DACAAYADEYNTA DAHABSHIIL GROUP DAGAALKA LAASCAANOOD LOOGU SOO GABANMAAYO

dahabshiil group

Waxaa waajib ah in dhamaan Jamaahiirta SSC la xusuusiyo in Ujeedada halgankooda aanay ku jirin Aargoosi iyo waxyeelaynta qabiil gaar ah, balse ay waajib ku tahay ilaalinta bedqabka muwaadin kasta oo Soomaaliyeed naftiisa iyo hantiddiisa, ilaalinta iyo dhawrista Shirkadda iyo Ganacsiyadda goboladda SSC ka jira, lagana hortago dacayaadaha qabiilaysan ee aan waxba ka jirin ee shaqsiyaad gaar ahi rabaan inay ku xalaaleeyaan boobka iyo biliqadda hantida dadka iyo Shirkadda waaweyn ee degaamadda ka hawlgalla.

Dacaayadihii beenta ahaa ee laga fidinayey booqashaddii Weriyaasha waaweyn ee #Abdirizak Terra iyo #Mohamed Yusuf Bakayle ku tageen Magaaladda Laascaanood, waxaan ka baranay khatarta iyo saameynta madalhufinta ay afku-xoogleyaasha Baraha Bulshada inagu khalkhalin karaan, falalkan oo kale waa tabaha cadowgu adeegsado si ay u habaabiyaan ujeedooyinka iyo hiigsiga Mustaqbalka.

Waxaa xaqiiqo ah in qaar ka mid ah Afku-xoogleyaasha Baraha Bulshada ee halganka taageera ay dhowr jeer isku dayeen inay isku xidhiidhiyaan dagaalka Laascaanood iyo Shirkadda Ganacsiga ee DAHABSHIIL GROUP, talaabadan waxay lid ku tahay hadafyadda iyo himilooyinka kacdoonka Jamaahiirta SSC, waa dacaayadaha qabiilaysan ee aan salka iyo raadtoona lahayn oo aan wax cadeymo ah wadan, oo si gaar ah loola beegsanayo in Shirkadda Dahabshiil Group loo abuuro nacayb Bulsho ama harag qabiil lagu huwiyo si qabiil loogu ekaysiiyo.

Waxaan cadeynaynaa inaan waxba iska quseyn dagaalka Laascaanood oo leh ujeedooyin qotodheer, Guriga Ina Jabuutaawi ee Hargeysa oo ay ku ceeboobi doonaan ciddii xaqdarro uga qabsatay iyo Dacaayadaha been abuurka ah ee lagu waxyeelaynayo xiriirka shacabka SSC iyo Shirkadda Dahabshiil (SOMTEL) oo ka mid ah shirkaddaha ugu waaweyn Soomaaliya ama Afrika.

Waxaan cidkasta ugu baaqaynaa in aanay isku deyin ama joojiyaan dacaayadaha la doonayo in dareenka Jamaahiirta SSC ee kacsan looga faaiieysto cadaawad gaar ah ama waxyeeleeyo Shirkaddaha iyo Xoolaha dadka Soomaaliyeed, shacabka SSC maaha dad si fudud meeshii ama cidii la doono loogu jihayn karo, waxayna si qoto dheer uga fiirsan doonaan talaabo kasta oo ku keeni karta inay dhaawacdo sumcadooda iyo Mustaqbalka guud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here