Home Blog Page 649

Safiirkii Britain ee ay Trump is af dhaafeen oo iscasilay

Sir Kim Darroch

Safiirka Ingiriiska ee u fadhiya dalka Mareykanka, Sir Kim Darroch ayaa is xilka iska casilay kaddib markii uu khilaaf dhexmaray isaga iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Axaddii ayay aheyd markii ay bannaanka usoo baxeen Emailo muujinayaa aragtida uu safiirka ka qabo maamulka Trump, isaga oo ku tilmaamay mid qalalaase ka samaysan, islamarkaasna ay wax badan ka qaldanyihiin.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shalay ayaa ku tilmaamay safiirka inuu yahay qof doqon oo maraan ah.

“Safiirka waalan ee UK ee sanka laga galiyay Maraykanka ma ahan qof aan ku faraxsanahay, waa mid doqonimada ay ka tan badatay” ayuu ku yiri bartiisa Twitter-ka.

Madaxweyne Deni oo Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Ergayga Midow-ga Europe ee Soomaaliya

deni iyo eu

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Ergayga Midow-ga Europe ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Ergayga Midowga Europe uu dhowaan usoo magacaabay Soomaaliya Ambassador Nicolas Berlanga Martinez iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ay ka midyihiin ku xigeenkiisa Fulgencio Garrido Ruiz oo hada xafiiska baneenaya iyo Masuuliyiin kale.

Kulanka ay yeesheen Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Ergayga Midowga Europe Ambassador Martinez, waxaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya gaar ahaan Puntland sida Amniga, Siyaasada, Mashaariicda Horumarineed ee Midowga Europe ka fuliyo Puntland iyo arrimaha bani’aadantinimada.

Waxaan Puntland hadaan nahay u sheegnay una cadeynay inaan marwalba diyaar unahay inaan qeyb libaax-leh ka qaadano dib-udhiska Soomaaliya, ku dhisan Midnimadii Soomaaliya, ku dhisan Nidaamka Federaaliga ah ee ay qaadatay. Waxaan marwalbo rajeynaynaa in Puntland doorkeedu uu caddaado, dadkeeda ay u adeegto, Soomaaliya ay ka qeybqaadato sidii horumar waara ay u gaari lahayd oo ku dhisan Nidaam iyo Sharci, iyadoo la tixgelinayo marxaladaha Siyaasadeed ee hada la marayo, Waxaan rajeynaynaa in muddada uu joogo uu qeyb ka qaadan doono dhismaha Siyaasada, Amniga iyo dhaqaalaha dalka Soomaaliya” Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya Ambassador Nicolas Berlanga Martinez ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Dowladda Puntland soo dhoweynta, Wafdiga Midowga Europe ka socda ayaa inta ay socdaalka ku joogaan Garoowe, waxaa ay kulamo la qaadanayaan Wasaaraddaha Maaliyadda iyo Qorsheynta oo ay kala hadli doonaan Mashaariicda socda ee Midowga Europe fulinayo iyo kuwa cusub ee la qorsheynayo.

Madaxweyne Deni waxaa kulanka ku weheliyay Wasiirka Amniga Cabdisamad Galan, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare Cabdullaahi Maxamed Xasan, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdiraxmaan Caydiid Ibraahim, Agaasimaha Madaxtooyada Dowladda Puntland Maxamed Cabdiladiif iyo Afhayeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland Jaamac Dabaraani.

DAAWO:

Dagaal ka bilaabmay deegaanka Dhoob 45km Ceerigaabo dhinaca Bari kaga beegan

caarre iyo taani

Wararka laga helayo magaalada Ceerigaabo ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland ay dagaal kula jiraan jabhadii Kornayl Caare oo soo gaadhay deegaanka Dhoob oo 45km dhinaca bari kaga beegan magaalada Ceerigaabo.

Dagaalkan ayaa yimid ka dib markii ay ciidamada Somaliland hor istaageen jabhada kornayl Caare oo doonayey inay dhufays dagaal ka samaystaan buurta Daallo isla markaana ay galaan aaga ka ag dhaw buurtaasi.

Dagaalka oo socda awgii Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi ay iskaga horyimaadeen ciidamada Somaliland iyo kooxda uu hogaamiyo Col Caare.

