Home Blog Page 23

WASAARADDA ARIMAHA GUDAHA DFS OO KA WARSAXAAFADEED KA SOO SAARTAY KULANKII HOGAAMIYAHA SSC FIRDHIYE+SAWIRRO

wasiir fiqi iyo hogaamiye firdhiye3

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta kulan gaar ah kula qaatay Muqdisho hoggaamiyaha SSC – Khaatumo mudane Cabdiqaadir Axmed Firdhiye oo howlo shaqo u jooga caasimadda.

Ugu horreyn, hoggaamiyaha SSC- Khaatumo mudane Cabdiqaadir Firdhiye oo kulanka ka hadlay ayaa ka mahadceliyay Soo dhoweynta qiimaha badan ee Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Axmed Fiqi iyo guud ahaan caasuumaadda iyo maamuuska ay Xukuumadda Federaalka ah u fidisay SSC.

Mudane Firdhiye oo sii hadlaya ayaa warbixin ka siiyay mudane Axmed Fiqi wasiirka arrimaha gudaha xaaladda deegaannada SSC -Khaatumo iyo raadkii dagaaladdii dhacay isaga oo soo bandhigay in arrimaha hortabinta u leh SSC ay ka mid yihiin; Dib u heshiisiinta, maamul daadejinta, adeeg bixinta, in ay xoojiyaan ku xirnaanshiyaha Xukuumadda Federaalka ah iyo mabda’ guud ee ah ilaalinta bedqabka iyo midnimada dhul iyo umad ahaaneed ee Soomaaliya.

“Dagaalku inta uu socday waxaa uu sababay barakaca 300,000 oo qof iyo burburka xarumaha bulshada loogu adeego sida; isbitaalada, goobaha waxbarashada iyo masaajidda’’ ayuu hadalkiisa kusoo gaboganeeyay hoggaamiyaha SSC mudane Cabdiqaadir Axmed Firdhiye.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi oo fadhiga ka hadlay ayaa xusay sida ay Wasaaraddiisa mar walba diyaar ugu tahay in ay ka caawiso arrimaha ay ka mid yihiin: Dib u heshiisiinta, maamul baahinta, xal u helidda barakaca iyo guud ahaan howlaha kale ee xiriirka la leh wasaaradda, isaga oo intaa raaciyay in Wasaaradda Arrimaha guduhu u taagan tahay xoojinta maamulada dalka ka jira.

𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃

𝑿𝒂𝒇𝒊𝒊𝒔𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒓𝒊𝒊𝒓𝒌𝒂 𝒊𝒚𝒐 𝑾𝒂𝒓𝒃𝒂𝒂𝒉𝒊𝒏𝒕𝒂.

HARGEYSA: RASAAS XOOGLEH OO LAYNKA BOOLIIS KA SOCOTA

hargeysa

Waxaa magaaladda Hargeysa laga soo sheegayaa Rasaas xoogleh oo ka socota Xaafadaha Laynka Booliska, halkaas oo ay isku farasaareen Booliiska iyo shacab dhulkoodii adkale laga iibiyey.

Waxaa istaagay dhamaan isusocodkii gaadiidka dadweynaha iyo shacabka, waxaana laga baqayaa rasaas wiifto.

MAGAALADDA CEERIGAABO OO MAANTA DEGAN KADIB DAGAAL XALAY KA DHACAY

ceerigaabo

Magaaladda Ceerigaabo ayaa maanta degan kadib markii xalay uu dagaal culusi ku dhexmaray Jamaahiirta SSC Khaatumo iyo Maamulka Hargeysa, kaas oo socday ilaa saqdii dhexe ee xalay.

Khasaaraha xalay dagaalka ka dhashay ayaa la xaqiijinayaa dhaawaca 6 ka mid ah Ciidamada Maamulka Hargeysa iyo 3 qof oo shacab ah.

Dagaalka ayaa abaabulkiisa lagu eedaynayaa Horjoogaha Hargeysa Muuse Biixi Cabdi oo dhowaan Guuldaradooyin ka soo gaareen Gobolka Sool, iyadoo ay soo ifbaxayso inuu abuuro dagaal beeleedyo.

FALASTIINIYIINTA OO ISRAEL KU QAADAY WEERAR DHULKA, BADDA IYO CIRKA AH

Israel Palestine conflict

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay la dagaalamayaan mintidiin kaga yimid Gaza oo Sabtida maanta ah Israa’iil ka weeraray dhinacyada dhulka, badda iyo cirka, iyagoo adeegsanaya gantaalo fara badan oo ay ka soo gameen Gaza.

