Feyraska ka dhasha Hergebka oo lagu daweyn karo Kansarka ku dhaca kaadi heyska

kaadi mareen

Feyraska ka dhasha Hergebka ayaa waxaa uu dili karaa Kansarka ku dhaca kaadi heyska, sida ay muujineyso daraasad la sameeyay.

Tijaabada qaar ee lagu sameeyay bukaanno qaar ayaa muujineysa in Feyraska Hergebka uu dilay dhammaan unugyada Kansarka.

Caddeymaha ayaa sidoo kale muujinayaa in qof qabay cudurka Kansarka oo lagu tijaabiyay Feyraaska Hergebka ayaa waxaa baaritaankaas lagu ogaaday in astaamaha cudurka Kansarka laga waayay, baaritaanada kaddib.

Sidoo kale, waxaa arrintani caddeyn u ah 14 qof oo kale oo maray tijaabadan ah in la dilay unugyada Kansarka.

Baarayaal ka socday jaamacadda Surrey ayaa waxay sheegeen in Feyraaska Hergebka uu casriyeyn doono qaababka loo daweeyo Kansarka iyo sida looga hortaggo inuu markale soo labo kacleeyo.

Ha’yad wacyigelin ka sameysay Kansarka ku dhaca Kaadi heyska ayaa ku tilmaantay daraasadda ‘mid waxtar noqon karta’ waa haddii ay baaritaanno kale oo dheeri ah lagu xaqiijiyo arrintani.

Markii baaritaannada la sameeyay ayaa waxaa la ogaaday in Feyraaska uu bartilmaameedsaday isla markaasna uu dilay unugyadii Kanasrka Kaadi heyska.

“Feyraaska ka dhasha Hergebka waxaa uu gudaha u galay unugyada Kansarka, waa uu dilay” ayuu yiri profesoor Hardev Pandha oo ka tirsan Jaamacadda Surrey iyo isbitaalka Royal Surrey County Hospital.

Sida caadiga ah,burada ku dhex jirta Kaadi heyska ayaa ah mid qabow oo aan laheyn unugyada difaaca jirka balse shaqada Feyraaska ka dhasha Hergebka ayaa ka dhigaya mid kulul, waxaa uu u horseedaya in unugyada difaaca jirka ay ka falceliyaan.

Profesoor Pandha waxaa uu sheegay in Feyraaska lagu tijaabiyay inuu daaweyn karo Kansarka ku dhaca maqaarka ama in kale bale tijaabada lagu sameeyay Kansarka ku dhaca Kaadi heyska ay tahay middii ugu horreysay.

“Wax dhibaato ah kama dhalan tijaabada markii lagu sameeyay bukaanada”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here