Sidoo kale wararka ka imanaya magaalada Ceerigaabo ayaa sheegaya in rabshado ay ka socdaan gudaha magaalada Ceerigaabo, waxaanay wararku sheegayaan in Ciidamada amaanku ay rasaas u adeegsanayaan shacabkaasi si ay u kala eryaan oo xaalada magaaladu ay caadi ugu soo noqoto.

Dhinaca kale xukuumada Somaliland ayaan ilaa hada ka hadal colaadaha ka soo cusboonaaday deegaanka Ceel Afweyn iyo dagaalada dhexmaraya kooxda Kornayl Caare iyo ciidamada qaranka somaliland

James Swan oo Puntland iyo Somaliland ugu baaqay inay dejiyaan khilaaf Sool, Sanaag iyo dagaalka Tukaraq

deni iyo james swan

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya (UNSOM,) oo looga warbixiyay socdaalkii shalay uu Garoowe ku yimid wakiilka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, ayaa lagu amaanay doorka shariifka ah ee madaxdii kala dambaysay ee Puntland ay ka ciyaartay, dib u-dhiska dowlanimada Soomaaliya iyo hirgelinta hannaanka Federaalka tan iyo markii la aas’aasay Puntland sannadkii 1998-dii.

Wuxuu doortay in Garowe ay noqoto halka ugu horreyso ee uu booqdo ee ka baxsan magaalo madaxda qaranka sababtoo ah Puntland waxaa dhidibada loo aasay 1998-kii, taas oo ka dhigeysa dowlad goboleedka ugu faca weyn Soomaaliya ee federal ah. Madaxdeedu waxay dowr muhiim ah ka cayaareen oo ay gacan ka geysteen horumarka socdo ee hanaanka federaalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed Af-Soomaali ku qoran oo ka soo baxay UNSOM.

War-saxaafadeedka waxaa kale oo lagu sheegay, in Mr Swan uu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay shaqada hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay ay ka hayaan degaannada Puntland oo isugu jira kaalmada banii’aadanimo ee xaaladaha deg deg ah iyo mashaariicda horumarineed ee mudada dhexe iyo mudada fog, waxaana lagu xusay in hawlgallada Qaramada Midoobay iyo sanduuqyadeeda maal-gelinta ay gacan ka geysteen dadaallada lagu horumarinayo hay’adaha dowladda Puntland iyo sarreynta sharciga.

Md. Swan ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda iyo ku-haboonaanta ay leedahay shaqada bahda QM ay hawlo kala-duwan oo ballaaran uga hayaan Puntland, hawlahaas oo iskugu jira kaalmada bani’aadanimo ee xaaladaha degdega ah ilaa mashaariicda horumarineed ee muddada dhexe iyo muddada fog. Hawlgallada QM iyo hay’adeheeda, sanduuqyadeeda maal-gelinta, iyo barnaamijyadeeda waxay gacan ga geysteen dadaallada ay hay’adaha Puntland ku horumarinayaan tayada hay’adaha, ku xoojinayaan sarreynta sharciga, ku hagaajinayaan horumarinta waaxda hab-nololeedka (livelihood sector), ku fududaynayaan dib-u-heshiisiinta siyaasadeed, iyo hawlaha kaleba” ayuu sii raaciyay war-saxaafadeedka.

Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa lagu soo qaaday xiisadda u dhexaysa Puntland iyo Somaliland ee ka jirta gobollada Sool iyo Sanaag, taasi oo ay shalay ka wada-hadleen madaxweynaha Puntland iyo wakiilka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, waxaana sida war-saxaafadeedka ku cad uu Mr Swan walaac ka muujiyay xiisadda sii kordhaysa ee ka aloosan Sool iyo Sanaag, isagoo madaxda Puntland iyo Somaliland ku boorriyay in ay xal u raadiyaan khilaafkaasi.

DAAWO JAMES SWAN IYO DENI:

Al-shabaab oo guddoomiye cusub u magacowday magaalada muqdisho

shabaab2

Xarakada Al-shabaab ayaa guddoomiye cusub u soo magacowday magaalada Muqdisho kadib markii duqeyn lagu dilay mas’uulkii hore ugu qaabilsanaa magaaladaasi.

