CIIDAMADDA IYO HORGALADA SOMALILAND OO XASUUQ KA WADA LAASCAANOOD

mudaharaad Laascanood 2022 4

Wararkii ugu dambeeyey ka imanaya Magaalada Laascaanood ee Caasimadda Gobolka Sool ayaa sheegaya in Ciidamada iyo Horgaladda Somaliland ay Rasaasta lidka diyaaradaha ee laga rido baabuurta tiknikadda loo yaqaan u adeegsadeen dad shacab ah oo ka gadoodsan dilal qorsheyn ee Somaliland u geysato waxgaradka iyo ganacsatada degaamada SSC.

Inta la xaqiijiyey, marka lagu daro Marxuum Cabdifataax Cabdilaahi (HADRAAWI SANGUB) xalay ay ku dileen Magaaladda dhimashadu waxay mareysaa 3 qof iyo Dhaawac 7 qof gaaraya oo cisbitaalada la geeyey.

Dadka shacabka ah waxaa si cadowtinomo ah rasaasta ula dhacay saraakiil ay isku hayb yihiin Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, kuwaas oo taageero ka helayey Maleeshiyo Beeleed uu hogaaminayey, Horgale gacan-ku-dhiigle Mahad Canbaashe oo hormuud ka ah xubnaha Somaliland u adeegsato xasuuqa iyo cabudhinta shacabka Sool, sidoo kale wuxuu soo abaabulaa ku habsiga iyo ku qabsashadda hantida shacabka, kaas oo maalin maalmaha ka mid isaga iyo mooryaantiisa cadaalada la horkeeni doono.

Dhaawacyadda ayaa cisbitaalada kala duwan la geeyey, goobo ganacsi oo dhowr ah ayaa la burburiyey, xabadda iyo mudaharaadyadu hadda waa soo qaboobayaa, degaamadda SOOL, SANAAG IYO CAYN ayaa si weyn laaga diidan yahay Somaliland waxayna maanta isticmaalayeen hal-ku-dhigyo ay ku muujinayaan diidmadooda Somaliland iyo rabitaanka Somaliweyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here