Afhayeenka ciidamada Israa’iil Richard Hecht ayaa u sheegay suxufiyiinta in mintidiin Falastiiniyiin ah ay bilaabeen ‘dagaal’ kaasi oo isugu jiray dhinacyo kala duwan.

Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegay ‘waxaan ku jirnaa dagaal’ isaga oo wacad ku maray in uu aargoosan doono ka dib markii uu amray abaabul ballaaran oo lagu soo daabulo ciidamada keydka ah ee Israa’iil.

Rabshadaha u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ayaa sii kordhayay tan iyo horraantii sannadkii hore, iyadoo tirada dadka ku dhintay Daanta Galbeed ee dhulka la haysto ay gaartay heer aan muddo sanada ah la arag.

“Waxa aan go’aansannay inaan soo afjarno dhammaan danbiyada uu gaystay gumeysigu (Israa’iil). Waqtigoodii ay weerrarada gaysan jireen iyadoo aan lala xisaabtamin waa uu dhammaaday,” ayaa lagu yiri war ay baahiyeen Ezzedine al-Qassam, oo ah garabka hubeysan ee ururka Xamas ee ka taliya marinka Gaza.

Kooxda ayaa sheegtay in howlgalkan oo ay ugu magac dareen ‘Daadka Al-Aqsa’ ay adeegsadeen wax ka badan 5 kun oo gantaal oo ay ku weerareen Israa’iil.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay mintidiin Falastiiniyiin ah kula dagaalamaayn dhowr ah aag oo ku dhow Marinka. Waxa ay dhankooda howlgalka ugu magac dareen ‘Seefaha Birta ah’.

Saraakiisha ayaa sheegay in ugu yaraan laba qof lagu dilay gudaha Israa’iil.

Xamas ayaa mar danbe baahisay muuqaal muujinaya dagaallamayaasheeda oo saddex nin qabanaya.

Ka soo gudbista kooxaha hubeysan ee ka imanaya Gaza, oo ah magaalo sabool ah oo ay ku nool yihiin 2.3 milyan oo qof, ayaa ahayd mid adag tan iyo markii Xamas ay la wareegtay maamulka magaalada 2007-dii, taasi oo keentay in Israa’iil ay go’doomiso. Israa’iil ayaa Gaza go’doomisay iyadoo ciidan xooganna halkaasi dhigtay.

Gantaallada laga soo tuuray Gaza oo uu afhayeenka ciidamada Israa’iil ku sheegay ugu yaraan 2,200 ayaa baabuur ku gubay magaalada Ashkelon ee Israa’iil, oo qiyaastii 10 kiiloomitir dhinaca waqooyi ka xigta Gaza.

VOA + AFP

SAWIRRO RA’IISUL WASAARE XAMSE OO QAABILAY HOGAAMIYAHA MAAMULKA SSC-KHAATUMO

madaxweyne cabdiqaadir firdhiye iyo pm xamse1

Muqdisho, Oktoobar 07, 2023:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Hoggaamiyaha KMG ah ee SSC Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye)

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dhageystay Hoggaamiye Firdhiye warbixin ku saabsan xaaladda bulsho iyo nololeed ee ka jirta deegaanada SSC.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u taagan tahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed iyo in wixii khilaafa ee jira lagu xalliyo wada-hadal.

CALANKII IYO MIDNIMADDII SOOMAALIYA OO SHALAY MUQDISHO LAGA DEJIYEY

madaxweyne cabdiqaadir firdhiye calan

Hogaamiye Maamulka SSC KhaatumoCabdiqaadir Axmed Cali Firdhiye ayaa shalay isagoo sita Calankii iyo Wadajirkii Soomaaliya ka degay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho halkaas oo aan si aan horey loo arag loogu soo dhoweeyey.

Cabdiqaadir Firdhiye oo ka soo jeeda degaamaddii u halgamay Gobanimadda Soomaaliyeed ayaa u quus goosey degaamo mudo dheer aaminsanaa in Soomaaliya la kala gooyo, Talaabadan waxaana umadda Soomaaliyeed u aragtaa in laga gudbay khatartii soo wajahday wadajirka Soomaaliyeed, taas oo aan hadda kadib noqon doonin mid gorgortan laga galo.

SAWIRO MADAXWEYNAHA SSC KHAATUMO OO SOO DHEWEEYEYN AAN LOO KALA HARIN LOOGU SAMEEYEY CAASIMADDA SOOMAALIYA.

soodhoweyn madaxweyne firdhiye10

Soo dhoweynta Madaxweynaha SSC Khaatumo ayaa maanta gilgishay Caasimadda Soomaaliya, kumanaan isu jira Madaxda Qaranka Soomaaliya iyo Bulshadda qaybaheeda kala duwan ayaa buuxdhaafiyey goobihii soo dhoweynta.

