DOWLADDA OO SHEEGTAY INAY SOO AFJARTAY WEERARKII XARUNTA G BANAADIR IYO KHASAARAHA

xarunta gobolka banaadir

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ciidamada amniga ay soo afjareen weerarkii dagaal-yahaano ka tirsan Al-Shabaab ay maanta kusoo qaadeen xarunta maamulka gobolka Banaadir.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu sheegay in ciidamada ay toogteen xubnihii Shabaabka ahaa ee weerarka soo qaaday, kuwaasi oo ahaa lix dagaal-yahan.

Maleeshiyaadka Shabaabka ahaa ee goobta yimid ayaa ahaa kuwa lugaynaya, iskuna ekaysiiyay ciidamada Qaranka si ay halkaas usoo gaaraan, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay dowladda.

Dowladda ayaa xaqiijisay in weerarkii xarunta maamulka gobolka Banaadir ay ku dhinteen 5 ruux oo shacab ah, afar kalena ay ku dhaawacmeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here