Al-shabaab ayaa laga soo xigtay in guddoomiyaha cusub ee magaalada Muqdisho loo magacaabay Daahir Macallin Salaad oo sida la sheegayo hore uga tirsanaa waaxda Sirdoonka ee Al-shabaab.

Guddoomiyihi hore Al-shabaab u qaabilsanaa magaadada Muqdisho iyo guud ahaan gobolka Banaadir Cali Maxamed Xuseen oo ku magac dheeraa (Cali Jabal) ayaa la sheegay in duqeyn lagu dilay sannadkii 2017.

Al-shabaab ayaa maamul ahaan laga saaray magaalada Muqdisho sannadkii 2011-kii balse waxay weli ka fuliyaan dilal qorshaysan iyo qaraxyo ay ku dhinteen boqollaal ruux.

Maxamed Kaahinow hadaad dalka rajo ka leedahay iscasil (Daawo Xildhibaan Nacnac)

xildhibaan nacnac

Madaxwayne xilka ka qaad Wasiirka Arimaha Gudaha (Daawo Xildhibaan Nacnac).

Trump iyo Theresa May oo ay ka dhex tolatay

trum iyo theresa may

Xafiiska Downing Street ee looga taliyo dalka Ingiriiska ayaa war murtiyeed laga soo saaray lagu sheegay in Ra’isulwasaaraha Britain Theresa May ay kalsooni buuxda ku qabto safiirka u fadhiya Maraykanka, inkasta oo madaxweynaha dalkaas Donald Trump uu sheegay in uusan la shaqayn doonin Sir Kim Darroch.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa ka jawaabayay emailo banaanka usoo baxay oo muujinayay aragtida uu safiirka ka qabo maamulka Trump, isaga oo ku tilmaamay mid qalalaase ka samaysan, islamarkaasna ay wax badan qaldanyihiin.

Trump oo hadaladaas xanafta leh ka xanaaqay ayaa carab dalab leh u isticmaalay Ra’isulwasaare May, isaga oo sheegay in ay si xun u maamushay barnaamijka ka bixitaanka Yurub ee Britain, islamarkaasna ay diiday tallooyin uu siiyay.

Afhayeen u hadlay Britain ayaa sheegay in xiriirka labada dal uu yahay mid wanaagsan, wararka lasoo gudbiyayna ay yihiin kuwa si gaar ah looga soo dhex xushay waxyaabo badan.

Mr Trump iyo safiirka UK ee Maraykanka Sir Kim Darroch
Mr Trump iyo safiirka UK ee Maraykanka Sir Kim Darroch

Theresa May ayaa safiirka ku tilmaamtay nin daacad ah oo runta ka sheega waxa uu arko ama dareemo.

Hadalka Trump ee ah ‘lama shaqayn doono Kim’ ayaa ka dhignaan kara in danjiraha si rasmi ah looga eryay Maraykanka, lana siiyay waxa loo yaqaano Persona Non Grata.

Hase yeeshee safiirka waxa muddo xilleedkiisii uga haray muddo bilo ah.

Danjire Kim oo Washington fariistay 2016-kii, sannad ka hor markii Trump la doortay ayaa emailada ku sheegay in Aqalka Cad uusan mardambe noqon doonin meel si hufan shaqada loogu guto, isaga oo muujiyay sawir ah qalalaase iyo jiho wareer joogto ah oo halkaas ka jira.

Durba waxa ay u egtahay in hadalka Trump uu furey iyada oo safiirka aanan lagu casuumin casho sharaf Aqalka Cad loogu sameeyay Amiirka Qatar.

Waxaa jira kulan kale oo qorsheysan oo safiirka uu ku arkayo gabadha Trump, haddii aanan isna laga hor istaagin.

Gudaha Ingiriiska, wararkan warbaahinta kusoo baxay ayaa booliiska laga codsaday in ay baaraan sidii ay u baxeen.

Baarlamaanka Puntland oo ansixiyey xeerar lagu yaraynayo ganacsiga Somaliland iyo Puntland

baarlamaanka puntland2

Golaha wakiilada dowladda Puntland, ayaa shalay oo Isniin ahayd cod aqlabiyad leh ku mamnuucay in Konteenarada laga soo dejiyo dekedda Berbera ee Somaliland, la keeno degaannada Puntland.

Golaha ayaa sheegay in Konteenarada laga soo dejiyo Berbera ay curyaamin ku yihiin, dekedda magaalada Boosaaso oo laf dhabar u ah ganacsiga Puntland.

