AADAN BARE DUCAALE (UUNSADE) OO KA MID NOQDAY GOLAHA WASIIRADA KENYA

aden barre ducaale1

Madaxweynaha Kenya ayaa golihiisa wasiirrada kusoo daray Aadan Barre Ducaale, oo kasoo jeeda Soomaalida Kenya, waxa uuna noqday Soomaaliga keliya ee ka dhex muuqda 22 wasiir oo lagu dhawaaqay.

Aadan Barre wuxuu saaxiib dhow la yahay madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto oo ay marxalado badan isla soo mareen.

Haddii la ansixiyo, Ducaale waxa uu beddeli doonaa Monica Juma, oo xilkaas heysay tan iyo 30-kii bishii Sebteembar ee sanadkii la soo dhaafay.

Maxamed Yuusuf Xaaji ayuu ahaa qofkii ugu dambeeyay ee Soomaali ah oo qabta xilkan awoodda badan, xilligii ay jirtay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Muwai Kibaki. Waxa uu Xaaji wasaaraddan maamulayay intii u dhaxeysay 8-dii Jannaayo ee sanadkii 2008 ilaa 26-kii Abriil ee sanadkii 2013.

Aadan Ducaale ayaa ku khasbanaan doona in uu iska casilo kursiga xildhibaannimada ee uu ku matalo degmada Garissa Township. Waa qodob dastuuri ah in mas’uulka wasiir noqda uu banneeyo kursiga baarlamaanka.

Golaha cusub ee wasiirrada ayaa sugaya ansixinta Baarlamaanka.

Awoodda iyo hoggaanka wasaaradda Difaaca

Wasaaradda gaashaandhigga Kenya waxa ay maamushaa militeriga ama Ciidanka Difaaca Qaranka, waxaana mas’uulka ugu sarreeya ka ah Madaxweynaha.

William Ruto, oo hadda ah madaxweynaha Kenya ayaa sidoo kale haya xilka taliyaha guud ee Ciidanka Difaaca Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here