CIIDAMADA ITOOBIYA OO KU WAJAHAN CAASIMADDA GOBOLKA TIGRAY

ethiopian army armor

Waxaa maanta la filayaa in ciidamada federaalka ee Itoobiya ay galaan magaalada Mekelle ee xarunta gobolka Tigray, iyadoo la fulinayo heshiiskii nabadeed ee ay dowladda iyo jabhadda TPLF kala saxiixdeen 2-dii bishii Nofeembar.

Ciidamada Tigray ayaa sidoo kale la filayaa in ay bilaabaan in ay hubkooda culculus ku soo wareejiyaan dowladda.

Shalay, shirkadda isgaarsiinta ee Ethiotelecom ayaa ku dhawaaqday inay dib u billowday adeegyadii isgaarsiinta magaalada Mekelle.

Isniintii ayaa ergadii ugu horeysay oo ka socota dowladda federaalka ay gaareen magaalada Mekele tan iyo intii uu dagaalka bilaabmay 2 sano ka hor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here