Baarlamanka ayaa sidoo kale u codeeyay, in canshuur xad-dhaaf ah oo u dhiganta 500% la saaro, badeecadaha aan daruuriga ahayn ee ka yimaada Somaliland.

Go’aanka Golaha wakiilada Puntland ayaa ku soo beegmay, iyadoo todobaadkii hore ay Wasaaradda Maaliyadda Puntland canshuur laba-jibbaaran ah saartay badeecadaha aan daruuriga ahayn ee ka yimaada Somaliland.

Dikreeto 29-june-2019 ka soo baxday xafiiska Wasiirka Maaliyadda Puntland, ayaa lagu amray in badeecadaha aan daruuriga ahayn ee ka yimaada Somaliland laga qaado, canshuur laba-jibbaaran oo u dhiganta 200%.

Go’aanka wasaaradda ayaa lagu sheegay mid lagu ilaalinayo xuquuqda ganacsatada Puntland, islamarkaana lagu yareynayo ganacsiga aan muhiimka ahayn ee Puntland kaga soo furan dhinaca Somaliland.

Xisbiga Waddani oo colaada Ceel-Afweyn ku dhaliilay Xukuumadda, Wasiirka A Gudahana ugu baaqay inuu iscasilo

Xisbiga Mucaaridka ee Waddani oo colaada Ceel-Afweyn ayaa si adag ugu dhaliilay Xukuumadda, isagoo si gaar Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin ugu baaqay inuu iscasilo.

DAAWO AFHAYEENKA WADDANI:

Feyraska ka dhasha Hergebka oo lagu daweyn karo Kansarka ku dhaca kaadi heyska

kaadi mareen

Feyraska ka dhasha Hergebka ayaa waxaa uu dili karaa Kansarka ku dhaca kaadi heyska, sida ay muujineyso daraasad la sameeyay.

Tijaabada qaar ee lagu sameeyay bukaanno qaar ayaa muujineysa in Feyraska Hergebka uu dilay dhammaan unugyada Kansarka.

Caddeymaha ayaa sidoo kale muujinayaa in qof qabay cudurka Kansarka oo lagu tijaabiyay Feyraaska Hergebka ayaa waxaa baaritaankaas lagu ogaaday in astaamaha cudurka Kansarka laga waayay, baaritaanada kaddib.

Sidoo kale, waxaa arrintani caddeyn u ah 14 qof oo kale oo maray tijaabadan ah in la dilay unugyada Kansarka.

Baarayaal ka socday jaamacadda Surrey ayaa waxay sheegeen in Feyraaska Hergebka uu casriyeyn doono qaababka loo daweeyo Kansarka iyo sida looga hortaggo inuu markale soo labo kacleeyo.

Ha’yad wacyigelin ka sameysay Kansarka ku dhaca Kaadi heyska ayaa ku tilmaantay daraasadda ‘mid waxtar noqon karta’ waa haddii ay baaritaanno kale oo dheeri ah lagu xaqiijiyo arrintani.

Markii baaritaannada la sameeyay ayaa waxaa la ogaaday in Feyraaska uu bartilmaameedsaday isla markaasna uu dilay unugyadii Kanasrka Kaadi heyska.

“Feyraaska ka dhasha Hergebka waxaa uu gudaha u galay unugyada Kansarka, waa uu dilay” ayuu yiri profesoor Hardev Pandha oo ka tirsan Jaamacadda Surrey iyo isbitaalka Royal Surrey County Hospital.

Sida caadiga ah,burada ku dhex jirta Kaadi heyska ayaa ah mid qabow oo aan laheyn unugyada difaaca jirka balse shaqada Feyraaska ka dhasha Hergebka ayaa ka dhigaya mid kulul, waxaa uu u horseedaya in unugyada difaaca jirka ay ka falceliyaan.

Profesoor Pandha waxaa uu sheegay in Feyraaska lagu tijaabiyay inuu daaweyn karo Kansarka ku dhaca maqaarka ama in kale bale tijaabada lagu sameeyay Kansarka ku dhaca Kaadi heyska ay tahay middii ugu horreysay.

“Wax dhibaato ah kama dhalan tijaabada markii lagu sameeyay bukaanada”

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY