Mareykanka iyo Shiinaha oo ku tartamaya sameynta diyaaradaha dagaalka ee jiilka lixaad

diyaarad jiilka 6aad

Mareykanka iyo Shiinaha waxaa ka dhex billaabmay tartan ay ugu jiraan sameynta diyaaradaha dagaalka ee jiilka lixaad, ee noqon doono kuwa ugu casrisan caalamka.

Soo saaridda diyaarad militari oo “qarsoodi ah” ee loogu magac daray jiilkii lixaad ee ciidanka cirka, ma waxay dhalisay tartan cusub oo dhinaca hubka ah oo u dhexeeya Mareykanka iyo Shiinaha?

Iyada oo laga duulayo astaamaha soo ifbaxaya ama la helayo, waxaa la ogaaday in jawaabta su’aashan ay tahay ‘Haa’.

Bishii June ee 2021-ka ciidamada cirka Mareykanka waxay shaaca ka qaadeen diyaaradaha dagaalka ee jiilka lixaad ee weli sameyntooda gacanta lagu hayo, in 10-ka sana ee soo socota gudahood loo adeegsanayo nidaamka xukunka hawada ee jilka xiga ee loo yaqaanno NGAD.

Taliyaha ciidanka cirka Mareykanka Janaraal Charles Q. Brown wuxuu guddiga joogtada ee arrimaha ciidamada ee baarlamaanka u sheegay in diyaaraddan cusub ee casriga ah ay beddelyso diyaaradda Raptor F-22, waxayna awood u yeelaneysaa in hal mar howlo badan ay wada qabato.

Taliyaha ciidamada qalabka sida wuxuu sheegay hindisaha miisaaniyadeed ee sannadka 2022, lagu sheegay ujeeddada diyaaraddan dagaalka ee cusub inay tahay in uu Mareyknka noqdo kan marweliba hoggaamiya hawada sare. Sidoo kalana, diyaaraddan waxay wood u yeelan doontaa inay beegsato bartilmaameedyo dhulka ku yaalla.

Diyaaradda dagaalka ee Jiilka lixaad “waxay awood u leedahay inay fuliso duqeymo dhinaca cirka ah oo marka hore lagu sugayo ammaanka diyaaradda lafteeda iyo in Saraakiisha ciddamada cirka iyo ciidamada iskudhafka ah ay u helaan fursad ay ku maamulaan”.

Brown waxaa kaloo uu sheegay, “diyaaradda dagaalka ee NGAD in ay balaarisay waxqabadka diyaaradda F-22, waxayna awoodda inay halki mar ay qaaddo hub iyo rasaas aad u tira badan, taas oo u saamaxeysa inay ku duusho Indo-Pacific (Badweynta Hindiya, Aasiya, Autralia iyo Bariga dhexe).”

Diyaaradda NGAD waxaa lagu tilmaamay inay ka mid tahay diyaaradaha adeegsado habka ay ku shaqeeyaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee awoodda badan u leh in ay cadowga weeraraan, qaadidda weerarrada elektroonigga ah iyo mashiinno hub dheeri ah leh ama isticmaalaya.

Balse saraakiisha militariga Mareykanka waxay sheegayaan inay naqshadda aasaasiga ah ee diyaaradda ay tahay midda diiradda la saarayo ee cajiibka ah.

NGAD waxay awood u leedahay iney qaaddo hub ama rasaas aad u badan

Khatarta Shiinaha

Mareykanka ayaa qorsheynaya inuu qaado hanjabaad dhan walba ah oo ku wajahan ciidamada cirka ee Shiinaha iyo gantaalka Indo-Pacific. Madaxa waaxda istaraatiijiyadda, Sarreeya Guud S. Clinton High, ayaa bishii May sheegay in caqabadaha jiilalka soo socoda ay wajahayaan ay yihiin diyaaradaha casriga ah ee Shiinaha iyo gantaallada riddada dheer.

Waxaa uu sheegay in soo bandhigista diyaaradaha dagaalka ee riddada dheer ay qayb ka tahay olole “hufan” oo looga golleeyahay in Baarlamaanka dalka Mareykanka looga digo khatarta Shiinaha iyo xaaladda firfircoon ee horumarka degdegga ah. “Waa in aad heshaa qof xaaladdan wax ka qaban kara”.”Runtii waqtigu wuxuu ku dhow yahay in uu soo dhawaado marka gantaallada awoodda badan sida J-20 ay khatar ku noqon karaan ciidamada cirka ee Mareykanka,” ayuu yidhi.J-20 waa diyaaraddii ugu horreysay uu Shiinaha sameeyey (oo aan lagu arkin raadaar iyo qalabka diyaaradaha basaaso), oo ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee hadda dunida ugu casrisan.

Wadaxaajoodyo xooggan ayaa u dhexeeyay ciidamada cirka ee Shiinaha iyo ciidanka cirka ee Mareykanka inkasta oo aysan mira dhalin.Sida laga soo xigtay maqaal sannadkii hore lagu daabacay wargayska ugu afka dheer Shiinaha ee Global Times, waxaa lagu sheegay, “Shiinaha kama hari doono dhaqdhaqaaqa caalamiga ah ee diyaaradaha dagaalka ee jiilka lixaad, wuxuuna dhisi doonaa diyaaradaha dagaalka ee jiilka xiga 2035.”

Wang Hefeng, oo ah khabiir hormuud u ah diyaaradaha dagaalka Shiinaha, ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee jiilka lixaad ee Shiinaha la bilaabi doono sannadka 2035.Wang Hefeng waa naqshadeeyaha guud ee Machadka Cilmi-baarista iyo Hal-abuurka ee Chengdu, kaas oo sidoo kale ku hawlanaa samaynta diyaaradaha J-20 iyo J-10.Warbixinta waxay sheegaysaa in farsamooyin cusub lagu daray diyaaradaha dagaalka ee jiilka lixaad, iyo sidoo kale in ay ka mid yihiin diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, sirdoonka macmalka ah iyo hawada sare (awoodda ay ku duuli karaan iyo si degdeg ah in ay u yareyn karaan xiisadda hawada). Awoodda ayaa ku jirta.

Diyaaradda jiilka lixaad uu Shiinaha sameysanaya ayaa la billaabi doonaa 2035-ka

Doorka

Ciidamada cirka Mareykanka markii ay soo bandhigayeen miisaaniyadda sannadka 2022-ka, waxay sheegeen in doorka diyaaradda dagaalka ee cusub uu Mareykanka sameysanaya ee jiilka lixaad, ay yihiin kuwa halki mar dhowr howlood wada qaban kara oo sameyn kara duqeymo dhulka ah.

Brown wuxuu sheegay in bishii May ay ciidamada Mareykanka qorsheeyeen in diyaaradaha loo adeegsado ciidamada cirka ay ku soo koobeen diyaaradaha afarta nooc ee kala ah F-35, F-15EX, F-16 iyo NGAD.

Wasaaradda gaashaandhiggana waxay gudbisatay miisaniyadda 2022-ka si looga horumariyo barnaamijka sameynta diyaaradda dagaalka ee NGAD.

Ciidamada cirka Mareykankana waxay sheegeen in mashruuca diyaaraddaasi dagaalka ay ku sameysanayaan si loo meel mariyana waxay u baahan yihiin miisaaniyad dhan 1.5 balyan oo doolar. Lacagtaasi waa qorsha miisaaniyadeed ee sanadki hore marka la barbar dhigo 623 malyan oo doollar ka sarreeyo.

XIGASHO BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here