Home Blog Page 24

QAARADAHA LAGU QABANAYO KOOBKA ADUUNKA OO LA SHAACIYEY

fifa logo

Koobka Adduunka ee 2030 ayaa lagu qaban doonaa lix wadan oo ka kala tirsan saddex qaaradood, sida ay xaqiijisay Fifa.

Spain, Portugal iyo Morocco ayaa loo magacaabay inay wada martigelinayaan, iyadoo saddexdii kulan ee furitaanka ay ka dhaceen Uruguay, Argentina iyo Paraguay.

Kulamada furitaanka ee South America ayaa lagu xusayaa qarniga koobka aduunka maadaama 100 sano laga joogo markii uu dhacay kulankii daah furka ahaa ee koobka adduunka ee Montevideo.

Go’aanka ayaa lagu wadaa in lagu ansixiyo shirweynaha Fifa sanadka soo socda

KENYA OO LA DAALAA-DHACAYNAYSA WEERARRO DHANKA INTERNETKA

Internet Cable

Maamulka isgaarsiinta ee dalka Kenya ayaa sheegay in 12-kii bilood ee la soo dhaafay uu dalku la kulmay 860 milyan oo weerarro dhanka internetka ah.

Maamulaha ayaa sheegay in “tirada xajimiga weerarada soo noqnoqda” ee lagu bartilmaameedsanayo kaabayaasha macluumaadka muhiimka ah ee Kenya ay si aad ah u kordheen.

2017, Kenya waxa ay la kulantay 7.7 milyan oo weerar dhanka internetka ah.

Bishii Luulyo, weerar dhanka internetka ah oo caan baxay oo loo aaneynayo kooxda Ruushka ee xogaha jabsada kuwaas oo hulaabtay magaca Sudan ayaa jartay marinka in ka badan 5,000 oo adeegyo dowladeed oo internetka ah oo dalkaas ku yaal, oo ay ku jiraan fiisaha, baasaboorka iyo codsiyada leesanka wadista wadista gawaarida iyo cusbooneysiintooda.

Weerarku waxa kale oo uu curyaamiyay nidaamka tikidha tareenada onlaynka ah iyo wax kala iibsiga lacagta mobaylada.

Hay’adda Isgaarsiinta Kenya ayaa Isniintii sheegtay in 79% weeraradii la diiwaan geliyey 12-kii bilood ee la soo dhaafay ay sababeen dembiilayaal dhanka Internetka ah oo gudaha u galay nidaamyada kombuyuutarrada ee hay’adaha.

Sida laga soo xigtay khubarada, Kenya hadda waa dalka seddexaad ee ugu badan ee dambiilayaasha internetka ee Afrika ay bartilmaameedsadaan, marka laga reebo Nigeria iyo Koonfur Afrika.

FAA’IIDOOYINKA CAAFIMAAD EE LAGA HELO TUFAAXA EE AAN LA OGEYN

tufaax

Tufaaxa waxaa ku jira fitamiinno iyo maaddada fiber-ka ee caloosha u fiican, wuxuuna ka mid yahay miraha u wanaagsan caafimaadka, sida ay sharraxeyso Nicola Shubrook oo ku takhasustay cuntooyinka nafaqada leh kana howlgasha dalka UK.

Tufaaxu waxa uu leeyahay midabyo kala duwan, wuxuu u kala baxaa ku dhowaad noocyo gaaraya ​​2,000, waxaad arkeysaa tufaax cagaar ah, mid leh midabka huruuddda iyo casaan ah, dhadhankooda wuu kala duwan yahay.

Tufaaxa waxaa ku jira nafaqooyin kala duwan oo isugu jira, borotiin, fitamiin C, maaddada potassium iyo carbohydrates.

Faa’iidooyinka caafimaad ee shanta ah ee laga helo tufaaxa

1. Wuxuu hoos u dhigaa heerka kolestaroolka

Tufaaxa waxaa ku jira maaddada pectin oo ah fiber dabiici ah oo laga helo dhirta.

