Maxkamada Boosaaso oo sii deysay guddigii loo xiray inay lacag ka qaateen DF

maxkamada boosaaso sheekh maxamed

Waxaa maanta dib xoriyadooda u helay qaar ka mid ah xubnihii gudigga dayactirka wadada magaalada Boosaaso kuwaas oo dhawaan xabsiga loo taxaabay ka dib markii ay lacag usoo dirtay dawlada federaalka ah ee Soomaaliya taas oo loogu talagalay horumarinta Magaalada Boosaaso.

Gudigga ayaa maanta lasoo taagay maxkamada derajada koowaad ee Magaalada Boosaaso taas oo dib xoriyadooda u siisay.

Guddiga oo shir jaraaid qabtay sii dayntooda ka dib waxay sheegeen in si wanaagsan loola dhaqmay ayna diyaar u yihiin inay sii wadaan dhamaystirka mashruucaas.

Waxay ummada soomaaliyeed iyo kuwa reer Puntland ugu baaqeen in ay midoobaan oo gacmaha is qabsadaan.

Maxkamada ayaa maanta xukuntay in lacagta hartay ay dawladu maamuli doonto, gudigguna waxay sheegeen in duqa degmada Boosaaso uu iyaga digreeto ku magacaabay ayna wada-shaqayn doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here