GARXAJIS-KA CIRRO IYO FAYSAL WAX DHAAMA ISKA WAAYEY YAAN REER SSC RAADIN!!!

cirro iyo faysal

Mudooyinkii dambe Waxgarad badan oo Reer SSC ayaa halhays ka dhigtay talladda Isaaq waxaa ka maqan kaalintii GARXAJIS, waa run, Laakiin Dawaco ayaa tiri (WALLEE REER AAN OGAHAY MANA GUURO MANA NEGAADO), Garaxajis-ka 30 Sano Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe wax dhaama iska waayey ee Siyaasiyiin, Hogaamiyaashii Xisbiyadda iyo Muraayadda u yihiin, ninkii Reer SSC ee raadiyaa wuxuu la mid yahay nin Dawladdii Siyaad Barre u boholyoobay.

Xaqiiqdu waa Qarnigan lagu jiro Labeenta iyo talladda Isaaq waa HABARJECLO IYO HABAR AWAL, Habarjeclo oo ay Dhulbahante isyiqiineen mudo-xileedkeedii waxay geysatay Xasuuqii Kalshaale, Shirkadaha Batrool, Ciidamadda Ilaaladda Batrool ee Madaxjebinta loogu tallogalay iyo RRU waqtigoodii baa la aasaasay, waxaa dhici karta inaan ujeedada loo aasaasay aanu Muuse Biixi waxba ka ogeyn xilligaas, Qoladda Habar Awal waa dhab in aanay Reer SSC is aqoonin, waxay u baahan tahay baadhis in lagu sameeyo in Habarjeclo warbixin qaldan iyo dariiq ay U jeexday ku wareejisay oo fartooda subag ku dhuuqday ama mindida daabkeeda hayso, nasiib wanaag sidii Garaad Jaamac Garaad Cali sheegay Habar Awal maanta ayey Reer SSC isbaranayaan, waxayna ka bilaabanaysaa Ciidamadda Somaliland oo degaamadda SSC xoog looga saaro iyo inaan wax wadahadal ah lala gelin inta ay kursiga Somaliland ku fadhiyaan.

Waxaa nasiibdarro ah 30 Maalmood kadib markii Muuse Biixi dalkii burburiyey in Cabdiraxmaan Cirro yiraahdo waxaan taageersan ahay Ciidamadii Laascaanood burburiyey, halka Faysal Cali Waraabe ku hadaaqay in sabaayad la dubo, Waxaa xaqiiq ah in labadooda oo laysku daray aanay Muuse Biixi fartiisa u dhigmin, garasho iyo hogaamin toona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here