DAWLADDA SOOMAALIYA OO SHIRKADAHA ISGAARSIINTA GO’AANO CUSUB U GUDBISAY

astaanta soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa shirkadaha isgaarsiinta dalka u gudbisay liiska go’aanaddii Guddiga Qaran ee ka hortagga Lacag-dhaqida iyo La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada (NAMLC), sida ay sheegtay wakaaladda warrarka ee SONNA.

Hay’adda ayaa shirkadaha isgaarsiinta ku wargelisay inay waajib tahay in adeeggooda lacagaha Mobile-ka la iskugu diro ay rukhsad ka haystaan Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, lagana doonayo in ay si degdeg ah u fuliyaan.

“Shirkadaha Isgaarsiinta la farayaa inay diiwaangeliyaan Lafaha (SIMCARDs)-ka macamiisha, iyada oo macaamiisha cusub laga qaadayo ugu yaraan sawir iyo faraha, halka kuwii horay u qaatay na Sim-kaararka dib loogu diiwaangaliyo muddo aan ka badnayn 90 maalmood; Si waafaqsan Qod. 5-aad ee Sharciga Ka-hortaga Lacag- dhaqidda iyo Maalgalinta Argagixisada iyo Qod. 66 ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay hay’adaha isgaarsiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here