Home Blog Page 642

Sawirro: Dugsiga TurkSom oo maanta Ciidamada cusub tababar loogu soo xidhay

farmaajo tababar ciidan turksom 24072019 8

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tababar u soo xirayay Saraakiil iyo Saraakiil Xigeenno ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo muddo labo sanno ah lagu diyaarinayey Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TurkSom.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabbadda ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku biiraan Ciidamada Qalabka sida, iyagoo ay ka go’an tahay inay dalkooda ka difaacaan argagaxisada iyo cadawga u taagan dibindaabyada shacabka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hoosta ka xarriiqay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay dib u dhiska, qalabaynta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka, si loo helo ciidan Soomaaliyeed oo si buuxda ula wareega sugidda amniga dalka.

“Waxaad tihiin halyeeyada aan dooneyno in ay tiir u noqdaan ciidamo hanta amniga dalka, shacabkana ka samata bixiya dhibaatada ay ku hayaan argagixisadu. Si taas loo xaqiijiyo waa in aad ku tilmaamantihiin wadaniyad, dhaqan iyo anshax ciidannimo.”

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga daddaalka ay ku bixiyeen in saraakiishan lagu carbiyo dalka gudihiisa, waxa uuna xusay in xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya uu yahay mid ku dhisan walaaltinimo iyo saaxiibtinimo.

“Waa maalin taariikhi ah in saraakiishan dhallinyarada ah ay akaadimayad dalkeenna ku taal wax noogu bartaan, arrinkaas cidda kugu garab siin karta waa dowlad walaal iyo saaxiibtinimo qoto dheer ay inaga dhaxeyso. Waxaan uga mahadcelinaynaa Dowladda Turkiga sida ay noogu garab taagan yihiin in aan dib cagaheenna ugu istaagno.”

Munaasabaddan waxaa goobjoog ka ahaa Guddomiyeha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Wasiirka Kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed, Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Cabdi Xasan Maxamed, Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Mudane Francisco Madeira iyo qaar ka mid ah Diblomaasiyiinta ka hawlgala Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyey qaraxa gobolka iyo xaaladda Yariisow

xarunta gobolka banaadir

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya qaraxa ka dhacay xarunta gobolka Banaadir ayaa sheegaya inay jiraan dhimasho iyo dhaawac badan.

Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Injineer C/raxmaan Yariisoow ayaa la sheegay inuu dhaawac uu ka soo gaaray qarixi ka dhacay xaruunta dowladda hoose ee Muqdisho.

Warkan oo aan ka soo xigannay Radio Muqdisho ayaa sheegaya guddoomiye ku xigeenka Koobaad ee maamulka gobolka Benadir Mudane Tuuleh oo la hadlay Radio Muqdisho inuu shacabka gobolka Benadir uu ugu baaqay iney is dajiyaan.

Sidoo kale Guddoomiye Tuulah waxa uu xaqiijiyey iney jiraan dhaawac so gaaray Guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka banaadir qaarkood iyo Agaasimeyaasha dowladda hoose qaar ka tirsan.

Waxaa uu sheegay in falkan Argigixisadu geysteen uusan joojin doonin shaqada ay shacabka u hayaan islamarkaana Shacabka looga baahan yahay iney isku duubni muujiyaan.

Qaraxa ayaa ka dhacay xaruunta dowladda hoose ee magaalada Muqdisho ayaa dhacay xilli uu maamulka uga socday shir toddobaadla ah oo ay yeeshaan.

Qof ku sugnaa gudaha hoolka uu shirka ka socday oo BBC u warramay ayaa sheegay inuu maqlay jug culus oo gudaha hoolka ka dhacday, dabadeedna uu arkay dad fara badan oo dhaawa ah oo goobtaasi laga qaadayo sida oo kalana ay jiraan dad dhintay.

Dadki ku dhaawacmay qaraxaasina waxaa la geeyey isbitaalka Digfer oo hadda loo yaqaanno Erdogan.

Xaruunta gobolka Banaadir oo ah xaruun ammaankeeda si weyn loo adkeeyo ayaan weli la garan qasaaraha rasmiga ee qaraxaasi ka dhashay.

