DIBADBAXAYAASHA MUCAARADKA KENYA OO GAARAY XAAFADDA EASTLIEGH

raila odinga

Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa haatan horkacaya kolonyo gawaari ah oo dhex maraya xaafadaha Nairobi kaddib markii booliiska ay ka xannibeen inay galaan bartamaha magaalada ee ganacsiyadu ku yaallaan.

Boqollaal taageerayaashiisa ah ayaa goor dhoweyd gaaray xaafadda Eastleigh, iyadoo Raila uu halkaasi ka jeediyay khudbad.

Siyaasigan ruug-caddaaga ah ayaa xaafad walba ku istaagayay si uu taageerayaashiisa ugu khudbeeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here