Cilmi-baaris dhowaan lagu daabacay joornaalka Yurub ee ka faallooda nafaqada ayaa lagu ogaaday in cunista tufaaxa uu ku badan yahay maaddada pectin-ka ayna saameyn ku leedahay hoos u dhigista heerka kolestaroolka.

Sidoo kale daraasad kasoo baxday akadeemiyadda nafaqada waxay muujineysaa in cunista qiyaastii 75g oo tufaax ah oo la qallajiyey (qiyaastii laba xabbo oo tufaax ah) ay ka caawisay hoos u dhigista kolestaroolka gaar ahaan haweenka uu ka go’ay dhiigga caadada.

2. Waxaa laga yaabaa in uu ka hortago cudurka macaanka

Maaddaama tufaaxa uu ka baxo maaddada fiber-ka haddii ay ku darsanto maaddada kale ee isla tufaaxa laga helo ee flavonoid-waxay ka qeyb qaadanayaan inay xoojiyaan dareenka ka dhasha maaddada insulin taasoo muhiim u ah maarreynta miisaanka qofka iyo ka hortagga cudurka macaanka.

3. Tufaaxa wuxuu ka hortagga cayilka

Cilmi-baaris lagu sameeyay xayawaannada qaar waxay muujiyeen in maaddada pectin ee uu soo saaro tufaaxa ay gacan ka geysan karto nidaaminta microbiome-ka (bakteeriyada mindhicirka waxtarka u leh), taas oo iyadana laga yaabo inay ka hortagto cayilka iyo cudurrada kale ee ka dhasha xasaasiyadda.

Daraasadaha lagu sameeyay bini’aadamka waxay sidoo kale u muuqdaan kuwo rajo leh, laakiin cilmi-baaris dheeraad ah ayaa loo baahan yahay oo ku saabsan tufaaxa.

QARAX KA DHACAY MAGAALADA ANKARA EE DALKA TURKIGA

turkey flag1

Laba askari oo ka tirsan booliska ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen qaraxa ka dhacay magaalada Ankara oo dawladda Turkigu ku tilmaamtay mid argagixiso.

Tiro badan oo booliis ah iyo kooxo ciidamo gaar ah ayaa loo diray gobolka.

Dhul ballaaran oo dhowr kiilo mitir ah oo ku xeeran wasaaradda arrimaha gudaha ayaa laga xiray isu socodka gaadiidka.

Waxaa laga digayaa ka digtoonaanta qarax kale, waxaana la aruuriyay cadeymaha ku dhex jira gaariga qarxay iyo qeybaha kale ee firidhka qaraxa.

Xafiiska dacwad oogaha guud ee Ankara ayaa bilaabay baaritaan ku aadan weerarka.

Maxkamadda Dembiyada ee Ankara ayaa sidoo kale go’aansatay inay xannibto gelitaanka warbaahinta ee goobta iyo baahinta wararka ku saabsan.

SAMAROON WAA MAALINTII LAYDIIN BARYI LAHAA EE BARYOOTANKA JOOJIYA

Boorame

Waa ayaandarro in Beesha Gadabuursi ay garan weydo in maanta la joogo maalintii iyaga la baryi lahaa oo ay ka soo gudbeen xiligii ay baryootami jireen, waa ceeb wixii xildhibaanadoodu codsadeen, goobo doorasho, Wasiir iyo Ururka iwm waa codsi horgal, waxaa idiinka muuqata inaad weli aaminsan tihiin Ciidankii, Qarankii iyo khiyaaligii 32 sano lagu noolaa ee uu Dhulbahante qaawiyey, maanta waa maalintii aad oran lahaydeen WAXWADA-LAHAANSHIHIINA KUMA AANU QANCINE DEGAAMADAYADA NOOGA BAXA, oo waraaq cad oo waxaad doontaan ku qorataan guryihiina laydiinku keeni lahaa, balse waxaad weli ku hadlaysaan hadaladii Horgalladda.

