New York Times: Qatar iyo Al-Shabaab oo ka wada shaqeeyey qarax ka dhan ahaa Imaaraadka Carabta

Emir H H Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani

Ganacsade xiriir la leh amiirka Qatar ayaa safiirka Qatar ee Soomaaliya u sheegay in weerar ka dhan ah Imaaraadka Carabta bishii May laga fuliyey magaalada Boosaaso, ayada oo loogu daneynayo Qatar, waxaa sidaas weriyey wargeyska New York Times.

Sida lagu sheegay warbixinta New York Times, cod uu helay wargeyska oo ah wada-sheekeysi taleefon, ayaa waxaa laga maqlay, Khalifa Kayed al-Muhanadi oo safiirka Qatar ee Soomaaliya Hassan bin Hamza Hashem ku dhahaya “waan ognahay cidda ka dambeysay qaraxyada iyo dilalka.”

Al-Muhanadi ayaa sheegay in qaraxyada loo fuliyey “si loogu qasbso Imaaraadka Carabta inay ka cararaan Boosaaso.”

“ha cayriyaan Imaaraadka, sidaas darteed ma cusbooneysiin doonaan qanadaraaska [DP World ee dekedda Boosaaso], waxaana qandaraaska keeni doonaa halkan Doxa” ayuu yiri Al-Muhanadi.

Safiirka ayaa kadib u sheegay ganacsade Al-Muhanadi in weerarada loo fuliyey si Imaaraadka loogu qabso inay ka cararaan Soomaaliya.”

“Saaxiibadeena ayaa ka dambeeyey weerarkii ugu dambeeyey” ayuu ku jawaabay Al-Muhanadi.

Mar ay New York Times wax ka weydiisay codka la helay, Al-Muhanadi iyo dowladda Qatar midna ma beenin sax ahaanshaha wada-hadalka taleefon, oo ay si sir ah u duubeen sirdoonka dowlad kale.

Inta uu socday wada-hadalka, ganacsadaha reer Qatar ayaa safiirka u sheegay inuu xiriir la leeyahay xubnaha ka tirsan qoyska madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo ka caawin doona in heshiiska dekekdda Boosaaso laga soo wareejiyo shikadda DP World ee Imaaraadka laguna beddelo shirkad Qatari ah.

Safiirka Qatar ee Soomaaliya, Hassan bin Hamza Hashem oo ay xiriir la sameysay New York Times ayaa beeniyey inuu ganarayo Al-Muhanadi, wuxuuna damiyey taleefonka.

“Waxaan ahay nin howl gab iyo ganacsade ah…mana ma talo dowlad” ayaa laga soo xigtay Al-Muhanadi.

Dowladda Qatar ayaa sidoo kale sheegtay inaysan faro-gelin arrimaha dalalka madax banaan, islamarkaana cid kasta oo sidaas sameysay aysan ka wakiil ka ahayn dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here