Baarlamaanka Puntland oo ansixiyey xeerar lagu yaraynayo ganacsiga Somaliland iyo Puntland

baarlamaanka puntland2

Golaha wakiilada dowladda Puntland, ayaa shalay oo Isniin ahayd cod aqlabiyad leh ku mamnuucay in Konteenarada laga soo dejiyo dekedda Berbera ee Somaliland, la keeno degaannada Puntland.

Golaha ayaa sheegay in Konteenarada laga soo dejiyo Berbera ay curyaamin ku yihiin, dekedda magaalada Boosaaso oo laf dhabar u ah ganacsiga Puntland.

Baarlamanka ayaa sidoo kale u codeeyay, in canshuur xad-dhaaf ah oo u dhiganta 500% la saaro, badeecadaha aan daruuriga ahayn ee ka yimaada Somaliland.

Go’aanka Golaha wakiilada Puntland ayaa ku soo beegmay, iyadoo todobaadkii hore ay Wasaaradda Maaliyadda Puntland canshuur laba-jibbaaran ah saartay badeecadaha aan daruuriga ahayn ee ka yimaada Somaliland.

Dikreeto 29-june-2019 ka soo baxday xafiiska Wasiirka Maaliyadda Puntland, ayaa lagu amray in badeecadaha aan daruuriga ahayn ee ka yimaada Somaliland laga qaado, canshuur laba-jibbaaran oo u dhiganta 200%.

Go’aanka wasaaradda ayaa lagu sheegay mid lagu ilaalinayo xuquuqda ganacsatada Puntland, islamarkaana lagu yareynayo ganacsiga aan muhiimka ahayn ee Puntland kaga soo furan dhinaca Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here