Farmaajo oo eryay wafdigii ka socday Midowga Afrika ee dhexdhexaadinta muranka Badda waday

farmaajoiyo thabo mbeki

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan Madaxtooyada Soomaaliya ay ku yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo wafdi sare oo ka socday Midowga Afrika oo dhowaan soo  gaaray magaalada Muqdisho.

Kulankaan oo ujeedkiisa lagu sheegay sidii loo xalin lahaa Xiisadda Diblomaasiyadeed ee ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya ayaa la sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu u bandhigay Aragtida iyo go’aanka Soomaaliya oo ahaa mid aad u qaraar.

Thabo Mbeki, Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika oo wafdigaasi ka socday Midowga Afrika ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ka dalbaday in dalalka Kenya iyo Soomaaliya arintooda ay galaan Madaxda Midowga Afrika balse arintaas laga diiday.

“Madaxweynaha waxa uu u sheegay wafdigii AU in uusan gorgortan ka galayn arimaha badda balse uu diyaar u yahay in uu wada-hadal ka galo Xiriirka iyo wadashaqaynta labada dal” ayuu yiri qof sare oo ka tirsan Villa Somalia islamarkaana la hadlay Caasimada Online.

“Madaxweynaha ayaa wafdigaan u sheegay in Soomaaliya ay sugayso jawaabto Maxkamadda ICJ balse wixii kale ee aan qoseynin arimaha Badda iyo kiiska Dacwada ay Soomaaliya diyaar u tahay in ay kala hadasho Kenya” ayuu hadalkiisa sii raaciyay qofkaan aan la hadalnay oo codsaday inaan la magacaabin.

Wafdigii ka socday Midowga Afrika ee dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho waxay hore u soo mareen magaalada Nairobi ee xarunta dalka waxayna kulamo la soo qaateen Madaxweynaha dalkaasi iyo Wasiirka Arimaha dibadda Kenya iyagoo sheegay in ay kawada hadleen Arimaha amaanka, xasilooniada iyo Arimaha Badda iyo xaaladda gobalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here