Samaroon waxaa laydiinku dhaaranayaa in Ciidankii Somaliland la burburiyey oo wixii uu hub iyo gaadiid haystay wax 100 gaadhi oo yaryar ka yar gacantooda ku soo hartay, Ciidamadda soo badbaaday ee Oog jooga badankoodu qoryahoodii waa ka soo carareen, weerar baan qaadaynaa iyo waan Aarsanaynaa waa been oo ma awoodaan, hadalada noocaas ah idinka ayaa laydiinku cabsigelinayaa, haday itaal hayaan xabado ha ku rideen Ciidamadda iyo Jamaahiirta SSC, haday dhacdo waxaa lagaga jawaabi doonaa lama maqal iyo lama maleeyaan magac loo bixiyo la waayi doono haddii Alle idmo, weli waxaad ka baqaysaan WARAABE-U-TAAGA beeralaydu shimbiraha beerta kaga ilaashato.

Waxaa hambalyo iyo bogaadin mudan dhalinyaradda iyo Jamaahiirta Reer Awdal ee diyaarka u ah inay sharafta iyo karaamadoodii soo ceshadaan, sidoo kale waxaa Pro Samater la gudboon inuu dadkiisa la tallo noqdo oo uu JIGJIGA ka soo dego toosna degaamada iyo shacabkiisa ugu tago ama uu Hargeysa yimaado oo qaato xooggaaga qarash celinta ah ee loo diyaariyey.

FG: LAASCAANOOD 100 JEER BAY MAANTA KA FIICAN TAHAY XILIGII SOMALILAND JOOGTAY.

BANAANBAXYO LAGU TAAGEERAYO MILATERIGA DALKA BURKINO FASO

burkino faso

Dibadbax lagu taageerayo militariga ayaa ka socda Burkina Faso, kaasoo lagu xusayo sanadguuradii koowaad ee ka soo wareegtay afgambigii uu xukunka kula wareegay Capt Ibrahim Traore.

Arintan ayaa timid ka dib markii ciidamada milatariga ay sheegeen in la fashiliyay isku daygii afgambi maalintii talaadada.

Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay fagaaraha qaranka ee magaalada caasimadda ah ee Ouagadougou iyo dhowr magaalo oo kale, kuwaasi oo dhageysanaya baaqa ka soo yeeray qabanqaabiyeyaasha ku andacoonaya in quwado shisheeye ay ka dambeeyaan dadaallada lagu doonayo in xukunka looga tuuro ciidamada milateriga.

SABABTA KANEECADU DADKA QAAR UGU QANIINTO SI KA BADAN DADKA KALE

Kaneeco Anopheles Stephensi

Ma ka mid tahay dadka ay joogtada u qaniinto kaneecada iyadoo dadka hareerahaaga fadhiya aysan sidaada oo kale u qaniinin?

Seynisyahanada ayaa muddo dheer ogaa in kaneecada aysan isku si dadka oo dhan u qaniinin oo dadka qaar ay ku badan tahay qaniinyada.

Cilmibaarisyo badan oo la sameeyay ayaa muujinaya in dadka qaar ay soo jiitaan kaneecada sababo la xiriira shiirka jirkooda. Qubarada ayaa ku taliyay habab looga badbaadi karo qaniinyada kaneecada.

Maxay kaneecada dadka qaar u qaniintaa marar badan?

Cilmibaaris ay sameysa jaamacadda Rockefeller ee New York taas oo lagu sameeyay shiirka jirka bani’aadanka iyo sida uu kaneecada u soo jiito ayaa natiijada ka soo baxday cilimibaarista waxaa lagu ogaaday waxyaabo badan.

Dadka qaar jirkood boqol jeer ayuu soo jiitada kaneecada si ka badan kuwa kale.

Baaris ay seynisyahada ku sameeyeen waxa sababa arintaas ayey ku ogaadeen in maqaarka jirka dadka kaneecada soo jiita ay ku badan tahay saliidda jirka bani’aadamka ka soo baxda marka ay dhididaan ee wadata curiyaha carboxylic acid.

