15 SANO KADIB LAASCAANOOD OO SI GOBANIMO LEH LOOGA CIIDAY

ciidulfitri laascaanood2023 15

Guud ahaan degaanadda dalka Soomaaliya ayaa maanta si weyn looga ciiday ciidulfitriga oo maalinteedii kowaad maanta ahayd.

Waxaa si gaara xusid u mudan Magaalada Laascaanood oo maanta si gobanimo leh oo Calankii Soomaaliya ka dul babanayo looga ciiday, kadib markii Jamaahiirta SSC ay Maleeshiyaddii Jamhadda SNM dibadda uga saareen.

Lebis isku mida ayaa maanta Laascaanood laga sitay, kaasoo ah direyska ama tuutaha Ciidamadda, iyo qoryaha darandooriga u dhaca oo garbaha u sudhnaa Jamaahiirta, halka Jamaahiirta yaryari ay siteen qoryo caaga ah ee caruurtu ku ciyaarto.

Inkastoo dagaal iyo colaad lagu jiro haddana dadka niyadooda iyo farxadoodu aad ayey uga sareysaa 15 sano ee Maleeshiyadda Somaliland degaamada xasuuqa ka wadey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here