DAAWO MAHDI GUULEED OO SOMALILAND KU SHEEGAY DAL MADAXBANAAN

RWKX Mahdi Maxamed Guuleed2

Ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ee dalka, ahna haatan xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta hadal buuq badan dhaliyay ka dhex sheegay kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo la xiriira arrinta madax bannaanida ee Somaliland.

Mahdi Guuleed oo ka hadlay dooda ku aadan hindise sharciyeedka hay’adda NISA ayaa soo hadal qaaday sida uu sharcigaan uga hir-geli karo dalka, ulana jaan qaadi karo waddamada dariska ah, isaga oo dalalkaas ka tilmaamay Somaliland oo uu ku sheegay inay tahay dal daris la ah Soomaaliya.

“Haddaba is barbar dhig baanu sameynay oo aanu la eegnay shuruucda kale iyo weliba Geeska Afrika iyo Somaliland qudheeda, ninbaa oran jiray Somaliland waxay kamid tahay waddamada dariska ah” ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ee dowladda dhexe.

Intaas kuma ekaan, wuxuuna Mahdi Guuleed u aqoonsaday Somaliland inay tahay dal madax bannaan, isaga oo sheegay inay ku jirto wadamada dariska la ah Soomaaliya.

“Marka waddamada dariska ah waan wada eegnay Somaliland-na ay ku jirto,” ayuu markale yiri xildhibaan Mahdi Guuleed oo deegaan ahaan kasoo jeeda Hargeysa.

Intaas kadib xildhibaanada ayaa sameeyey fal-celin, waxaana hadalka Mahdi Guuleed ka dhashay buuq ay sameeyeen xubnaha Golaha, waxaana kadib soo farageliyay guddoonka.

“Xildhibaanada sharafta leh garaaca joojiya cidda toosin sameyneyso waa la siinayaa,” ayuu yiri guddoonka sare ee Golaha Shacaabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Arrintan ayaa sidoo kale hadal heyn xoogan ka dhex-dhalisay baraha bulshada, waxaana dadka ka falceliyay ay soo jeediyeen in tallaabo laga qaado Mahdi, si uu u bixiyo raali-gelin.

Si kastaba, Mahdi Guuleed ma’aha mudanihii ugu horreeyay ee Baarlamaanka ka sheega hadalkan, waxaana uga horreysay Xildhibaan Gobsan oo iyadana ka soo jeeda Somaliland, taas oo shaacisay in Somaliland ay tahay dal madax-banaan oo ay tahay in lagu ixtiraamo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here