Cilmibaarista ayaa sidoo kale sheegtay in cadadda walxahan aysan muddo isbedellin. Waxaa loola jeedaa in dadkaas uu jirkooda aad u sii jooto kaneecada inta ay nool yihiin, aad ayeyna aad u qaniinto kaneecada.

Balse seynisyahanada ayaa si weyn u rajeynaya inay soo saaraan wax looga hortago qaniinyada kaneecada taas oo ah in horta la ogaado waxa ku jira shiirka soo jiita kaneecada.

QARAX ISMIIDAAMIN AH OO MUQDISHO KA DHACAY

qarax muqdisho 2272019

Qaraxaas waxaa fuliyey qof is-miidaamiyey, wuxuuna ka dhacay maqaayad u dhow Baar-bulsho oo ku taalla isgoyska Sayidka.

Maqaayadda uu beegsaday ninkaas waxaa la sheegay inay aheyd mid ay bulsho badan ku sugnaayeen.

Waxaa jiro dhaawac iyo dhimasho balse lama oga tirada rasmiga ah ee waxyeeladu ka soo gaartay qaraxaas.

GARAAD CABDILAAHI GARAAD SALEEBAAN WAA TIIR-DHEXAADKII HALGANKII IYO GUUSHA SSC

garaad claahi g saleebaan3

Illaahay baa ku mahadsan Garaadnimaddii Garaad Cabdilaahi Garaad Saleebaan oo Halgankii Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn la kowsatay, Garaadku wuxuu noqday udub-dhexaadka halganka iyo guusha, wuxuu muujiyey hogaamin, dulqaad, daacadnimo, iyo masuuliyad balaadhan. “Garaadka waxqabadkiisii 8-dii bilood ee halganka, doorkiisii midnimadda iyo kaalinta uu guusha ku leeyahay waa mid aan shacabka SSC ilaawi doonin oo uga mahadnaqayaan”.

Garaadku wuxuu noqday xariga isku haya midnimada Isimada iyo shacabka SSC, wuxuu ku guuleystay in si aan kala hadh lahayn ay Beesha Maxamuud Garaad dagaalka u galaan, wuxuu dhegaha ka fureystay cid kasta oo halganka xagal-daacinaysaa inay saameyn ku yeelato, wuxuu ka dheeraaday dhamaan talooyinkii iyo siyaasadihii ka soo burqanayey Maamuladda dhinacyadda ee caadadda ka dhigtay kala qaybin iyo dibin-daabyadda SSC, wuxuu ka fogaaday inuu ku dhaco hagardaamooyinkii uu cadowgu soo maleegayey, wuxuu qayb weyn ka qaatay ka hortagga iyo xalinta khilaaf kasta oo halganka wiiqi karayey, wuxuu Isimadda kale kaga duwanaa inuu markii loo baahdo uu xabadda wax ka ridayey oo dadkiisa qorigiisa ku difaacayey, fariimihiisii aan leex-leexa lahayn ee uu cadowga u dirayey iyo hal-adaygiisu waa mid aan shacabka SSC ilaawi doonin.

FAAH-FAAHIN DHULGARIIR KA DHACAY DALKA JABUUTI

dhulgariir jabuuti

Wararka ka imanaya dalka Jabuuti ayaa sheegaya in guud ahaan dalka Jabuuti, caasimada iyo gobolada kaleba laga dareemay dhul-gariir dhexdhexaad ah oo cabbirkiisu yahay 5.2 magnitude.

Dhul-gariirkan ayaa dhacay saaka aroorti hore saacadu markay ahayd 4:22 xiliga Geeska Afrika.

Wararka hor-dhaca ah ayaa shegaya in dhul-garirkan oo heerkisu ahaa 5.2 aysan jirin dhismayaal ku bur-buray iyo wax dhimasho ama dhaawac ah uu geystay sida ay xaqijiyen hay’adaha cilmi barista dalka Djibouti CERD.

