GOLAHA AMMAANKA EE QM OO QARAAR KA SOO SAARAY DAGAALKA LAASCAANOOD

un security c somalia

Golaha Ammaanka ee QM ayaa Qaraar tirsigiisu yahay SC/15313- ka soo saaray xaaladda magaalada Laascaanood iyo dagaalada ka socda. Qaraarka ayaa nuxurkiisu u qoraa sidan.

1- Golaha ammaanku wuxuu cadeeyey in midnimadda Soomaaliya lama taabtaan tahay.

2- Golaha Ammaanku wuxuu muujiyey walaaciisa dagaalka Magaaladda Laascaanood ee waqooyiga Soomaaliya ka socda kaas oo ay ku barokaceen dad ka badan 150 000. Iyagoo qoysaskii, shacabkii iyo dhaawacyadii Ciidamada Somaliland waxyeeleeyeen u beryey caafimaad.

3- Golaha Ammaanka ayaa soo dhaweeeyey dadaalada & Hindisaha nabadda ee ay wadaan Dawladda faderaalka, Itoobiya & Odayaasha beelaha oo ku wajahan sidii xabad joojin loo gaari lahaa, wada hadal rasmi ahna dhinacyad u dhexmari lahaa, waxayna ugu baaqeen dhinacyadu in ay xabad joojin deg deg ah sameeyaan, si wadahadal rasmi ah loo bilaabo, Xaafiiska UNSOM ee Soomaaliya ayaa la faray in uu garwadeen ka noqdo wada xaajoodyada iyo fududeyntooda.

4- Golaha Amaanka ayaa sheegay in ay Somaliland ciidankeedu geysteen xadgudubyo ka dhan ah dadka rayidka ah, tan iyo December 2022, sida ay xuseen warbixinada Xaqiiqo raadinta ah ee laga sameeyey Laascaanood (gaar ahana Document S/2023/109- oo cadeynaya baaris la sameeyey).

5- Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa ku baaqay in si deg-deg ah looga saaro ciidamada Somaliland ee ku sugan magaalada Laascaanood, waxayna ugu yeereen dhamaan dhinacyadu inay isxakameeyaan oo ka fogaadaan falal hurin kara dagaal iyo hadalada xanafta leh.

6- Golaha Ammaanka waxay si kulul cambaareeyeen beegsiga xarumaha danta guud, shacabka, waxayna ku baaqeen in la joojiyo iska horimaadka ciidanka Somaliland iyo ciidanka beeleedka deeganka.

7- Golaha Amaanka ayaa xasuusiyey dhammaan dhinacyada in lagu xisaabtami doona dhacdooyinka Laascaanood, iyadoo lagu dhaqmi doono sharciga caalamiga ah oo uu ku jiro sharciga caalamiga ah ee arrimaha Bini’aadantinimada, waxayna soo jeediyeen in lagula xisaabtamo kuwa gaboodfalada iyo falalka ka baxsan xaquuqda Aadanaha geysanaya.

8- Beesha Caalamka, gaar ahaana Hay’addaha caalamiga ah ayaa lagu booriyey in ay kordhiyaan gargaarka ay siinayaan dadka barakacay, sidaas oo kale kooxaha ka shaqeeya ka hortaga agabyada qarxa ayaa la faray in ay deg deg uga howlgalaan deegaanadaas, si dadweynaha looga badbaadiyo halista waxyaabaha qarxa ee ay ka tagaan dagaaladu.

Riix Hoos si aad u akhrisato qaraarkii English ah:

SECURITY COUNCIL PRESS STATEMENT ON SITUATION IN SOMALIA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here