DABKA WAJAALLE GUBAY WAA ABAALMARINTII DULMIGII AY TAAGEERSANAAYEEN

gubasho wajaalle3

Illaahay SWT waa sheegay cidkasta oo nimcadda uu siiyey ugu mahad niqi weyda inay abaalkooda helayaan, Reer Wajaalle xilligii gubashadda ka hor waxay u banaanbaxayeen oo taageeradooda u muujinayeen dulmigii, duqayntii, xasuuqii iyo barakicintii uu Dhiigyacab Muuse Biixi 8 bilood ka waday Magaaladda Laascaanood, waxay ku faraxsanaayeen soo tebinta sidii shacabka Laascaanood loo duqaynayo, waxay ku baaqayeen in dhiig cusub oo Reer SSC la daadiyo, maalmihii ugu dambeeyey waxay ururinayeen dhaqaale ay ku taageerayaan colaada iyo Dulmiga Muuse Biixi wado, nimcadii Ilaahay siiyey bay diideen inay ku mahadnaqaan oo sidii ugu xumeyd u isticmaaleen.

Illaahay wuxuu ka abaalmariyey taageeraddii ay u muujiyeen dulmigii, cadaawadii iyo dhiigii muslimka ee ay ku baaqayeen in la daadiyo oo naftooda iyo maalkooda ula diyaar ahaayeen, wuxuu ka gubay hantidii ay ku mahadniqi waayeen, fakhri iyo cabsiyina waa la soo deristay, qabashada sidaas oo kale ah ee degdega ah ilaahay uun baa awooda.

Waxaan shacabka Wajaalle ugu baaqaynaa inay ilaahay dib ugu laabtaan oo baryaan inuu ka dhaafo xumaantii Calooshoodda iyo afkooda ka soo burqanaysay ee sababtay cadhadiisa, xuduudkii Ingiriiska ee aad u dagaalamaysaan xuduudkii illaahay iyo wuxuu mamnuucay baa ka weyn, Waxaan kale oo shacabka Somaliland xusuusinayaa in qofkasta oo 8-dii bilood ku faraxsanaa wixii Laascaanood ka socday ay kayd u tahay oo gurigiisa ugu imaan doonto abaalkiisu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here