BEESHA CAALAMKA OO MUUSE BIIXI U SHEEGTAY INUU CIIDAMADIISA LAASCAANOOD KALA BAXO

beesha caalamka2

Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta habka maqalka iyo muuqaalka ah (Video Conference) kulan kula yeeshay safiirro, safiir ku xigeenno iyo diblumaasiyiin ka tirsan waddammada kala ah;- Finland, France, Germany, Ireland, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, United Kingdom, United States of America iyo Wakiil European Union, waxaana kulankaasi lagaga hadlay xaaladda Magaalada Laascaanood sidii xal nabadeed looga gaadhi lahaa iyo doorashooyinka ku soo fool leh Somaliland.

War ay madaxtooyada Somaliland kulankaasi ka soo saartay ayaa lagu yidhi “Safiirada Beesha Caalamka ayaa u soo jeediyeen Muuse Biixi in ciidanka uu ka durkiyo magaalada Laascanood ee xarunta Gobolka Sool, balse soo jeedintaasi ayuu Muuse Biixi ku xidhay shuruud ah In Maamulka Puntland kala baxo magaalada Laascaanood Ciidanka, hubka iyo Taangiyada.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu ku wargeliyey Safiirrada in Ciidamada Maamul Gobolleedka Puntland ee Soomaaliya ee Laascaanood soo buux dhaafiyey ay ujeedadoodu tahay inay jeexaan xuduud qabyaaladeed saamayn-doona waddamo kale oo ka mida Afrika.” Ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland.

Dhinaca kale intii kulankani uu socday ayay safiiradu wax ka waydiiyeen Muuse Biixi waxa uga qorshaysan qabashada doorashada “Madaxweynuhu waxa uu  uga war-bixiyey safiirrada Arrimaha Doorashooyinka, isagoo u sheegay in ay xukuumaddu hore diyaarisay wixii kharashaad kaga aaddanaa doorashooyinka, isla markaana in masuuliyadda qabashada Doorashooyinka uu u xilsaaran yahay Komishanka Doorashooyinka Qaranku” ayuu lagu yidhi warka Madaxtooyada.

Beesha Caalamka ayaa Muuse Biixi ku khasbaysa in uu ciidankiisa uu ka fogeeyo magaalada Laascanood, kaasi oo ah codsi hore ay usoo jeediyeen garaadada beesha Dhulbahate, balse weli Muuse Biixi ayaa ka meeraysanaya dalabkaasi.

XIGASHO: HADHWANAAGNEWS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here