Qatar oo Kenya kula heshiineysa sahminta shidaalka badda

qatar petroleum

War ka soo baxay hay’adda arrimaha Shidaalka u qaabilsan Qatar ayaa lagu sheegay in heshiiska uu yahay mid Qatar u fududeynaya in ay galangal u yeelato seddax qeyb oo “Kenya xeebeheeda ah”.

Wasiirka Tamarta ee Qatar Sacad Sherida Al-Kaabi ayaa sheegay: “Aad Ayaan ugu faraxsannahay in aan qeyb ka noqono heshiiskan sahminta xeebaha Kenya iyo inaan sii xoojino joogitaankeena qaaradda Afrika.”

Heshiiskan waxaa qeyb ka ah shirkadaha shidaalka ee Eni iyo Total, sida ku qoran warka ka soo baxay dowladda Qatar.

“Waxaan jeclahay in fursadan aan uga faa’ideysto inaan u mahadceliyo maamulka Kenya iyo kuwa aan shaqo-wadaagga nahay, sida joogtada ah ee ay inoo taageeraan.”

Seddaxda qeyb ee badda waxay ku yaallaan “goobo aan horey loo sahmin oo dhanka bari ee Lamu ah, waana 15,000km oo isku wareeg ah”, ayaa ku xusan qoraalka.

“Heshiiska wuxuu u baahan yahay ogolaanshaha waafajinta xeerka gudaha ee dowladda Kenya”, ayaa ku xusan qoraalka dowladda Qatar.

Farmaajo oo eryay wafdigii ka socday Midowga Afrika ee dhexdhexaadinta muranka Badda waday

farmaajoiyo thabo mbeki

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan Madaxtooyada Soomaaliya ay ku yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo wafdi sare oo ka socday Midowga Afrika oo dhowaan soo  gaaray magaalada Muqdisho.

Kulankaan oo ujeedkiisa lagu sheegay sidii loo xalin lahaa Xiisadda Diblomaasiyadeed ee ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya ayaa la sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu u bandhigay Aragtida iyo go’aanka Soomaaliya oo ahaa mid aad u qaraar.

Thabo Mbeki, Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika oo wafdigaasi ka socday Midowga Afrika ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ka dalbaday in dalalka Kenya iyo Soomaaliya arintooda ay galaan Madaxda Midowga Afrika balse arintaas laga diiday.

“Madaxweynaha waxa uu u sheegay wafdigii AU in uusan gorgortan ka galayn arimaha badda balse uu diyaar u yahay in uu wada-hadal ka galo Xiriirka iyo wadashaqaynta labada dal” ayuu yiri qof sare oo ka tirsan Villa Somalia islamarkaana la hadlay Caasimada Online.

“Madaxweynaha ayaa wafdigaan u sheegay in Soomaaliya ay sugayso jawaabto Maxkamadda ICJ balse wixii kale ee aan qoseynin arimaha Badda iyo kiiska Dacwada ay Soomaaliya diyaar u tahay in ay kala hadasho Kenya” ayuu hadalkiisa sii raaciyay qofkaan aan la hadalnay oo codsaday inaan la magacaabin.

Wafdigii ka socday Midowga Afrika ee dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho waxay hore u soo mareen magaalada Nairobi ee xarunta dalka waxayna kulamo la soo qaateen Madaxweynaha dalkaasi iyo Wasiirka Arimaha dibadda Kenya iyagoo sheegay in ay kawada hadleen Arimaha amaanka, xasilooniada iyo Arimaha Badda iyo xaaladda gobalka.

Madaxweyne Farmaajo oo u hambalyeeyey Raysal Wasaaraha cusub ee UK

farmaajo iyo boris Johnson

Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa ka hadlay raysal wasaaraha cusub ee loo doortay dalka UK.

Madaxweyne Farmaajo ayaa fariin uu ku baahiyey bogiisa Twitter-ka waxa uu ugu hambalyeeyey raysal wasaaraha cusub ee UK Boris Johnson.

