DALALKA G7 OO QAATAY GO’AAN KA DHAN AH DALKA SHIINAHA

g7 2023

Xilli ay G7 farriin adag u direen Ruushka iyaga oo kulankoodii Heroshima ku casuumay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, waxay sidoo kale maanka ku hayeen Shiinaha.

Raiisul wasaaraha Ingiriiska Rishi Sunak ayaa sheegay in Shiinuhu uu soo bandhigay “caqabadda ugu weyn ee xilligan lagu jiro” marka la eego amniga iyo horumarka caalamiga ah, iyo in uu “si xawli ah u awoodeysanayo dal iyo dibedba”.

Mana aha hal, balse laba bayaan ayey hoggaamiyeyaasha dalalka ugu qanisan dimuqraadiyadda adduunku si cad ugu sheegeen Beijing, mawqifkooda ku aaddan arrimaha kala qaybinta sida Indo-Pacific iyo Taiwan. Laakiin qaybta ugu muhiimsan ee fariintoodu waxay ku qotontaa waxa ay ugu yeedheen “dhaqaale qasbadka”.

Waa fal dheellitir oo ku dhib badan G7. Ganacsi ahaan dhaqaalahoodu wuxuu noqday mid si aan kala go’ lahayn ugu tiirsan Shiinaha, haddana tartanka Beijing ayaa kordhay waxayna isku khilaafeen arrimo badan oo ay ku jiraan xuquuqda aadanaha.

Hadda, waxay ka walaacsan yihiin in xoog lagu haysto.

Sanadihii la soo dhaafay, Beijing waxay ka waaban wayday inay cunaqabatayn ganacsi ku dhufato dalal aysan raalli ka ahayn. Waxa ka mid ah Kuuriyada Koonfureed, markii Seoul ay rakibtay nidaamka difaaca gantaalaha ee Maraykanka, iyo Ustaraaliya xilligii dhawaa ee xidhiidhka qabow.

Midowga Yurub ayaa si gaar ah uga naxay markii Shiinuhu uu xannibay dhoofinta dalka Lithuania uu Shiinaha wax u dhoofsho ka dib markii dalkan Baltic-ga uu u ogolaaday Taiwan in ay safaarad dhab ah ka sameysato halkaas.

Markaa ma aha wax lala yaabo in G7 ay cambaareeyaan waxa ay u arkaan “kor u kaca qaska” ee “u adeegsiga dhaqaalaha, hub ahaan”.

Qasbashadan ayay yiraahdeen, waxaa la doonayaa in lagu wiiqo siyaasadda dibadda iyo gudaha iyo mawqifyada xubnaha G7 iyo sidoo kale saaxiibbada caalamka.

Waxay ku baaqeen “ka-hortagga-khatarta”- siyaasadda ay Ms von der Leyen oo ka qaybgalaysa shir-madaxeedka ku ololaysay. Kani waa nooca dhexdhexaadka ah ee fikradda Maraykanka ee “ka foganshaha” Shiinaha ,halkaas oo ay si adag u hadlayaan dhanka diblomaasiyadda, ganacsiga lakala weydaarsanayo, iyo shiinaha oo laga dhowro ganacsiga iyo farsamada.

Waxaa kale oo ay daah fureen “madal isku-dubbarid ah” si ay uga hortagaan muquuninta iyo in ay la shaqeeyaan wadamada dhaqaalaha soo koraya. In kasta oo ay weli mugdi ku jirto sida ay tani si sax ah u shaqeyn doonto, waxay u badan tahay inaan aragno waddamo is caawinaya midba midka kale oo kordhinaya ganacsiga ama maalgelinta si looga shaqeeyo xannibaad kasta oo Shiinuhu sameeyo.

G7 waxa kale oo uu qorshaynayaa in la xoojiyo silsiladaha sahayda ee alaabta muhiimka ah sida macdanta iyo semiconductors, iyo in la kordhiyo kaabayaasha dhijitaalka ah si looga hortago jabsiga iyo xatooyada tignoolajiyada.

Laakiin usha ugu weyn ee ay qorsheynayaan in ay adeegsadaan waa xakameynta dhoofinta dhinacyo badan leh. Tani waxay ka dhigan tahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo hubinta tignoolajiyadooda, gaar ahaan kuwa loo isticmaalo militariga iyo sirdoonka, inaysan ku dhammaanin gacmaha kuwa “xasadnimada ku dhaqma”.

Maraykanku diyaara ayuu u yahay in uu sidan sameeyo isaga joojinaya in Shiinaha loo dhoofiyo Chip-ka iyo teknoolajiyadiisa, tan oo ay Japan iyo Holand ku biireen.

G7 waxa ay caddaynaysaa in dadaalladan oo kale aysan sii socon doonin oo keliya, balse ay kor u kacayaan in kasta oo Beijing ay mudaaharaadayso.

Waxay sidoo kale sheegeen in ay sii wadi doonaan joojinta “gudbinta aan wanaagsanayn” ee teknoolajiyada ee la iskula wadaago cilmi-baarisyada. Maraykanka iyo kuwa kale oo badan waxay qabaan walaaca ku aaddan gudbinta siraha farsamada waxayba xabsi geliyeen dad ku eedeeyeen in ay xadeen sir la xiriirta teknoolaji.

Isla markaas waxay hogaamiyeyaasha G7 cadeeyeen in aanay doonayn ku tiirsanaanta cida kale.

Inta badan luqaddooda ku aaddan qasabka dhaqaale ma aysan magacaabin Shiinaha, isku day dublamaasiyadeed oo muuqda oo ah in aysan si toos ah farta ugu fiiqin Beijing.

Markii ay ka hadleen Shiinaha, waxay u istaageen si aan qarsoodi ahayn.

Waxay doonayeen in ay meel dhigaan Beijing, iyaga oo leh siyaasadooda “aan loogu talagalin in lagu waxyeeleeyo Shiinaha, mana raadineyno inaan hor istaagno horumarka dhaqaalaha iyo horumarka Shiinaha”.

Laakiin waxay sidoo kale cadaadis ku saareen Shiinaha inay iska kaashadaan, iyagoo sheegay in “Shiinaha sii kordhaya ee ku ciyaara shuruucda caalamiga ah ay noqon doonto mid dano caalami ah leh”.

Waxay sidoo kale ku baaqeen ka-qaybgalka “runta” halkaasoo ay weli walaacooda si toos ah ugu sheegi karaan Shiinaha, iyagoo muujinaya rabitaankooda ah inay furaan khadadka isgaarsiinta jawi kacsan.

Ma ogaan doonno sida si gaar ah, hoggaamiyeyaasha Shiinaha iyo diblomaasiyiintu u qaadan doonaan farriinta G7. Laakiin warbaahinta dawladda ayaa hore u soo celisay reer galbeedka inay isku dayaan inay yeeshaan labada dhinacba, “iyagoo dhaleeceeyay Shiinaha iyagoo sidoo kale ku raaxaysanaya miraha iskaashigooda dhaqaale”.

Hadda Beijing waxay dooratay inay dib ugu noqoto odhaahdeedii caadiga ahayd ee cadhada ahayd ee jawaabteeda dadweynaha.

Shiinaha ayaa si cad uga ula socday hadallada G7 maalmihii shirku soo dhawaana waxaa la arkayey warbaahinta dawladda oo iyo safaaradaha oo dhaleecayn u jeedinaya Maraykanka kuna eedeynaya dhaqaale qasbasho iyo munaafaqnimo.

Habeenimadii sabtida waxay G7 ku eedeeyeen “aflagaadeyn iyo weerar” ka dhan ah Shiinaha waxayna dacwad u gudbiyeen Japan oo shirka marti gelisay.

Waxayna dalalka kale ee xubnaha ka ah G7 ugu baaqeen in aanay ku garab siin Maraykanka “sandulleynta dhaqaale” iyaga oo sidoo kale ugu baaqay in ay “joojiyaan xulafaysiga budhcadnimo” iyo “go’doominta dalalka kale”.

Waxaa xusid mudan in Shiinuhu uu sidoo kale damcay inuu isbahaysi u gaar ah la sameeyo waddamo kale, iyadoo dabayaaqadii todobaadkii hore markii uu furmay shirka G7, uu marti galiyay shir barbar socday oo uu la yeeshay dalalka bartamaha Aasiya.

Wali ma cadda in qorshaha G7 uu shaqayn doono. Laakiin waxay u badan tahay inay soo dhawaynayaan kuwa ku baaqay istaraatijiyad cad oo lagu maareynayo xad-gudubyada Shiinaha.

XIGASHO BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here