Madaxweyne Farmaajo oo u hambalyeeyey Raysal Wasaaraha cusub ee UK

farmaajo iyo boris Johnson

Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa ka hadlay raysal wasaaraha cusub ee loo doortay dalka UK.

Madaxweyne Farmaajo ayaa fariin uu ku baahiyey bogiisa Twitter-ka waxa uu ugu hambalyeeyey raysal wasaaraha cusub ee UK Boris Johnson.

Madaxweyne Farmaajo ayaa fariintiisa ku yidhi “Hambalyo ayaan u dirayaa Boris Johnson oo loo doortay raysal wasaaraha cusub ee UK.”

Sidoo kale madaxweyne Farmaajo oo qoraalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Waxaan ku rajaynayaa inaad wanaag ku bilawdo hogaaminta 10 Downing Street, Waxaanu sugaynaa inaanu kula shaqayno si aynu u gaadhno mustaqbal weyn oo aan u rajaynayo wadamadeena.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here