DAGAALKII SUUDAAN OO SOCDA IYADOO XABAD-JOOJINTII LA DHEEREEYEY

sudan map

Dhinacyada iska soo horjeeda ee milatariga Suudaan ayaa isku raacay inay dib u cusbooneysiiyaan xabbad-joojin saddex maalin ah, wax yar kahor inta aysan muddadu dhamaan.

Muddo kordhintan – 72 saacadood oo kale – ayaa daba socota dadaallo diblomaasiyadeed oo adag oo ay sameeyeen dalalka deriska ah, iyo sidoo kale Mareykanka, UK iyo Qaramada Midoobay.

Balse waxaa jira warar sheegaya inuu dagaal culus ka socdo magaalada caasimadda ah ee Khartuum.

Xabbad-joojintii hore ayaa u suurtogelisay kumannaan qof inay isaga baxaan dalkaas, halka dhowr dalna ay isku dayeen inay la baxaan muwaadiniintooda.

Ku dhowaad labo toddobaad dagaal socdya oo u dhaxeeyay ciidamada iyo koox mucaarad ah ayaa sababay inay dhintaan boqollaal qof.

Xabbad-joojinta ayaa la filayay inay dhammaato xalay saq-dhexe abbaaro (22:00 GMT) xilliga dalkaas.

Suudaanta Koofureed ayaa usoo bandhigtay Suudaan inay martigeliso wada-hadallo nabadeed, ciidamada ayaana isku raacay inay wakiillo u diraan wada-hadallada.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in Washington ay “aad uga shaqeyneyso” muddo kordhinta xabbad-joojinta, isagoo intaa ku daray in inkastoo sidii laga rabay aysan ahayn haddana ay yareysay rabshadda.

Balse haweeney u hadashay Aqalka Cad, Karine Jean-Pierre ayaa goor dambe sheegtay in xaaladdu ay ka sii dari karto xilli walba.

Dhanka kale, RSF iyo goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamada ay isku fidanayeen aagaggooda Khartuum.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here