DIGNIIN: MUUSE BIIXI OO DHAQAAQAY XEELAD KASTA OO UU DIB UGU DHIGI KARO WEERARKA JAMAAHIIRTA SSC

ciidamada jamaahiirta ssc2

Inkasta oo uu cadeeyey in aanu Ciidamadiisa kala baxay Gobolka Sool, haddana Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu xaqiiqsaday in weerar kasta oo Ciidamadda SSC ku soo qaadaan iyo dagaalka oo bilowdaa uu ku yahay dhabarjab Siyaasadeed, kadib markii ay dhamaan beeshii Caalamku ka soo horjeesteen iyo sidoo kale guuldarro Ciidan maadaama ay aad u wiiqmeen Saraakiishii xirfadda lahaa iyo Ciidamaddii tababaraa.

Muuse Biixi wuxuu aaminsan yahay maalin kasta oo Ciidamadiisu dagaal la,aan Goojacade sii joogaan inuu helayo fursad ay ciidamada iyo Garaadada SSC ku furfurmaan, Ciidamadda hiil walaala dib ugu laabtaan, taasoo u suurtagelin doonta inuu wadahadal la gallo qaar SSC ka mid ah oo uu Horgallo ka dhigto.

Muuse Biixi iyo Madaxdhaqameed uu BOQOR BUURMADOW ka mid yahay oo hadda hiilka Jeegaanta iyo Habarjeclonimadda geestiisa ka galay, waxay la xidhiidheen cidkasta oo ay isleeyihiin maalin bay dagaalka dib u dhigi kartaa sida, qaar ka mid ah Madaxdhaqameedka Daarood, Dawladda Federaalka, Madaxdhaqameedkii Koonfureed ee horey Laascaanood u tegay oo ay ka codsadeen inay Reer SSC ku cadaadiyaan in aanay dagaalka bilaabin inta ay Somaliland ka soo quusanayaan, taasoo qaadanaysa dhowr bilood, sidoo kale waxay la hadleen Masuuliyiin ka tirsan Puntland iyo Madaxdhaqameedkooda kuwaas oo la doonayo inay Isimadda SSC Garoowe ugu qabtaan shirar waqti lumis iyo habsaamin ah.

Dhamaan shacabka, Qurbejoogta iyo Jamaahiirta SSC waxaa ku waajiba ah inay ka dhiidhiyaan khataraha soo foodsaaray tacabkoodii ay dhiigooda u soo qubeen oo meeshii ugu wanaagsanayd maraya, maalin kasta oo dagaal dhaco waa guul u soo hoyatay SSC, maalin kasta oo nabadgelyo ahi waa Guusha Muuse Biixi iyo maleeshiyadda SNM, lama aqbali karo Isimadu Garoowe xarun ka dhigtaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here