oo laga baqayo inay raacaan dariiqii Jamaahiirta SSC.

Garoonkan oo mar ahaan jiray kan Somaliland ugu mashuulsan ayaa waxaa curyaamiyey maamuladdii kala dambeeyey, waxayna caadeysteen dhagaxdhig been ah.

RAYSAL WASAARAHA ISRAA’IIL OO LOOGU BAAQAY INUU IS CASILO

netanyahu2

Hoggaamiyaha mucaaradka Israa’iil Yair Lapid ayaa ugu baaqay raysal wasaare Benjamin Netanyahu inuu xilka ka dego, sababo uu ku sheegay inay dowladdiisu ay si xun u maamushay dagaalka ka dhanka ah Xamaas.

Lapid waxa uu sheegay in uu doonayo in la sameeyo “dawlad dib u dhista qaranka” – waxaa laga yaabaa inuu hoggaamiyo xisbiga Netanyahu ee Likud, laakiin waxaa uu sheegay inuu door bidayo in raysal wasaarahu uu meesha ka baxo.

Lapid ayaa bartiisa X, ku qoray in ciidamada Israa’iil iyo dadweynaha ay muujiyeen adkeysi tan iyo weerarkii Xamaas ee toddobadii Oktoobar, laakiin ” xagga gabaisku ka jiro waa dowladda, gaar ahaan raysal wasaaraha”.

Yair Lapid ayaa ku dhaliilay xukuumadda waqtiga dagaalku qaatay ee bisha ka badan.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY