Masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Hirshabeelle mudane Cali Guudlaawe Xuseen.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa noqonaya hogaamiyihii ugu dambeeyay madaxda dowlad goboleedyada ee soo gaaray caasimadda si uu uga qeyb galo shirka maanta furmaya ee arrimaha doorashooyinka.
Horay waxaa u soo gaaray madaxda dowladaha Koofur galbeed, Jubbaland, Galmudug iyo Puntland waxaana qorshuhu yahay in saacadaha soo aadan uu si rasmi ah u furmo shirka golaha wadatashiga Qaranka.