DARAASAD: MAXAAN UGU QOSOLNAA QOFKA TURAANTUROODA AMA WAX KU DHACO

qof turunturooday

Yaan ku qoslin markii saaxiibkii ku hantaaturooda wadada, madax meel ku dhufsado isaga oo istaagaya ama lugta la waayo jaranjarada?

Waxaan ahay qofka ugu horeeyay ee qiranaya in uu dambi dareemo marka uu sidaa u dhaqmo.

Fursadaan waxaan uga faa’iideysanayaa inaan raali galiyo saaxiibadeey Janie maadaama aan ku qoslay markii aan daawaday iyada oo dhulka ku dhacaysa, waxay isku dayaysay in ay is celiso iyada oo lugaheedu turaanturoonayaan.

Xoog ayaan u qosolnaa, inta badan inaga oo aan is celin Karin, markaan daawano muuqaallo dad ku faya.

Laakiin miyaanan u damqan dadkaas oo xaalad nuglaan iyo ceeb dareemis ah ku jira xilliga ay kufaan? Way noqon kartaa, balse waxaa la xaqiijiyay in qosolkeenna aysan sabab ahayn naxariis darro ama inaan ku qanacsanahay dhibaatada qofka gaareysa.

Ka qabiir cilmi nafsi ahaan iyo xeeldheere dareemada bani’aadamka, waxaan jeclaan lahaa inaan nalka ku iftiimiyo xaaladahaan oo laga yaabo in ay qiyaameeyaan qosolkeenna caadiga ah.

Saadaalin la’aan iyo ishayn kari waa

Waxa ugu horeeya arrintaan waa la yaabka nagu dhaca. Gaarn ahaan, waxaa loo arkaa in qofku la yaabo xaalad maalin walba nolosha ka dhacda, iyada oo u muuqatay in qofku uu kontoroolayay wax walba oon noloshiisa ah sikimo ka hor.

Xaaladda aan la filayn ayaa naga yaabisa, waxayna abuurtaa inaan halmar ka tagno wixii aan arkeynay, iyo wixii aan rajeyneynay inaan aragno.

Xaaladda is hayn kariwaynta waxay cadeyneysaa qaladka ku dhacay saadaalinteena: Waxaan saadaalinay in sheyga X uu noqon doono Y, laakiin arrintii si aan la filayn ayay isugu badashay B. waxaa qaldanaa saadaalinteena ku aadan waxa dhacay. Waxa caqliga gali kara ma ahayn.

Ku qoslida xaaladaas waa qaab aan ku xalino ishayn kari waa geena, inaga oo ka dhigayna sida wax cusub oo aad macquul u ah, qaab shactaro ahna u eegeyna waxii aan aragnay.

Shucuurta wajiga

Markii aan wajahno xaaladaan ishayn kari waaga ah, maskaxdeenu waxay raadisaa macluumaad noo ogolaanaya inaa cabirno waxa dhacay ugana falcelin qaab ku haboon.

Muxuu noo sheegaa wajiga qofka hantaaturooda?

Daraasadeenu waxay daah furtay munaasabad su’aalo lagu waydiinayay aragtida ka qayb galayaasha kuwaas oo la waydiiyay inaan daawladaan 2010 sawir oo kala matalayay saddex nuuc oo wajiyo ah.

  • Waji muujinaya wareer
  • Waji muujinaya xanuun ama caro
  • Dad jirkooda la dhigay qaabab qaldan, balse aan wajigooda la arkaynin.

20 sawir oo ah dabeecada ah kuwaas oo loogu talagalay in ka qayb galayaashu ay ku jahwareeraan waxa loogu tala galay cilmi barista. Waxaa loo sheegay inay batan riixaan mar walba oo uu soo muuqdo midkamid ah sawirada, qaabka maskaxdoodu u fakareyso waxaa la diiwaan galiyay inta shaqadu socotay. Waxaas sidoo kale la waydiiyay in ay sheegaan in ay wax lagu qosol u arkaan sawirk kasta oo la soo bandhigay.

Gunaanadkii daraasadaan, ka qaybgalayaashu waxay u codeeyeen sawiro wajiyo kala duwan ah oo la isku qasay oo noqon karay wax lagu qoslo markii loo barbardhigo kolkii hore sida ay ahaayeen.

Hadaba, markii aan fahanno inaan garan waynay shucuurta wajiga ee qof hawl ku fashilmay (qof u muuqda inuu wareeray, yaabay ama amakaagsan), macluumaadkaas ayaa abuureysa inaan qosol u qaadanno.

Dhanka kale, hadii aan fahmi karno in qofka wajigiisa ay ka muqato caro ama silac, waxaan u badali karnaa cariiriga qofka ku dhacay, inaga oo u dhimrineyna, taas oo naga celineysa qosolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here