War ka soo baxay wasaaradda waxbaarashada ee dalka Jabuuti ayaa lagu shegay in ardayda dhamaan laga fasaaxay dhugsiyada waxbarashada.

Dhul-gariirkii ugu xoogganaa ee ka dhacay aagga Jabuuti

Magaalada Jabuuto oo kor laga sawiray

Sida laga soo xigtay bogga internet-ka ee hikersbay.com markii ugu dambeysay ee Jabuuti uu dhul gariir ku dhufto waxay ahayd 15 sano ka hor maalin Talaado ah, bishuna ay tahay Abriil 29, 2008 abaare 3:07 aroornimo. Dhul gariirkan ayaa cabirkiisa lagu qiyaasay 5 magnitude.

Dhul-gariirkii ugu xoogganaa ee ka dhacay aagga Jabuuti ayaa cabirkiisa lagu sheegay 6.2.

Dhulgariirkii ugu dambeeyay ayaa laga diiwaan geliyay dalka Jabuuti saaka aroorti.

Dhul-gariirradii ugu weynaa ee laga diiwaan geliyo Jabuuti waxay kala ahaayeen

Dhul-gariirradii ugu weynaa ee ka dhacay Jabuuti

Danan: 5-tii Maarso 1992 waxaa Danan ka dhacay dhulgariir abaare 9:55 subaxnimo maalin Khamiis.

Tadjoura: Maalin Sabti ah abaare 9:41 subaxnimo, taarikhduba ku beegnayd Maarso 11, 1961 kaas oo cabirkiisu ahaa 6.2 magnitude.

Cali Sabiix: Abaare 7:16 subaxnimo 4-tii Janaayo 1960 ayaa waxaa Jabuuti laga diiwan geliyay dhulgariir cabirkiisu ahaa 6.1 magnitude.

Tadjoura: Dhulgariir cabirkiisu ahaa 5.9 magnitude ayaa bishii Abriil 11, 1994 ku dhuftay Tadjoura abaare 1:20 duhurnimo maalin isniin ah.

Tadjoura: Maalin Axad ah oo taariikhdna ahayd Abriil 1, 1973 abaare 8:12 subaxnimo ayaa Tadjoura waxaa ka dhacay dhulgariir cabirikiisu ahaa 5.9 magnitude.

Dhanka kale dowladda Soomaaliya iyo hay’addo caalami ah ayaa soo saaray ka digniino la xiriira masiibo kusoo socota shan magaalo oo Soomaaliyeed, oo ay ku nool yihiin dad badan.

Magaalooyinkaas oo u badan kuwa teedsan xeebaha ayaa qaarkood horey waxaa uga dhacay masiibooyin la mid ah kuwa laga digayo.

Magaalooyinkaas ayaa ku kala yaala Somaliland, iyo kuwa Koonfur Soomaaliya dhaca. Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland wax war ah kama aysan soo saarin iyadu arrinkan.

Laakiin Wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada ee Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa digniin u dirtay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool koonfurta dalka, iyadoo uga digtay khatarta duufaanta ElNino ee ka dhalan karta roobabka xooggan ee la filayo.

Magaalooyinkaas waxaa ka mid ah Boosaaso, Berbera iyo Kismaayo.

Maxaan ka ognahay duufaanta El Niño ee ay dowladdu ka digtay?

El Niño waa qaab cimilo oo qeexaysa kulaylka aan caadiga ahayn ee biyaha dusha sare. El Niño waxay saameyn ku leedahay heerkulka badda, xawaaraha iyo xoogga qulqulka badda. Dhacdooyinka El Niño waxay u dhacaan si aan joogto ahayn ama labo ilaa todoba sano gudahood. Waxa ay kalluumaysatada xeebaha Peru u aqoonsadeen in ay u egtahay biyo diirran oo aan caadi ahayn.

Magaalooyinka ay wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimilada ee Soomaaliya digniinta kasoo saartay ayaa waxa ay gaarayaan ilaa shan magaalo xeebeed oo ay kamid yihiin, Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo.

