DAWLADDA FEDERAALKA IYO M GOBOLEEDYADA OO BAYDHABO SHIR UGA FURMAY

xasan sheekh iyo m goboleedyada2

Shirka dowladda federaalka ah ee soomaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ayaa maanta ka furmaya magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka koonfur galbeed. Shirkaasi ayaa wararku waxa ay sheegayaan in aysan qayb ka ahayn Puntland.

Wasiirka war faafinta Soomaaliya Daaud Aweys oo ay BBC-du wareysatay ayaa sheegay in shirkani yahay mid ka mid ah “shirarkii ay isugu imaan jireen golaha wada tashiga qaranka oo uu shir guddoomiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud”.

Sida uu sheegay wasiirka war faafinta Soomaaliya, Shirkan ayaa looga hadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin amniga, maareynta dhaqaalaha iyo siyaasadda dalka oo uu sheegay in looga hadli doono sidii loo qaabeyn lahaa doorashooyinka dalka ka dhaca.

Shirka oo uu shir guddoominayo madaxweynahya ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay Raysal wasaarah Soomaaliya Xamse Barre, waxaana la filayaa inay kasoo qayb galaan dhamman Maamul goboleedyada, balse Puntland oo la sheegay in aanay kasoo qayb galeynin shirka ayaan wax ka weydiinnay Wasiirka wuxuuna ku gaabsaday in la filayo kasoo qayb galka dhamaan maamullada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here