Beesha caalamka oo bogaadisay xaaladda Galmudug ee soo wanaagsanaanaysa

beesha caalamka2

Xubnaha beesha caalamka oo shalay booqasho ku tegay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa war ka soo saaray xaaladda Galmudug, gaar ahaan shirka dib u heshiisiinta iyo doorashada.

Ugu horreyn beesha caalamka ayaa boggaadisay dadaallada mirodhalka ah oo uu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ka wado halkaasi.

Sidoo kale waxa ay sheegeen inay rajo wanaagsan ka qabaan in dhawaan uu qabsoomo shirka dib u heshiisiinta beelaha Galmudug.

Qoraalkan ayey sidoo kale ku sheegeen inay filayaan in doorashada dowlad goboleedka Galmudug ay u dhacda qaab xor iyo xalaal ah .

“Taasi waxay horseedeysaa in la helo dowlad oo leh maamul mideysan oo ka shaqeeya rabitaanka shacabka.” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay beesha caalamka.

Safiirada fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho iyo wakiillada QM, Midowga Africa iyo IGAD ayaa ugu dambeyn ka mahadceliyey sidii diiraneyd ee loogu soo dhoweeyey magaalada Dhuusamareeb xarunta gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Dhawaan ayaa la filayaa in doorashada Madaxweynaha iyo mida Baarlamaanka Galmudug lagu qabto halkaasi, inkastoo ay weli jiraan caqabado fara badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here