Madaxweyne Farmaajo ayaa fariintiisa ku yidhi “Hambalyo ayaan u dirayaa Boris Johnson oo loo doortay raysal wasaaraha cusub ee UK.”

Sidoo kale madaxweyne Farmaajo oo qoraalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Waxaan ku rajaynayaa inaad wanaag ku bilawdo hogaaminta 10 Downing Street, Waxaanu sugaynaa inaanu kula shaqayno si aynu u gaadhno mustaqbal weyn oo aan u rajaynayo wadamadeena.”

Boris Johnson oo ku guuleystay Raiisal Wasaaraha cusub ee Ingiriiska

boris johnson

Xoghayihii Arimaha iDbada Ingiriiska Boris Johnson ayaa ku guulaystay inuu noqdo raysal wasaaraha cusub ee dalkaasi.

Doorashadii ugu dambaysay ee xisbiga Conservatives ku dooranayey hogaankiisa ayuu ka helay Mr Boris Johnson 66% taas oo uu kaga guulaystay murashaxii la tartamayey ee Jeremy Hunt.

Raysal wasaaraha cusub ee dalka Ingiriiska Boris Johnson ayaa markii lagu dhawaaqay natiijada codaynta waxa uu ka hadlay guusha uu gaadhay ee uu hogaanka ugu qabanayo dalka ingiriiska iyo xisbiga Conservatives-ka.

Mr Boris Johnson oo ka dib guusha uu gaadhay la hadlay warbaahinta ayaa sida ay Dailly Mail ku warantay waxa uu balanqaaday inuu sii dardar gelin doono heshiiska UK ay doonayso inay kaga baxdo midawga Yurub, isaga oo sheegay in xisbigiisu doonayo inuu xidhiidh dhaw la yeesho midawga yurub ka dib marka ay dawlada UK gaar u istaagto.

Sidoo raysal wasaaraha cusub ee UK waxa uu balanqaaday in hogaamintiisu ay midayn doonto bulshada ku qaybsantay heshiiska lagaga baxayo midawga yurub.

Dhinaca kale madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa hambalyeeyey raysal wasaaraha cusub ee Ingiriiska Boris Johnson kaas oo uu u sheegay inuu u rajaynayo shaqo wanaagsan.”

Sidoo kale Michel Barnier oo midawga yurub u qaabilsan wada hadalka UK ayaa sheegay inuu doonayo in hab wax dhisaya ula shaqeeyo raysal wasaaraha cusub si heshiiska ka bixitaanka midawga yurub ee UK aanu wax caqabad ah ula kulmin.

New York Times: Qatar iyo Al-Shabaab oo ka wada shaqeeyey qarax ka dhan ahaa Imaaraadka Carabta

Emir H H Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani

Ganacsade xiriir la leh amiirka Qatar ayaa safiirka Qatar ee Soomaaliya u sheegay in weerar ka dhan ah Imaaraadka Carabta bishii May laga fuliyey magaalada Boosaaso, ayada oo loogu daneynayo Qatar, waxaa sidaas weriyey wargeyska New York Times.

Sida lagu sheegay warbixinta New York Times, cod uu helay wargeyska oo ah wada-sheekeysi taleefon, ayaa waxaa laga maqlay, Khalifa Kayed al-Muhanadi oo safiirka Qatar ee Soomaaliya Hassan bin Hamza Hashem ku dhahaya “waan ognahay cidda ka dambeysay qaraxyada iyo dilalka.”

Al-Muhanadi ayaa sheegay in qaraxyada loo fuliyey “si loogu qasbso Imaaraadka Carabta inay ka cararaan Boosaaso.”

“ha cayriyaan Imaaraadka, sidaas darteed ma cusbooneysiin doonaan qanadaraaska [DP World ee dekedda Boosaaso], waxaana qandaraaska keeni doonaa halkan Doxa” ayuu yiri Al-Muhanadi.

Safiirka ayaa kadib u sheegay ganacsade Al-Muhanadi in weerarada loo fuliyey si Imaaraadka loogu qabso inay ka cararaan Soomaaliya.”