Mala saadaalin karaa dhulgariirka inta uusan dhicin kahor?

Khubarrada dhulka ayaa isku dayayay inay adeegsadaan qaabab casri ah oo lagu saadaalinayo dhulgariirka

Xaqiiqdii, sayniska saadaalinta dhulgariirka aad ayuu u adag yahay. Iyadoo aalaaba ay suurtogal tahay in la ogaado daqiiqad kadib dhacdada, waxaa adag in la ogaado calaamadaha laga eegayo dhulgariirka ee loo adeegsanayo saadaalinta.

Khubarrada dhulka ayaa isku dayayay inay adeegsadaan qaabab casri ah oo lagu saadaalinayo dhulgariirka tan iyo sanadihii 1960-meeyadii, balse wax guulo la taaban karo kama gaarin.

Sida ay qabaan khubarrada, tan waxaa loo aaneynayaa faham la’aanta hannaanka dhulka. Dhulka ayaa si joogto ah u sameeya dhawaaq, marka lagu daro tan aadmigu sameeyo sida gawaarida, shaqada dhismooyinka iyo nolosha maalinlaha ah, waxay adkeynayaan in la helo calaamado rasmi ah oo muuqda.

Sida ay qabto waaxda Geological Survey ee Mareykanka, saddex shey ayaa loo baahan yahay si loo saadaaliyo dhulgariirka: halka uu ka dhici doono, goorta uu dhici doono, iyo cabbirkiisa. Ila aiyo haatan, cidna sidaas ma sameyn karto xaqiiqdii.

Musiibadii dhowaan ka dhacday koofur-bari Turkiga iyo waqooyiga Suuriya

Taa beddelkeeda, khubarrada dhulka ayaa sameeya qiyaastooda ugu wanaagsan ee ku saabsan suurtogalnimada dhulgariir dhaca muddo sanado ah gudahood. Iyadoo qiyaastaas ay ka qeyb qaadato in qorshe la sii sameeyo sida hagaajinta dhismooyinka, haddana gacan kama geystaan saadaalin heer bulshada looga digo dhulgariirka si ay uga baxaan guryahooda.

Sidoo kalena dadka ku nool goobaha dhulgariirka dhammaantood ma heli karaan dhismooyinka iska celin kara dhulgariirka.

Saynisyahannada ayaa sidaa darted eegaya qaabab lagu sameeyo saadaalinta dhulgariirka oo sax ah. Waxay baarayaashu ku howlan yihiin dhinacyo badan sida dabeecadda xayawaannada iyo cilladaha korontada ee dhulalka sare.

Dhowaan, si kastaba, waxaa jiray in aad loo daneynayay awoodaha mashiinnada macmalka ah ee lagu ogaanayo calaamadaha dhulgariirka. Mashiinnadan ayaa falanqeyn kara xog ballaaran oo ku saabsan dhulgariirradii hore si ay u eegaan waxyaabo loo adeegsan karo saadaasha mustqbalka.

Saynisyahanno Shiinees ah, ayaa tusaale ahaan, sii baaray cillado koronto oo ku yimid sagxadda sare ee dhulka, maalmo kahor inta uusan dhicin dhulgariir. Koox uu hoggaaminayay Jing Liu oo ka tirsan Machadka Saadaasha Dhulgariirka ee Beijing ayaa sheegay inay baari karayeen cilladaha koronto ee sababay dhulgariirka ku dhuftay deegaanka Baja, ee gobolka California. Toban maalmood kahor inta aysan dhicin, horraantii April 2010.

Koox kale oo fadhigeedu yahay Israa’iil ayaa dhowaan sheegay inay awoodeen inay adeegsadaan mashiinnada macmalka ah si loo saadaaliyo dhulgariir baahsan oo dhaca 48 saacadood kahor iyadoo saadaashaas ay 83% run noqon karto.

XIGASHO: BBCSOMALI

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY