DANJIRE ABUUKAR BAALLE OO MADAX KA NOQDAY KORJOOGTEYNTA ERGADA AU EE UN

un amb Abuukar Baale

Danjiraha joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya xarunta Qaramada Midoobey ee New York ayaa la wareegaya hoggaanka Xafiiska Kor-joogtaynta Ergada Midowga Afrika ee Qaramada Midoobay.

Wuxuu kala waregayaa danjiraha dalka koonfur Afrika u fadhiya Qaramada Midoobey Marwo Mathu Joyini oo qabatay bishii Maajo ee dhamaatay.

Danjire Abuukar Cusman (Baalle) ayaa markii magacaabistiisa la sameeyay ka dib bartiisa Tiwtter kusoo qoray: “aniga oo ku dhisaya shaqadii ay qabatay guddoomiyihii iga horreysay, waxaan ku dadaali doonaa in aan xoojiyo midnimada iyo wada jirka Afrika, innaga oo sii amba qaadeyna difaacidda iyo horumarinta danaheenna aan ka leenahay Qaramada Midoobey”.

Muxuu yahay xafiiskani?

Shaqada xafiiskaan ayaa ah, kor joogteynta Ergada Midowga Afrika u fadhida Qaramada midoobey.

Dalalka ku mideysan Qaramada Midoobey ayaa waxaa loo qaybiyey saddex kooxood juquraafi ahaan. Waa kooxaha ama ururrada laga qabto doorashooyinka goleyaasha iyo wakiillada QM.

Afrika waxaa golaha amaanka Qaramada Midoobey looga qoondeeyay 3 xubnood oo aan joogto ahayn oo wareegta, 14 xubnood uu ku matala Golaha Dhaqaalaha iyo Bulshada ee Qaramada Midoobey (ECOSOC), 13 xubnood oo u fadhiya Golaha Xuquuqda Aadanaha iyo Madaxweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobey (UNGA) oo ay Afrika qabato sanadaha ku dhamaada 4 iyo 9, sida 2014 iyo 2019.

Muxuu qabtaa xafiiskani?

Haddaba Midowga Afrika oo ka kooban 54 dal ayaa leh xafiis kor joogteeya hawlaha goleyaashaas aan kor kusoo xusnay, wanaa xafiiskaas midka uu guddoomiyaha ka noqday ergayga joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada midoobey.

Xafiiskan ayaa iskuduwa hawlaha iyo dadaallada kala duwan ee ururku ka leeyahay Qaramada midoobey, laga bilaabo caafimaadka iyo socdaalka ilaa arrimaha nabadda iyo amniga.

Waxay qabtaan kulammo joogta ah si ay uga war qaataan martida iyo masuuliyiinta Qaramada Midoobey, ugana wada hadlaan qaraarrada Qaramada Midoobey iyo qodobada shirarka si loo gaaro yool ay u siman yihiin xubnaha Ururka Afrika (OAU) oo hadda loogu yeero Midowga Afrika (AU).

Xafiiska waxaa guddoomiya mid ka mid ah danjireyaasha dalalka Afrika u fadhiya Qaramada Midoobey, waana kursi wareega oo bille ah.

Goorma la sameeyay?

Ururka Midowga Afrika ayaa la unkay sannadkii 1963, 18 sano ka dib aasaaskii Qaramada Midoobey. Afar dal oo kala ahaa Masar, Itoobiya, Liberia iyo koonfur Afrika ayaa ka mid ahaa dalalkii lagu aas aasay Qaramada Midoobey.

Maadaama ay dalal badan oo Afrikaan ah xornima qaateen, waxay ku biireen qaramada midoobey iyaga oo ka faaiideysanaya madax bannaanidooda. Saas darteed ururka Afrika ee Qaramada midoobey ayaa kordhay isaga oo gaaray ilaa 29 xubnood. Dalalka sida; Libya, Morocco, Sudan, Tunisia, Ghana, Guinea, Benin, Burkina Faso, Cameroon, Jamhuuriyadda Afrikada dhexe, Chad, Congo, Ivory Coast, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, Gabon, Madagascar, Niger, Somalia, Togo, Mali, Senegal, Nigeria, Sierra Leone, Mauritania, Tanzania, Burundi, Rwanda, Algeria iyo Uganda ayaa ku biiray Qaramada Midoobey intii u dhaxaysay aasaaskii Qaramada Midoobey iyo samayntii Ururkii Midowga Afrika (OAU).

Maadaama uu Ururka Midowga Afrika doonayey in uu hanto kaalintiisa ah in ay ku mideysan yihiin dalalka Afrika, waxa uu noqday mid la fal gala ururro caalami ah. Saas darteed sannadkii 1965-kii markii la qabanayey kulankii Gulaha Guud ee Qaramada Midoobey, waxay qaramada midobey u codeysay in Ururka Midowga Afrika, urur ahaan loogu casuumo golaha isaga oo ka noqonay kor jooge. Waa hawlgalka saddexaad ee ugu faca weyn kor joogeyaasha Qaramada Midoobey.

Dajirihii dalka Mali u fadhiyey Qaramada Midoobey sannadkii 1968, Mamadou Moctar Thiam ayaa noqday korjoogihii joogtada ah ee ugu horeeyay ee OAU ku matala QM, isaga oo hayey xilkaas 1968 ilaa 1972.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here