“Saaxiibadeena ayaa ka dambeeyey weerarkii ugu dambeeyey” ayuu ku jawaabay Al-Muhanadi.

Mar ay New York Times wax ka weydiisay codka la helay, Al-Muhanadi iyo dowladda Qatar midna ma beenin sax ahaanshaha wada-hadalka taleefon, oo ay si sir ah u duubeen sirdoonka dowlad kale.

Inta uu socday wada-hadalka, ganacsadaha reer Qatar ayaa safiirka u sheegay inuu xiriir la leeyahay xubnaha ka tirsan qoyska madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo ka caawin doona in heshiiska dekekdda Boosaaso laga soo wareejiyo shikadda DP World ee Imaaraadka laguna beddelo shirkad Qatari ah.

Safiirka Qatar ee Soomaaliya, Hassan bin Hamza Hashem oo ay xiriir la sameysay New York Times ayaa beeniyey inuu ganarayo Al-Muhanadi, wuxuuna damiyey taleefonka.

“Waxaan ahay nin howl gab iyo ganacsade ah…mana ma talo dowlad” ayaa laga soo xigtay Al-Muhanadi.

Dowladda Qatar ayaa sidoo kale sheegtay inaysan faro-gelin arrimaha dalalka madax banaan, islamarkaana cid kasta oo sidaas sameysay aysan ka wakiil ka ahayn dowladda.

Maxkamada Boosaaso oo sii deysay guddigii loo xiray inay lacag ka qaateen DF

maxkamada boosaaso sheekh maxamed

Waxaa maanta dib xoriyadooda u helay qaar ka mid ah xubnihii gudigga dayactirka wadada magaalada Boosaaso kuwaas oo dhawaan xabsiga loo taxaabay ka dib markii ay lacag usoo dirtay dawlada federaalka ah ee Soomaaliya taas oo loogu talagalay horumarinta Magaalada Boosaaso.

Gudigga ayaa maanta lasoo taagay maxkamada derajada koowaad ee Magaalada Boosaaso taas oo dib xoriyadooda u siisay.

Guddiga oo shir jaraaid qabtay sii dayntooda ka dib waxay sheegeen in si wanaagsan loola dhaqmay ayna diyaar u yihiin inay sii wadaan dhamaystirka mashruucaas.

Waxay ummada soomaaliyeed iyo kuwa reer Puntland ugu baaqeen in ay midoobaan oo gacmaha is qabsadaan.

Maxkamada ayaa maanta xukuntay in lacagta hartay ay dawladu maamuli doonto, gudigguna waxay sheegeen in duqa degmada Boosaaso uu iyaga digreeto ku magacaabay ayna wada-shaqayn doonaan.

Beesha caalamka oo bogaadisay xaaladda Galmudug ee soo wanaagsanaanaysa

beesha caalamka2

Xubnaha beesha caalamka oo shalay booqasho ku tegay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa war ka soo saaray xaaladda Galmudug, gaar ahaan shirka dib u heshiisiinta iyo doorashada.

Ugu horreyn beesha caalamka ayaa boggaadisay dadaallada mirodhalka ah oo uu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ka wado halkaasi.

Sidoo kale waxa ay sheegeen inay rajo wanaagsan ka qabaan in dhawaan uu qabsoomo shirka dib u heshiisiinta beelaha Galmudug.

Qoraalkan ayey sidoo kale ku sheegeen inay filayaan in doorashada dowlad goboleedka Galmudug ay u dhacda qaab xor iyo xalaal ah .

“Taasi waxay horseedeysaa in la helo dowlad oo leh maamul mideysan oo ka shaqeeya rabitaanka shacabka.” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay beesha caalamka.

Safiirada fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho iyo wakiillada QM, Midowga Africa iyo IGAD ayaa ugu dambeyn ka mahadceliyey sidii diiraneyd ee loogu soo dhoweeyey magaalada Dhuusamareeb xarunta gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Dhawaan ayaa la filayaa in doorashada Madaxweynaha iyo mida Baarlamaanka Galmudug lagu qabto halkaasi, inkastoo ay weli jiraan caqabado fara badan.

