FIFA OO WARQAD U DIRTAY GUDIGA DOORASHADA X KUBADA CAGTA SOOMAALIYA

fifa logo

Xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa warqad ay soo saareen kaga dalbaday xiriirka kubadda cagta Soomaaliya in ay qabtaan doorasho loo dhan yahay oo hufan.

FIFA ayaa warqadda u dirtay guddiga doorashada ee xiriirka kubadda cagta iyo wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya kadib markii ay horey cabasho uga soo gaartay wasaaradda iyo qaar ka tirsan xubnaha guddiga doorashada.

Horey, ayaa wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo qaar ka mid ah musharraxiinta guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta uga soo hor jeesteen go’aan kasoo baxay guddiga doorashada oo lagu sheegay in kaliya hal musharrax uu buuxiyay shuruudaha musharraxnimo.

Ibraahim Geeddow Cawaale ayaa ka waraystay arrintan agaasimaha isboortiga wasaaradda dhaliyarada iyo isboortiga, Siciid Maxamed Xasan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here