BAARLAMAANKA SOOMAALIYA OO GUDAGALAY WAX KA BEDELKA DASTUURKA

baarlamaanka somalia 2024

Xildhibaanada labada Gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo haatan kulan xasaasi ah ku leh xarunta Villa Hargeysa ayaa maanta toos u guda galay arrimaha wax ka beddelka dastuurka kumeel gaarka ah ee dalka.

Kulankan ayaa waxaa guddoominaya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo faahfaahin ka bixiyay ajendaha kulankooda maanta ee ku aadan arrimaha dastuurka.

Sidoo kale waxaa kulanka goobjoog ah guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Mudane Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo ah qabiir sare oo sharci yaqaan ah.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo furitaankii kulanka ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in maanta ay tahay maalin weyn oo taariikhi ah, isla markaana ay sugeysay guud ahaan Ummada Soomaaliyeed, maadaama la dhameystirayo dastuurka dalka.

“Maanta waa maalin taariikhi ah waa maalin waqti badan ay sugeysay Ummadda Soomaaliyeed dastuurka Baarlamaanadii lasoo dhaafay oo dhan laga sugaayay nasiib noqon waysay inay suurtogasho ayaa maanta galeynaa furitaankiisa” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray dhammaan xildhibaanada Soomaaliyeed, isaga oo ka codsaday inay waqtiga ilaaliyaan, maadaama ay u taallo shaqo adag, isla-markaana la guda galay doodda ku aadan wax ka beddelka dastuurka KMG ka ah ee Soomaaliya.

“Waxaan rabaa inaan wada ogaano oo aan ku talagalno maanta laga bilaabo inaan galeyno arrin ka duwan tii hore waqtiga waa in aad loo ilaaliyo oo subixii 9:00 subaxnimo sida noogu qoran xeerka inaan nimaano” ayuu mar kale yiri guddoomiye Aadan Madoobe.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in maanta aysan jirin dood toos ah, basle la dhageysanayo warbixinta guddiga la socodka dastuurka ee baarlamaanka oo soo bandhigaya warbixin ku aadan qodobada miiska saaran ee wax laga beddelayo.

“Guddiga ayaa warbixin na siinaayo, iyaga ayaan ka dhageysaneynaa faahfaahin ayay bixin doonaan, kadib waxaa wax laga weydiin doonaa mabaadii’da guud” ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here