Ciidanka Booliiska Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ayaa maanta gacanta ku dhigay lacag tiro badan oo sharci daro ah.
Qoraal kooban oo bogaadin ah ayaa Taliyaha Booliiska Soomaaliya General Cabdi Xasan Maxamed ayaa yiri,
”Waxaan bogaadinayaa Ciidanka Saldhiga Booliska Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde oo maanta Gacanta ku dhigay lacag tiro badan oo sharci darro ku soo gashay dalka, lana socotay diyaarad ka timi dalka Kenya. Baaritaan dheeri ah ayaa xilligan Ciidanku ku hayaan dhacdadan.”