BOQOR BURHAAN OO MAANTA SI WEYN LAASCAANOOD LOOGU SOO DHOWEEYEY

soodhoweyn boqor burhaan laascaanood

Shacabka, Maamulka iyo Madaxdhaqameedka SSC-Khaatumo ayaa maanta si aan kala hadh lahayn magaaladda Laascaanood ugu soo dhoweeyey Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Shacabka ayaa isugu soo baxay wadada halbowlaha ah ee Magaaladda, iyagoo ruxayey Calamadda Soomaaliya, Puntland iyo Khaatumo, Ciidamada nabadgelyadda ee Khaatumo ayaa adkeeyey Amaanka Magaaladda.

https://www.facebook.com/watch/?ref=search&v=1490042048422849&external_log_id=17612ec1-d2cf-4330-bac6-ccdcf7a61d9c&q=qardho%20media

SOOMAALIYADII UGU HOREYSAY EE WERIYE KA NOQOTA MAGAALOOYINKA MATAANAHA AH

weriye ubax ali

Magaalada Minnesota ee dalka Mareykanka waxaa ku nool Soomaalida ugu badan marka laga reebo Soomaaliya. Hadda markii ugu horeysay magaalooyinka mataanaha ah ee Minneapolis–Saint Paul waxay heleen weriye Soomaali-Maraykan ah oo ka soo waranta xarun TV maxalli ah.

Ubax Cali waxay war soo tabiye u tahay talefishinka WCCO oo ku yaalla Minneapolis–Saint Paul, gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Ubax Ali, oo 25 jir ah, waa weriyihii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo ka soo waranta magaaloyinka mataanaha ah iyo gabadhii 3-aad ee Ameerika oo dhan ee xirta xijaabka marka ay hawada ku jiraan.

Ubah oo wareysi siineysay warbaahinta MPR News ayaa tiri”Markii aan u sheegay hooyaday in aan aadayo St. Cloud si aan u sii wado saxaafadda, kaliya ayay madaxa ruxday, oo waxay ti tiri hooyo, ma jiro qof kula mid ah TV-ga Mareykanka ka shaqeeya. Oo waxaan ku iri, waan ogahay, laakiin arrimuhu way isbedelaan, oo waxaan u socdaa in aan riyadeyda ka dhabeeyo . Wax kale oo aan ku fiicanahay ma jiraan. Tani waa waxa aan ku fiicanahay. Waxayna ii ogolaatay inaan riyadeyda ka rumeeyo . Qoyskaygu waxay had iyo jeer igu taageri doonaan in aan riyooyinkeyga ka rumeeyo.”

KENYA OO SHAACISAY WAQTIGA AY CIIDAMADEEDA SOOMAALIYA KALA BAXAYSO

kenyan army

Wasiirka Difaaca Kenya Aadan Ducaale ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ay dalka uga bixi doonaan afar waji.

Isagoo aqalka Senertka la hadlayay Arbacadii, Ducaale ayaa sheegay in bixitaanka ciidamada ay inta badan ku xirnaan doonto heerka guusha laga gaaro howlgalka nabad ilaalinta ee Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya aysan ka joogin ciidamo ka tirsan kuwa Kenya, balse ay jiraan saraakiil ka tirsan KDF oo ka hoos shaqeeya ATMIS oo u sii mara Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika oo ogolaansho ka heysta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

“Marka go’aanka ciidamada Kenya ay uga baxayaan Soomaaliya waxa ay ku xiran tahay dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin horumarka laga gaaray shaqada ATMIS-ka iyo xaaladaha amni iyo kuwa siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya,” ayuu yiri Ducaale oo ka jawaabayay su’aalo ay weydiyeen Senetarro ka tirsan aqalka Senate-ka.

Wasirka, si kastaba ha ahaatee, wuxuu xusay in bixitaanka ciidamada ATMIS ee Soomaaliya ay bilaabatay bishii April ee sanadkii hore, taasoo ah istaraatiijiyad hoos u dhac ah oo looga dan leeyahay in si tartiib tartiib ah mas’uuliyadaha amniga loogu wareejiyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya. Qorshaha dhimista ayaa socon doona ilaa Diseembar 31, 2024.

Hadda ka hor, wejigii koowaad ee dhimista ayaa la soo gabagabeeyey, waxaana ka baxay guud ahaan 2,000 oo ATMIS ah, 400 oo ka mid ah ciidamada Kenya, 400 oo Uganda ah, 400 oo ka socda Itoobiya, 600 Burundi ah iyo 150 ka socda Jabuuti. Tani waxay dhammaatay bishii June ee sanadkan.” ayuu yiri wasiirka.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY