GARXAJISOW BIXIYA RASAASTII 11.08.2022 SHACABKIINA LAGU XASUUQAY

caddegude cirro faysal

Markaad qiimeyso qodobaddii Beesha Habarjeclo ka soo saartay doorashooyinka, waxaa kuu muuqanaysa in laga ilaawey hal qodob oo muhiim ah, kaas oo ah in BEESHA GARXAJIS BIXISO RARAASTII IYO QARASHKII HOWLGALKA loo adeegsaday xasuuqii xukuumadu u geysatay shacabkii banaanbaxay 11.08.2022, kaas oo sababay boqolaal isugu jira dhimasho, dhaawac iyo tacadiyo kale.

Ma jirto gunnimo iyo caqlixumo ka weyn in isla ciidamadii daalimiinta ahaa ee shacabka sida naxariis-daradda ah u xasuuqay oo inay dhiig cusub daadiyaan u socda markii layska celiyey magtoodii Garxajis aqbalo, arintani waxay sharciyeysay in waxkasta oo jamhadda Gacan Libaax geysato ay Garxajis geysteen, waana ku saxnaayeen in Reer DHOQOSHAY ay Baabuurii Dawladda 24 saac u qabtaan in loogu soo celiyo, waayo Garxajis ayaa sheegtay waxkasta oo ay geestaan. Waxay ahayd in falka Jamhadda iyo Ciidamadda Somaliland isku mid laga dhigo oo masuuliyadooda ka leeyihiin Muuse Biixi iyo OOFWAREEN.

Waxaa xaqiiq ah hadalkii GARAAD JAAMAC GARAAD CALI EE AHAA IN BEESHA GARXAJIS LAGU GUMEEYEY SOMALILANDNIMADDA, waxay kale oo arintani rumeynaysaa dareenka ah inaan siyaasiyiinta Garxajis u qalmin ama lagu aamini karin hogaaminta Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here