Mareykanka oo soo saaraya sharci fududeynaya musaafurinta muhaajiriinta

dayar soogalooti

Dowladda Mareykanka ayaa soo saareysa sharci cusub oo si deg deg ah dalka looga musaafurinayo muhaajiriinta aan haysan dukumeentiyo ay dalka ku joogaan, iyada oo musaafurintooda aan loo marin maxkamadaha dalkaasi.

Sharcigan cusub ayaa fududeynaya in la musaafuriyo muhaajiriinta aan sharciyada wadan isla markaana aan caddayn karin in si toos ah ay Mareykanka u joogeen muddo ka badan laba sano.

Maanta oo Talaada ah ayaa la filayaan in la soo saaro sharcigan isla markaana si buuxda looga dhaqangeliyo dalka oo dhan.

Haseyeeshee ururka xaquuqul insaanka ee dalkaasi Mareykanka ee ACLU ayaa shaaciyay in uu qorsheynayo in maxkamadaha dalkaasi uu horgeeyo dacwad ka dhan ah sharcigaasi.

Sharcigan ayaa ku soo beegmaya xilli xaalad adag ay ka jirto xeryaha muhaajiriinta lagu hayo ee ku yaal xudduudda koonfureed ee Mareykanka la leeyahay Mexico.

Dadka falanqeeya siyaasadda dalka Mareykanka ayaa waxay sheegayaan in madaxweyne Trump uu doonayo in mowqif adag uu ka qaato sidii loo xaddidi lahaa mujaahiriinta imaanaya dalkiisa, arrintaa oo uu uga golleeyahay in uu ku xoojiyo ololihiisa uu ku doonayo in mar labaad dib loo soo doorto sanadka 2020-ka.

Maxaa isbadalay?

Horaan waxaa musaafuris halis ugu jiray dadka muhaajiriinta ahi ee ku nool deegaannada ilaa 160km u jira xudduudda ee dalkaasi Mareykanka joogay wax ka yar laba usbuuc.

Muhaajiriinta ku nool deegaannada kale ama dalkaasi joogay in kabadan laba usbuuc ayay ahayd in musaafuritooda loo maro maxkamadaha dalkaasi, isla markaana ay tahay in ay helaan garyaqaanno difaaca.

Balse sharcigan cusub ayaa dhigaya in dadka muhaajiriinta ahi si deg deg ahi dalka looga dhoofin karayo iyada oo aan loo eegeyn halka ay ku nool yihiin, waxaana suurtagal ah in aysan helin qareenno u dooda.

Waaxda ammaanka gudaha ee Mareykanka ayaa sheegtay in sharcigan cusub uu u ogolaanayo in si deg deg ahi ay u soo qabqabato muhaajiriin aad u badan.

Sidee baa looga falceliyay sharcigan?

Ururka xaquuqul insaanka ACLU ee dalkaasi Mareykanka ayaa bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay in maxkamadaha dalakasi uu ka billaabayo loolan ka dhan ah sharcigaasi.

“Waxaanu si deg deg ah maxkamadda u horgeyn doonaa dacwad ka dhan ah dedaallada Trump uu ku donayo in tiro badan oo muhaajiriin ahi uu dalka ka musaafuriyo,” ayaa lagu yiri qoraal uu Twitter-ka soo dhigay ururkan.

“Dadka muhaajiriinta ah ee muddada sanaddada ahi halkan ku noolaa ayaa noqonaya kuwo aan xuquuq lahayn oo si fudud dalka looga musaafuriyo. Qorshahaasi ayaa ah mid sharcidarro ah.”

Jackie Stevens oo ah garyaqaab isla markaana ku takhasustay cilmiga siyaasadda oo ka tirsan jaamacadda Northwestern University ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegtay in 1% dadka u xiran laanta socdaalka iyo 0.5% dadka dalka laga musaafuriyay ay yihiin muwaadiniin Mareykan ah.

“Musaafurintan deg degga ahi ayaa xaaladda uga sii dari doonta,” ayay tiri Jackie Stevens.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY