GARAAD JAAMACOW XABADDA IYO XUMAANTA BUU MUUSE BIIXI FAHMAA

garaad jaamac garaad cali

Garaad Jaamac Garaad Caliyow waxaa Muhiim ah in aad deristo dhaqanka cadowgaaga si aad uga guuleysato, Madaxweynaha Hargeysa Muuse Biixi wuxuu fahmaa oo keliya xabadda iyo xumaanta, wuxuu doonaa inuu guuleysto, wanaaga iyo dulqaadka wuxuu u yaqaan doqoniino, hadaad ku baaqdid wuxuu kuu arkayaa inaad jilicday, wuxuu ugu farxad badan yahay markuu shacab, degaan ama qof dhibaateeyo, isagoo marba dib u milicsada dhibtii uu geystay, inta wanaag iyo tolnimo laga fekerayo isagu wuxuu ku fekerayaa sidaad shacabka iyo degaamadda SSC ku waxyeelaysaa, sidee dad badan u dhintaan.

Beesha Isaaq ee aad maalin walba saxaafada kala hadashid 34 sano ayey Jamhuuriyad Barakaysan oo Somaliland la yiraahdo duulinayeen, waxaana xuduud u ah Gumeysigii Ingiriiska iyo dhulkii Gaalkii Koofil ee Daraawiishi dishay uu tegay, waxay ka yaaban yihiin sida Jamhuuriyaddii dhulka loo jiiday, adigana waxay kuu arkaan fidmowale, looma baahna inaad maalin walba Saxaafada uga dhawaaqdid, waxay kugu fahmi karaan inaad Muuse Biixi iyo Maleeshiyada Goojacade joogta subax walba weerartaan oo ka adkaataan.

Garaad (QANIINYO AYAA QANIINYO KAA FUJISA) hadal dambe oo shacabka lagu beer laxowsanayo lama dhegaysanayo, waxaa kuu banaan abaabulka Ciidanka ee dhankaaga inaad sadex laabtid oo Maleeshiyadda Muuse iyo xabadda la walaaleeyo, habeen iyo maalinba jiif iyo joog loo diido, dhamaantiin macal saraakiisha Ciidamadu waxaad ku eedaysan tihiin inaad 20 maalmood oo nasasho ah aad Maleeshiyadda Muuse siisaan oo xabadjoojin beena isku mashquulisaan, cadowgu maalin walba sidii uu ciidamadaada u furfuri lahaa buu ku mashquulsan yahay.

Waxaa marwalba xusid mudan Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo saldhig u ah guusha iyo midnimadda shacabka SSC-Khaatumo ku naaloonayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here